Sanbaloolshe oo jawaab ka bixiyay hadalkii Xasan Sheekh
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiCabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa jawaab ka bixiyay hadal uu Madaxweynaha Xasan Sheekh ka sheegay caasimadda in la siiyay beesha Hiiraan.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- “Caasimadu waa meel maamulka iyo madaxda ugu sarreysa ay dagto, walaalaha reer Hiiraan waxaan leenahay caasimada waa la’idin siiyay, laakiin waxaa la’idinka rabaa meel la dago lagu nagaado, laguna shaqeeyo,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.
- Intaas kadib waxaa soo jawaabay taliyihii hore ee NISA, Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo qoraal dheer soo saaray, kaas oo uu ciwaan uga dhigay “Nin weyn waa ninkii yaqaana hadal miisaankiis iyo munaasabadiis”.
- Sanbaloolshe ayaa shaaca ka qaaday in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uusan awood iyo sharciyad u lahayn inuu go’aan ka gaaro caasimada HirSabelle, balse ay arrintaas iyo go’aan ka gaarideeda ay u taalla bulshada labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
- “Waxaan caddeynaynaa in mowqifkeennu yahay in Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday uusan lahayn awood iyo sharciyad uu ku go’aamiyo, ku ballanqaado ama shuruudo ku xiro arrin masiiri ah sida halka ay noqonayso caasimadda Hirshabeelle.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin cabashooyinka gaarka ah ee beesha Hiiraan ka qabto caasimadda?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Sanbaloolshe ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uusan awood iyo sharciyad u lahayn inuu go’aan ka gaaro caasimada HirSabelle.
- Sanbaloolshe ayaa xusay in arrintaas iyo go’aan ka gaarideeda ay u taalla bulshada labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Beledweyne (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa jawaab ka bixiyay hadal maanta kasoo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh oo maanta ka hadlay tabashada beesha Xawaadle, isaga oo sheegay in caasimada la siiyay reer Hiiraan, loona baahan yahay inay keeenan magaalo nabad ah oo ay ku shaqeyn karaan madaxda HirShabelle.
“Caasimadu waa meel maamulka iyo madaxda ugu sarreysa ay dagto, walaalaha reer Hiiraan waxaan leenahay caasimada waa la’idin siiyay, laakiin waxaa la’idinka rabaa meel la dago lagu nagaado, laguna shaqeeyo,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.
Intaas kadib waxaa soo jawaabay taliyihii hore ee NISA, Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo qoraal dheer soo saaray, kaas oo uu ciwaan uga dhigay “Nin weyn waa ninkii yaqaana hadal miisaankiis iyo munaasabadiis”.
Sanbaloolshe ayaa shaaca ka qaaday in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uusan awood iyo sharciyad u lahayn inuu go’aan ka gaaro caasimada HirSabelle, balse ay arrintaas iyo go’aan ka gaarideeda ay u taalla bulshada labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
“Waxaan caddeynaynaa in mowqifkeennu yahay in Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday uusan lahayn awood iyo sharciyad uu ku go’aamiyo, ku ballanqaado ama shuruudo ku xiro arrin masiiri ah sida halka ay noqonayso caasimadda Hirshabeelle. Caasimadda Hirshabeelle ma aha hadiyad uu Madaxweyne muddo dhaaf ah bixiyo, mana aha arrin lagu go’aamin karo ballanqaad siyaasadeed oo ka yimaada hoggaan muddo-xileedkiisu dhammaaday,” ayuu ku jawaabay taliyihii hore ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda.
Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammaystiran;-
Hadalkii Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday uu maanta ka jeediyey magaalada Jowhar, kaas oo ku saabsanaa in caasimadda Hirshabeelle la siinayo reer Hiiraan, isaga oo arrintaas ku xiray shuruudo dhowr ah.
Waxaan caddeynaynaa in mowqifkeennu yahay in Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday uusan lahayn awood iyo sharciyad uu ku go’aamiyo, ku ballanqaado ama shuruudo ku xiro arrin masiiri ah sida halka ay noqonayso caasimadda Hirshabeelle.
Caasimadda Hirshabeelle ma aha hadiyad uu Madaxweyne muddo dhaaf ah bixiyo, mana aha arrin lagu go’aamin karo ballanqaad siyaasadeed oo ka yimaada hoggaan muddo-xileedkiisu dhammaaday.
