Sagal Cabdi weli oo ah gabar Soomaaliyeed oo ku guuleysatay kuriga baarlamaanka ee Holborn and St Pancras
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiSagal Abdi-Wali ayaa ku guuleysatay doorashadii ku-meelgaarka ahayd ee kursiga baarlamaanka ee Holborn and St Pancras, iyadoo ka adkaatay Zack Polanski oo ka tirsan Xisbiga Greens.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Go’aan la gaarayGuuldarrada Polanski ayaa sidoo kale timid kaddib toddobaad adag oo siyaasadeed oo uu wajahayay xisbigiisa, taasoo daba socotay go’aankii muranka dhaliyay ee Xisbiga Greens uu ku ansixiyay mooshin Sahyuuniyadda ku tilmaamaya nooc ka mid ah cunsuriyadda.
- Sida uu qoray wargeyska The Guardian, Sagal Abdi-Wali ayaa heshay 12,292 cod, halka Zack Polanski uu helay 8,928 cod, taasoo u xaqiijisay guusha doorashada.
- Sagal, oo hoggaamisa golaha deegaanka Camden, ayaa dalka Britain timid iyadoo carruur ah, kaddib markii ay Soomaaliya uga soo qaxday colaadaha iyo duruufihii dalka ka jiray sagaashamaadkii.
- Guusheeda ayaa timid xilli doorashadan loo arkayay tartan siyaasadeed oo muhiim ah oo u dhexeeya Labour iyo Greens, gaar ahaan loollanka labada xisbi ugu jiraan codbixiyeyaasha garabka bidix.
Sida ay sheegtay Hiiraanweyn
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa muhiimadda matalaadda bulshooyinka laga tirada badan yahay ee siyaasadda Britain.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doontaa saameynta guusha Sagal Abdi-Wali ee doorashooyinka mustaqbalka?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Sagal Abdi-Wali ayaa ku guuleysatay doorashadii ku-meelgaarka ahayd ee kursiga baarlamaanka ee Holborn and St Pancras.
- Sagal Abdi-Wali ayaa heshay 12,292 cod, halka Zack Polanski uu helay 8,928 cod.
- Heerka ka qaybgalka doorashada ayaa ahaa 38.7%, waana heerkii ugu hooseeyay ee laga diiwaangeliyo doorasho ku-meelgaar ah oo ka dhacda England intii uu jiray Baarlamaanka hadda jira.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Jimco 9 Oct 2026 {HMC} Musharraxadda Xisbiga Shaqaalaha ee Britain (Labour), Sagal Abdi-Wali, ayaa ku guuleysatay doorashadii ku-meelgaarka ahayd ee deegaanka Holborn and St Pancras, iyadoo ka adkaatay Zack Polanski, hoggaamiyaha Xisbiga Greens, tartan si weyn isha loogu hayay oo lagu buuxinayay kursigii Baarlamaanka ee Keir Starmer.
Sida uu qoray wargeyska The Guardian, Sagal Abdi-Wali ayaa heshay 12,292 cod, halka Zack Polanski uu helay 8,928 cod, taasoo u xaqiijisay guusha doorashada.
Sagal, oo hoggaamisa golaha deegaanka Camden, ayaa dalka Britain timid iyadoo carruur ah, kaddib markii ay Soomaaliya uga soo qaxday colaadaha iyo duruufihii dalka ka jiray sagaashamaadkii.
Guusheeda ayaa timid xilli doorashadan loo arkayay tartan siyaasadeed oo muhiim ah oo u dhexeeya Labour iyo Greens, gaar ahaan loollanka labada xisbi ugu jiraan codbixiyeyaasha garabka bidix.
Heerka ka qaybgalka doorashada ayaa ahaa 38.7%, waana heerkii ugu hooseeyay ee laga diiwaangeliyo doorasho ku-meelgaar ah oo ka dhacda England intii uu jiray Baarlamaanka hadda jira. Heerkaasi wuxuu 15.4 dhibcood ka hooseeyay kii doorashadii guud ee 2024.
Xisbiga Greens ayaa qirtay guuldarrada ka hor inta aan natiijada si rasmi ah loo shaacin, isagoo sheegay in tartanka Labour lagula galay mid ka mid ah deegaannada uu sida weyn ugu xooggan yahay uu muujinayo horumarka siyaasadeed ee Greens.
Guuldarrada Polanski ayaa sidoo kale timid kaddib toddobaad adag oo siyaasadeed oo uu wajahayay xisbigiisa, taasoo daba socotay go’aankii muranka dhaliyay ee Xisbiga Greens uu ku ansixiyay mooshin Sahyuuniyadda ku tilmaamaya nooc ka mid ah cunsuriyadda.
