Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030
R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha dalka Soomaaliya ee 2026-2030 iyo bandhigga sheeko muuqaal filimeed laga sameeyay. Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay WFP ayaa waxaa ka qeyb galay R’/Wasaare Ku Xigeenka XFS, Agaasinaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta iyo Maalgashiga, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha dalka Soomaaliya ee 2026-2030 iyo bandhigga sheeko muuqaal filimeed laga sameeyay.
Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay WFP ayaa waxaa ka qeyb galay R’/Wasaare Ku Xigeenka XFS, Agaasinaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta iyo Maalgashiga, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Cumar Cali Afrax, Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee QM Somali Diaspora, Danjirayaasha qaar ka mid ah safiirada beesha caalamka, hay’adaha QM iyo martisharaf kale.Daahfurka Shirkan oo daarnaa Xoojinta sugnaanta cuntada ee bulshooyinka miyiga iyo deegaannada magaalooyinka, si loo gaaro idku filnaansho nolosha dadyowga ay saameeyeen abaaraha, isbedelka cimilada iyo dagaalada.
Xamiid Nuru, Wakiilka WFP ee dalka iyo George Conway Ku Xigeenka Xoghayaha Guud Ee QM iyo Jawaahir Daahir oo ka socotay Guddiga Soomaalida qurbe joogta oo ka hadlay daahfurka Istaraatijiyadda Qorshaha WFP ee 2026-2030-ka ayaa bogaadiyay wadashaqeynta dhinacyada iyadoo madasha lagu daawaday warbixin ka tarjumeysa xaaladda saameynta abaaraha ee qoysaska iyo sida looga bixikaro ee iskaashiga hay’adaha dowladda WFP iyo bulshooyinka si looga gudbo cuno yarida iyo gaabiska ku yimid waxsoosaarka beeraha dalka.
Agaasimaha Guud ee Wasaaraddda Qorshaynta,Maalgashigga iyo Horumarinta Dhaaaalaha Mudane Abdifatah Abdulkadir Farah (Hared) ayaa ka hadlay muhiinadda shirkan ee Qorshaha Isbedelka Qaranka.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Somali National TV
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.