Wafdi ka socday hay’ado caalami ah oo booqasho ku tagay Jubbaland
Kismaayo – Wafdi ka kala socday safaaradaha Sweden, Norway, Netherlands, Midowga Yurub, Switzerland iyo hay’ado caalami ah ayaa booqasho ku tagay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland, halkaas oo ay kaga qeybgaleen xarig-jar iyo kormeer lagu sameeyay mashaariic…
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Waxa muhiimka ah
- Wafdiga ayaa sidoo kale ka koobnaa mas’uuliyiin ka socday UNDP, UNICEF, UN-Habitat iyo Somalia Joint Fund.
- Wafdiga ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray biyo-mareen loogu talagalay qaadista biyaha roobka.
- Wafdiga ayaa sidoo kale kulamo fool ka fool ah la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ka mid yihiin salaadiinta iyo odayaasha dhaqanka.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Kismaayo – Wafdi ka kala socday safaaradaha Sweden, Norway, Netherlands, Midowga Yurub, Switzerland iyo hay’ado caalami ah ayaa booqasho ku tagay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland, halkaas oo ay kaga qeybgaleen xarig-jar iyo kormeer lagu sameeyay mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay degmada.
Wafdiga ayaa waxaa magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Jubbaland, Mudane Maxamed Ibraahim Ogle, oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland.
Wafdiga ayaa sidoo kale ka koobnaa mas’uuliyiin ka socday UNDP, UNICEF, UN-Habitat iyo Somalia Joint Fund, kuwaas oo magaalada u yimid inay kormeeraan mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay degmada Kismaayo, kuwaas oo qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo adeegyada bulshada iyo kaabayaasha muhiimka ah.
Ugu horreyn, Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubbaland, mas’uuliyiinta ka socday safaaradaha iyo hay’adaha caalamiga ah, iyo Maamulka Dowladda Hoose ee degmada Kismaayo ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray biyo-mareen loogu talagalay qaadista biyaha roobka, kaas oo laga hirgeliyay isgoyska Dahabshiil iyo Hormuud ee xaafadda Calanley.
Sidoo kale, wafdiga ayaa kormeer ku tagay Iskuulka Hoose, Dhexe iyo Sare ee Ganaane, kaas oo dib-u-dayactir lagu sameeyay. Maamulka iskuulka ayaa wafdiga uga warbixiyay howlaha mashruuca iyo waxyaabaha laga hirgeliyay xarunta waxbarashada.
Dhanka kale, wafdiga ayaa booqday Xarunta Odayaasha Dhaqanka ee Xalinta Khilaafaadka Jubbaland, halkaas oo ay kula kulmeen odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Odayaasha dhaqanka ayaa wafdiga uga warbixiyay doorka ay ku leeyihiin nabadaynta bulshada iyo qaababka dhaqanka ee loo adeegsado xalinta khilaafaadka iyo xoojinta wada-noolaanshaha bulshada.
Wafdiga ayaa sidoo kale kulamo fool ka fool ah la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ka mid yihiin salaadiinta iyo odayaasha dhaqanka. Ugu dambeyn, Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubbaland, Mudane Maxamed Ibraahim Ogle, iyo mas’uuliyiin kale ayaa magaalada Kismaayo ku sagootiyay wafdiga ka socday dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah.
Mas’uuliyiinta wafdiga ayaa dhankooda uga mahadceliyay Dowladda Jubbaland iyo shacabka Kismaayo soo dhaweynta loo sameeyay, iyagoo bogaadiyay mashaariicda horumarineed ee laga hirgeliyay degmada, isla markaana laga codsaday in la sii ballaariyo lana cusbooneysiiyo mashaariicda horumarineed ee ka socda magaalada.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Wafdi ka socday hay’ado caalami ah ayaa booqasho ku tagay Kismaayo, Jubbaland si ay uga qeyb galaan xarig-jar iyo kormeer lagu sameeyay mashaariic horumarineed.
Qodobada muhiimka ah
- Wafdi ka socday hay’ado caalami ah ayaa booqasho ku tagay Kismaayo, Jubbaland si ay uga qeyb galaan xarig-jar iyo kormeer lagu sameeyay mashaariic horumarineed.
- Wafdiga ayaa sidoo kale ka koobnaa mas’uuliyiin ka socday UNDP, UNICEF, UN-Habitat iyo Somalia Joint Fund.
- Wafdiga ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray biyo-mareen loogu talagalay qaadista biyaha roobka.
- Wafdiga ayaa sidoo kale kulamo fool ka fool ah la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ka mid yihiin salaadiinta iyo odayaasha dhaqanka.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabo ka yimid dhinacyada la eedeeyay ama la dhaleeceeyay.
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay bayaanada rasmiga ah ee ka socda dowladda Jubbaland iyo hay’adaha caalamiga ah.
- Tirakoobka khasaaraha ama saameynta gaarka ah ee mashaariicda lama xusin.
Gunaanadka akhristaha
Booqashadu waxay muujinaysaa ka-qaybgalka caalamiga ah ee socda ee ku saabsan dadaallada horumarineed ee Jubbaland.
Waxa weli aan caddayn
- Mashaariicda horumarineed ee la kormeeray maxay yihiin?
- Maxay noqon doonaan natiijooyinka la filayo ee biyo-mareenka la furay?
- Sidee bay jawaabaha bulshada u saameyn doonaan mashaariicda mustaqbalka?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · ado · jubbaland · socday