Arrintani waxay si toos ah u khusaysaa bulshada walaalaha ah ee reer Hirshabeelle, haka soo jeedaan Hiiraan ama Shabeellaha Dhexe. Waa inay iyagu ka heshiiyaan mustaqbalka hoggaanka iyo caasimadda, iyaga oo kaashanaya dowlad haysata sharciyad iyo oggolaansho buuxda.
Dowladnimadu waa laba heer: dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada (States), kuwaas oo dadkoodu ay aayahooda ka tashanayaan, hoggaankooda dooranayaan, isla markaana aysan dowladda dhexe faragelin ku samaynayn.
Xasan Sheekh ayaa isagu abuuray dhibaatada Hirshabelle, isaguna ma xallin karo. Waxa uu iska indhatirayaa tabashada reer Hiiraan, oo uu Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan ugu horreeyo. Waa nin doonaya in uu dadka marin-habaabiyo, caqligoodana ku ciyaaro.
Labada qodob ee aan la iska indha-tiri karin ee ku jirtay hadalka Xasan Sheekh ee ahaa meel dhaca iyo marin habaabinta ayaa aheyd:
1-In uu u sawiray Bulshada Gobolka Hiiraan, kuwa aan astaahilin dowladnimada, lana aamini karin, sidaasi darteedna uu door bidayo in uu helo cid iyaga dammaanad qaadda, fikirka noocaan ah waa kalsooni xumo iyo aragti liidata oo aan ku wanaagsaneyn dadka lagu aaminay masiirka dadka iyo dalka Soomaaliyeed.
2-Madaxweynaha uu wakhtigu ka dhammaaday, waxa uu weli ku adkeysanayaa isku milidda labada heer dowladnimo, waxa uu sii fogeynayaa hannaan kasta oo xal iyo midnimo loogu heli lahaa Hirshabeelle, waana dhaawac kale oo weyn uu uga tegayo nidaamkan iyo guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed, lamana aqbali karo.
Reer Hirshabeelle waxaa la gudboon inay si dhab ah uga tashadaan aayahooda siyaasadeed, mustaqbalkooda iyo masiirka maamulkooda, maadaama dalka uusan maanta ka jirin dowlad federaal ah oo haysata sharciyad iyo kalsooni siyaasadeed oo buuxda.
Ma aha in bulsho dhan ay mustaqbalkeeda ku xirto go’aanka shaqsiyaad siyaasadeed oo dano gaar ah wata. Aayaha Hirshabeelle waa inuu ku dhisnaadaa rabitaanka dadkeeda, heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay iyo hannaan ay bulshada qayb ku leedahay.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa jawaab ka bixiyay hadal uu Madaxweynaha Xasan Sheekh ka sheegay caasimadda in la siiyay beesha Hiiraan. Wuxuu sheegay in go'aanka ku saabsan caasimadda ay tahay in ay qaataan bulshada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Qodobada muhiimka ah
- Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa jawaab ka bixiyay hadal uu Madaxweynaha Xasan Sheekh ka sheegay caasimadda in la siiyay beesha Hiiraan.
- Sanbaloolshe ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uusan awood iyo sharciyad u lahayn inuu go’aan ka gaaro caasimada HirSabelle.
- Sanbaloolshe ayaa xusay in arrintaas iyo go’aan ka gaarideeda ay u taalla bulshada labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu si weyn u muujinayaa aragtida Sanbaloolshe iyada oo aan la xaqiijin madax-bannaan.
- Jawaab ka timid Madaxweynaha Xasan Sheekh laguma darin maqaalka.
- Maqaalku ma bixinayo macluumaad dheeri ah ama aragtiyo kale oo ku saabsan arrinta.
Gunaanadka akhristaha
Jawaabta Sanbaloolshe waxay muujinaysaa xiisadaha socda ee ku saabsan awoodda siyaasadeed ee caasimadda HirShabeelle.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin cabashooyinka gaarka ah ee beesha Hiiraan ka qabto caasimadda?
- Sidee loo go'aamin doonaa caasimadda bulshada dhexdeeda?
- Maxay yihiin saameynta hadallada Sanbaloolshe ee ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee HirShabelle?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · xasan · sanbaloolshe · sheekh
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Xasan Sheekh: Dastuur laguma kordhin karo sharciyad dhamaatay – Maxkamadda Sare ayaa go’aanka caddeysay
Hiiraan Online
- Xasan Sheekh oo Hiiraan u ballanqaaday Caasimadda HirShabeelle, xilli xiisad siyaasadeed ka taagan tahay Beledweyne
Shabelle Media
- Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Jowhar kadibna sameeyay…
Caasimada Online