Roshan Reddy oo lagu la’yahay Jabuuti
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiRoshan Micah Reddy, suxufi baara musuq-maasuqa, ayaa lagu la’yahay Jabuuti halkaas oo uu u joogay howlo la xiriira shaqadiisa.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Suxufigan u dhashay Koonfur Afrika ayaa waxaa lala la’yahay qof deegaanka ah oo la socday, kaas oo magaciisa lagu sheegay Kooki Mahmoud.
- Walaaca laga qabo halka ay ku dambeeyeen labada qof ayaa yimid kadib markii aan la helin wax xog ah oo ku saabsan xaaladdooda, iyadoo CPJ ay dowladda Jabuuti ka dalbatay inay caddeyso halka ay ku sugan yihiin iyo xaaladda suxufiga.
- Hay’addu waxay si gaar ah u codsatay in la xaqiijiyo haddii Reddy la xiray ama la afduubtay, iyadoo sheegtay inay walaac ka qabto xog la’aanta ku saabsan suxufiga Koonfur Afrikaanka ah.
- Reddy ayaa si qoto dheer u baara arrimaha la xiriira musuq-maasuqa, maamulka dowladda iyo siyaasadda, wuxuuna fadhigiisu yahay magaalada Johannesburg ee Koonfur Afrika.
Sida ay sheegtay Caasimada Online

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Hay’adda Difaaca Suxufiyiinta ee CPJ ayaa ka codsatay dowladda Jabuuti inay caddeyso halka uu ku sugan yahay Reddy.
- Reddy ayaa la socday Kooki Mahmoud, waxaana la la’yahay labadoodaba.
- Dowladda Jabuuti ayaa laga sugayaa inay bixiso xog rasmi ah oo ku saabsan xaaladda Reddy.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Jabuuti (Caasimada Online) – Roshan Micah Reddy, oo ah suxufi baara musuq-maasuqa, maamulka dowladda iyo siyaasadda ayaa lagu la’yahay Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaas oo uu u joogay howlo la xiriira shaqadiisa, sida ay sheegtay Hay’adda Difaaca Suxufiyiinta ee CPJ.
Suxufigan u dhashay Koonfur Afrika ayaa waxaa lala la’yahay qof deegaanka ah oo la socday, kaas oo magaciisa lagu sheegay Kooki Mahmoud.
Walaaca laga qabo halka ay ku dambeeyeen labada qof ayaa yimid kadib markii aan la helin wax xog ah oo ku saabsan xaaladdooda, iyadoo CPJ ay dowladda Jabuuti ka dalbatay inay caddeyso halka ay ku sugan yihiin iyo xaaladda suxufiga.
Hay’addu waxay si gaar ah u codsatay in la xaqiijiyo haddii Reddy la xiray ama la afduubtay, iyadoo sheegtay inay walaac ka qabto xog la’aanta ku saabsan suxufiga Koonfur Afrikaanka ah.
Reddy ayaa si qoto dheer u baara arrimaha la xiriira musuq-maasuqa, maamulka dowladda iyo siyaasadda, wuxuuna fadhigiisu yahay magaalada Johannesburg ee Koonfur Afrika. Reddy ayaa lagu yaqaan inuu xog-ururin iyo baaritaanno kadib soo gudbiyo macluumaadka uu helo.
Reddy ayaa horey u booqday dalal kala duwan, halkaas oo uu kasoo diyaariyay warbixinno ku saabsan musuq-maasuqa, siyaasadda iyo habka ay u shaqeeyaan dowladaha maamula dalalka uu tagay.
Warbixinnada uu horey u baahiyay ayaa dhaliyay falcelinno kala duwan, taas oo qayb ka ah walaaca hadda laga muujinayo xaaladdiisa inta uu ku sugan yahay Jabuuti.
Waxaa jira warar aan si madax-bannaan loo xaqiijin oo sheegaya in Reddy la xiray, hase yeeshee ilaa hadda ma jirto xaqiijin rasmi ah oo ku saabsan warkaas ama xaaladda labada qof.
Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa laga sugayaa inay ka jawaabto baaqa CPJ iyo inay bixiso xog rasmi ah oo ku saabsan halka uu ku dambeeyay suxufigan.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · yahay · reddy · roshan