Sawirro: Xasan Sheekh oo dhax dhigay xarun casri ah oo uu yeelanayo ciidanka badda
Waxa dhacay
Hal il · Caasimada Online
Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhagax-dhigay xarunta cusub ee Taliska Guud ee Ciidanka Badda Soomaaliya magaalada Muqdisho.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Soo-jeedinWasiir Fiqi ayaa ammaanay kaalinta Turkiga ee dhismaha iyo qalabeynta Ciidanka Xoogga Dalka, wuxuuna ku baaqay in la sii ballaariyo iskaashiga milatari.
- Go’aan la gaarayDib-u-dhiska ciidanka badda Heshiiska tobanka sano ah ee ay Soomaaliya iyo Turkigu saxiixeen bishii February 2024, ayaa dhigaya in Ankara ay gacan ka geysato dhismaha, tababarka, iyo qalabeynta Ciidanka Badda Soomaaliya, sida uu horay u shaaciyay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
- Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Turkiga, Janaraal Selçuk Bayraktaroğlu, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ibraahim Maxamed Maxamuud.
- Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo qoraal kooban ku daabacay bartiisa X, ayaa sheegay in mas’uuliyiintu ay sidoo kale dhagax-dhigeen Xarunta Isku-duwidda Hawlgallada Badda iyo dhismayaal cusub oo lagu kordhinayo Saldhigga Barbaros ee Ciidanka Badda Turkiga ee Muqdisho.
- Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay kharashka la filayo ee xarunta cusub?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Taliskan cusub wuxuu noqon doonaa xarunta dhexe ee hoggaaminta, maamulka, iyo hawlgallada ciidanka badda.
- Dhismaha xarunta cusub waa qayb ka mid ah dadaallada ballaaran ee dowladda federaalku ku dhisayso ciidamada qalabka sida.
- Maqaalku ma caddeynayo kharashka ku baxaya dhismaha iyo muddada uu qaadan doono.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa galabnimadii Sabtida maanta ah magaalada Muqdisho ka dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Taliska Guud ee Ciidanka Badda Soomaaliya, sida ay shaacisay Madaxtooyada Qaranka.
Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Turkiga, Janaraal Selçuk Bayraktaroğlu, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ibraahim Maxamed Maxamuud.
Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo qoraal kooban ku daabacay bartiisa X, ayaa sheegay in mas’uuliyiintu ay sidoo kale dhagax-dhigeen Xarunta Isku-duwidda Hawlgallada Badda iyo dhismayaal cusub oo lagu kordhinayo Saldhigga Barbaros ee Ciidanka Badda Turkiga ee Muqdisho.
Cabdulqaadir ayaa tallaabadan ku tilmaamay “mid taariikhi ah oo loo qaaday dib-u-dhiska iyo xoojinta Ciidanka Badda Soomaaliya,” isagoo mashaariicdan la xiriiriyay heshiiskii iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee ay Soomaaliya iyo Turkigu kala saxiixdeen sanadkii 2024-kii.
Sida lagu sheegay bayaanka Madaxtooyada, taliskan cusub wuxuu noqon doonaa xarunta dhexe ee hoggaaminta, maamulka, iyo hawlgallada ciidanka badda. Madaxweyne Xasan Sheekh oo munaasabadda ka hadlay ayaa carrabka ku adkeeyay in ilaalinta biyaha Soomaaliya, khayraadka badda, iyo xeebaha dheer ee dalka ay u baahan tahay ciidan badeed awood leh oo leh tababar sare, qalab casri ah, iyo xarumo ku filan.
Wuxuu intaas ku daray in mashruucani uu qayb ka yahay dadaallada ballaaran ee dowladda federaalku ku dhisayso ciidamada qalabka sida, si ciidanka badda loogu suurtogeliyo inay gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah. Si kastaba, labada bayaan ee kasoo baxay dowladda laguma shaacin kharashka ku baxaya dhismaha iyo muddada uu qaadan doono.
Wada-hadallada difaaca ee Muqdisho
Intii uu ku sugnaa Muqdisho, Janaraal Selçuk Bayraktaroğlu wuxuu kulan gaar ah kula yeeshay Madaxtooyada Qaranka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxtooyada ayaa sheegtay in kulankaas diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka difaaca iyo amniga ee labada dal iyo “dardargelinta dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo argagixisada caalamiga ah.”
Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan gooni ah la qaatay Janaraal Bayraktaroğlu, kaas oo looga hadlay amniga gobolka iyo howlgallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga.
Wasiir Fiqi ayaa ammaanay kaalinta Turkiga ee dhismaha iyo qalabeynta Ciidanka Xoogga Dalka, wuxuuna ku baaqay in la sii ballaariyo iskaashiga milatari.
Wada-hadalladan difaaca waxaa sidoo kale ka qaybgalay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Ferhat Alkan, iyo Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur, halka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Ibraahim Maxamed Maxamuud, uu goobjoog ka ahaa labada kulanba.
Kulamadan ayaa daba socda booqasho uu taliyaha ciidamada Soomaaliya bishii August ku tagay magaalada Ankara, halkaas oo ay ku kulmeen Bayraktaroğlu iyo Wasiirka Difaaca Turkiga, Yaşar Güler.
Dib-u-dhiska ciidanka badda
Heshiiska tobanka sano ah ee ay Soomaaliya iyo Turkigu saxiixeen bishii February 2024, ayaa dhigaya in Ankara ay gacan ka geysato dhismaha, tababarka, iyo qalabeynta Ciidanka Badda Soomaaliya, sida uu horay u shaaciyay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Heshiiska ayaa sidoo kale daboolaya iskaashiga lagula dagaallamayo burcad-badeedda, kalluumeysiga sharci-darrada ah, iyo khataraha kale ee ka jira xeebaha Soomaaliya.
Turkiga, oo sanadkii 2017-kii Muqdisho ka furtay dugsiga tababarka milatari ee TURKSOM, ayaa bishii July ee sanadkan baarlamaankiisu ansixiyay in muddo laba sano ah—ilaa July 2028—lagu kordhiyo howlgalka milatari ee uu ka wado gudaha Soomaaliya iyo biyaheeda.
Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo beegmaya xilli isbeddel hoggaamineed lagu sameeyay ciidanka badda, iyadoo Maxamed Cabdulqaadir Shariif Bocorrey uu 1-dii bishan November si rasmi ah ula wareegay taliska Ciidanka Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, isagoo xilka kala wareegay Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar.
Dhanka kale, Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa Sabtida maanta ah xaqiijisay in cutubyada ciidankeeda badda ee ku sugan Soomaaliya ay sii wadaan ilaalinta iyo galbinta markabka shidaal-baartista Turkiga iyo maraakiibta sahayda u wadda ee ka howlgala xeebaha dalka, xilli howlgalka badda ee Midowga Yurub uu toddobaadkan shaaciyay in xeebaha Soomaaliya laga helay markabka shidaalka qaada ee Asana, afar bilood kadib markii burcad-badeeddu ka afduubteen xeebaha Yemen.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhagax-dhigay xarunta cusub ee Taliska Guud ee Ciidanka Badda Soomaaliya magaalada Muqdisho.
Qodobada muhiimka ah
- Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhagax-dhigay xarunta cusub ee Taliska Guud ee Ciidanka Badda Soomaaliya magaalada Muqdisho.
- Taliskan cusub wuxuu noqon doonaa xarunta dhexe ee hoggaaminta, maamulka, iyo hawlgallada ciidanka badda.
- Dhismaha xarunta cusub waa qayb ka mid ah dadaallada ballaaran ee dowladda federaalku ku dhisayso ciidamada qalabka sida.
- Maqaalku ma caddeynayo kharashka ku baxaya dhismaha iyo muddada uu qaadan doono.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma caddeynayo kharashka ku baxaya dhismaha iyo muddada uu qaadan doono.
- Eedeymaha ku saabsan muhiimadda mashruuca waxaa lagu xusay bayaannada dowladda.
- Lama hayo jawaab ka timid dhinacyada kale ee ku saabsan mashruuca.
Gunaanadka akhristaha
Aasaaska xarunta cusub ee badda ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo awoodaha badeed ee Soomaaliya.
Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay kharashka la filayo ee xarunta cusub?
- Muddo intee le'eg ayay dhismaha qaadan doontaa?
- Maxay yihiin awoodaha gaarka ah ee xarunta cusub ay siin doonto Ciidanka Badda Soomaaliya?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · sheekh · xasan · badda
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada