Roobk Deyrta oo ka curtay Muqdisho iyo deegaanno kale oo ka tirsan dalka
Roobab xooggan oo saacado badan socday ayaa xalay ilaa saaka ka da’ay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo deegaanno kale oo ka tirsan Soomaaliya.
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Waxa muhiimka ah
- Roobab xooggan ayaa ka curtay Muqdisho iyo deegaanno kale oo ka tirsan Soomaaliya.
- Roobabka ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay qaar ka mid ah waddooyinka iyo goobaha muhiimka ah ee magaalada.
- Dadweynaha ku nool caasimadda ayaa si weyn u soo dhaweeyey roobkan, maadaama uu ku soo aaday xilli dalka laga soo gudbayay xilliga Xagaaga oo inta badan lagu yaqaan kulayl iyo roobab yari.
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Roobab xooggan oo saacado badan socday ayaa xalay ilaa saaka ka da’ay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo deegaanno kale oo ka tirsan Soomaaliya.
Roobka ayaa magaalada Muqdisho ka bilowday xalay, waxaana uu socday ilaa saaka, iyadoo meelo badan oo caasimadda ka mid ah laga dareemay daadad iyo waddooyinka buux dhaafiyay.
Roobabka ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay qaar ka mid ah waddooyinka iyo goobaha muhiimka ah ee magaalada.
Roobka oo ku soo beegmay xilli ay Soomaaliya galayso xilliga Deyrta , ayaa sababay isku socodka gaadiidka iyo dadka oo meelo ka mid ah Muqdisho uu hakad ama gaabis ku yimid, gaar ahaan goobaha ay biyuhu fariisteen.
Dadweynaha ku nool caasimadda ayaa si weyn u soo dhaweeyey roobkan, maadaama uu ku soo aaday xilli dalka laga soo gudbayay xilliga Xagaaga oo inta badan lagu yaqaan kulayl iyo roobab yari.
Qaar ka mid ah dadka ayaa roobkan ku tilmaamay mid ka mid ah roobabkii ugu horreeyey ee Deyrta ee si xooggan uga da’a Muqdisho.
Xilliga Deyrta ee Soomaaliya ayaa caadi ahaan ku soo beegma bartamaha ama dhammaadka bisha September, waxaana uu socon karaa ilaa bilaha October iyo November, iyadoo waqtiga iyo xoogga roobabku ay ku kala duwan yihiin gobollada dalka.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Roobab xooggan ayaa ka curtay Muqdisho iyo deegaanno kale oo ka tirsan Soomaaliya, taasoo keentay daadad iyo saameyn ku yeelatay gaadiidka.
Qodobada muhiimka ah
- Roobab xooggan ayaa ka curtay Muqdisho iyo deegaanno kale oo ka tirsan Soomaaliya.
- Roobabka ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay qaar ka mid ah waddooyinka iyo goobaha muhiimka ah ee magaalada.
- Dadweynaha ku nool caasimadda ayaa si weyn u soo dhaweeyey roobkan, maadaama uu ku soo aaday xilli dalka laga soo gudbayay xilliga Xagaaga oo inta badan lagu yaqaan kulayl iyo roobab yari.
- Xilliga Deyrta ee Soomaaliya ayaa caadi ahaan ku soo beegma bartamaha ama dhammaadka bisha September, waxaana uu socon karaa ilaa bilaha October iyo November.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha la soo bandhigay.
- Lama hayo jawaab ka timid mas'uuliyiinta ku saabsan daadadka ama dhibaatooyinka gaadiidka.
- Tirooyinka khasaare ama qiimeynta khasaaraha gaarka ah lama soo sheegin.
Gunaanadka akhristaha
Roobabka xooggan ee Muqdisho ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay dadka deegaanka, hase yeeshee waxay sidoo kale keeneen daadad iyo carqalado gaadiid.
Waxa weli aan caddayn
- Meelaha gaarka ah ee Muqdisho ee ay daadadku saameeyeen maxay yihiin?
- Ma jiraan warar ku saabsan waxyeelo soo gaartay kaabayaasha ama guryaha?
- Sidee ayay hay'adaha maxalliga ah uga jawaabayaan xaaladda daadadka?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · deegaanno · tirsan · kale