Sagal Abdi-Wali oo ka hadlaysay guusheeda xarunta Golaha Deegaanka Camden ee waqooyiga London ayaa sheegtay inay rajaynayso in guusheedu fariin u noqoto dadka ka soo jeeda bulshooyinka laga tirada badan yahay.
“Waxaan rajaynayaa in xilligan uu sidoo kale wax ka sheego cidda xaqa u leh inay ka mid noqoto bulshada. Dadka aniga oo kale u muuqda, waxaan rajaynayaa inay iyaguna naftooda halkan ku arkaan, ayna ogaadaan in iyaguna ay xaq u leeyihiin” ayay tiri Sagal.
Sagal ayaa sidoo kale ka hadashay muhiimadda ay leedahay ilaalinta wadajirka bulshada iyo kala duwanaanshaha dadka ku nool Camden, iyadoo ka digtay in aan la oggolaan in dadaallada jiilal badan lagu dhisay bulsho mideysan ay wiiqaan dadka doonaya inay bulshada kala qaybiyaan.
“Camden gudaheeda, kala duwanaanshaheennu waa awooddeenna, wadajirkayaguna wuxuu ku yimid dadaal badan oo ay tahay inaan la fududaysan,” ayay sheegtay.
Waxay xustay inay aragtay dad badan oo ka shaqeeya dhismaha bulsho ay kala duwanaanshuhu noqonayso wax la qiimeeyo, halkii laga cabsan lahaa.
Sagal Abdi-Wali ayaa sidoo kale ka hadashay saamaynta hadallada siyaasadeed ee muranka dhaliya ay ku yeelan karaan dadka doonaya inay ka qaybqaataan siyaasadda iyo hawlaha bulshada.
Wareysi ay siisay Sky News, waxay sheegtay in hadallada qaarkood aysan iyada si gaar ah u niyad-jabin, balse ay ka murugootay saamaynta ay ku yeelan karaan dadka kale ee doonaya inay bulshada wax ku biiriyaan.
Waxay sheegtay inay leedahay adkaysi iyo dulqaad, balse ay muhiim tahay in ololayaasha siyaasadeed aysan dadka ku abuurin dareen ah inaysan ka tirsanayn bulshada ay ku nool yihiin.
Guusha Sagal Abdi-Wali ayaa soo jiidatay dareenka Soomaalida, gaar ahaan qurba-joogta, maadaama ay tahay haweeney asal ahaan Soomaali ah oo ka soo gudubtay qaxootinimo una gudubtay hoggaanka siyaasadda Britain.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Sagal Abdi-Wali ayaa ku guuleysatay doorashadii ku-meelgaarka ahayd ee kursiga baarlamaanka ee Holborn and St Pancras, iyadoo ka adkaatay Zack Polanski oo ka tirsan Xisbiga Greens.
Qodobada muhiimka ah
- Sagal Abdi-Wali ayaa ku guuleysatay doorashadii ku-meelgaarka ahayd ee kursiga baarlamaanka ee Holborn and St Pancras.
- Sagal Abdi-Wali ayaa heshay 12,292 cod, halka Zack Polanski uu helay 8,928 cod.
- Heerka ka qaybgalka doorashada ayaa ahaa 38.7%, waana heerkii ugu hooseeyay ee laga diiwaangeliyo doorasho ku-meelgaar ah oo ka dhacda England intii uu jiray Baarlamaanka hadda jira.
- Sagal Abdi-Wali ayaa sheegtay inay rajaynayso in guusheedu fariin u noqoto dadka ka soo jeeda bulshooyinka laga tirada badan yahay.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay macluumaad ka yimid The Guardian.
- Ma jiraan xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan natiijooyinka doorashada.
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha ka imaanaya xisbiyo kale.
Gunaanadka akhristaha
Guusha Sagal Abdi-Wali waa guul muhiim ah oo matalaya Soomaalida UK.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doontaa saameynta guusha Sagal Abdi-Wali ee doorashooyinka mustaqbalka?
- Sidee ayay Xisbiga Labour uga jawaabi doonaan aqoonsiga guuldarada Xisbiga Greens?
- Maxay yihiin siyaasadaha gaarka ah ee Sagal Abdi-Wali ay qorshaynayso inay ku taageerto Baarlamaanka?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa muhiimadda matalaadda bulshooyinka laga tirada badan yahay ee siyaasadda Britain.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Hiiraanweyn
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · guuleysatay · pancras · holborn
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada