Shariif iyo Khayre oo ka horyimid tallaabo ay maanta qaaday dowladda
Waxa dhacay
Hal il · Caasimada Online
Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka horyimid howlgal ay dowladdu ka fulisay suuqa Xararyaale, isagoo cambaareeyay burburinta iyo tacsi u diray dhibanayaasha.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Cidda ay saamaysay“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehellada iyo qoysaska dhallinyaradii xalay saqdii dhexe lagu dilay xaafadda Xararyaalle iyaga oo ka dhiidhinaya dhulboobka uu taliska arxanka-daran ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday ku burburinayay suuqa Xararyaalle ee degmada Wardhiigley.
- Shariif ayaa cambaareeyay burburinta ay dowladdu ka bilowday Xararyaale,isaga oo sidoo kale ku eedeeyay ciidamada dowladda inay dad shacab ah ku waxyeeleen halkaasi.
- “Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarka bahalnimo ee nidaamka muddo xileedkiisu dhammaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud uu xalay saqdii dhexe ku qaaday Suuqa Xararyale ee degmada Warta-nabbada xilli muwaadiniinta Soomaaliyeed ee la weeraray ay guryahooda si nabad ah ku joogeen.
- Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray inuu dareenkooda la wadaagayo shacabka xaafadda Xararyaale oo iyaguna kasoo horjeestay burburinta lagu sameeyay suuqooda.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee dowladda ay ka qaaday suuqa Xararyaale?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka horyimid howlgal ay dowladdu ka fulisay suuqa Xararyaale.
- Shariif ayaa cambaareeyay burburinta ay dowladdu ka bilowday Xararyaale, isaga oo sidoo kale ku eedeeyay ciidamada dowladda inay dad shacab ah ku waxyeeleen halkaasi.
- Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa ka dhiidhiyay burburinta ay dowladda ka waddo Xararyaale.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynih hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka horyimid tallaabo ay maanta qaaday Dowladda Federaalka, kadib markii ay howlgal burburin ah ka fulisay suuqa Xararyaale ee degmada Warta-nabbada ee Gobolka Banaadir.
Shariif ayaa cambaareeyay burburinta ay dowladdu ka bilowday Xararyaale,isaga oo sidoo kale ku eedeeyay ciidamada dowladda inay dad shacab ah ku waxyeeleen halkaasi.
“Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarka bahalnimo ee nidaamka muddo xileedkiisu dhammaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud uu xalay saqdii dhexe ku qaaday Suuqa Xararyale ee degmada Warta-nabbada xilli muwaadiniinta Soomaaliyeed ee la weeraray ay guryahooda si nabad ah ku joogeen. Waxaan ka tacsiyeeynayaa muwaadiniinta naftooda ku waayay weerarkan naxariis darrada ah waxaana dadka ku dhaawacmay u rajeynayaa caafimaad deg-deg ah,” ayuu yiri Shariif.
Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray inuu dareenkooda la wadaagayo shacabka xaafadda Xararyaale oo iyaguna kasoo horjeestay burburinta lagu sameeyay suuqooda.
Sheekh Shariif ayaa sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu weli barakicin iyo burburin ku hayo xaafadaha ay dagan yihiin dadka danta yar ee ku dhaqan caasimada.
“Nidaamka kooxda muddo dhaafka ah ee Xasan Sheekh Maxamuud waxay caadeysteen barakicinta shacabka danyarta ah ee caasimadda, waxaana xusuusinayaa inay qaadi doonaan mas’uuliyadda tacadiyadda ay sida joogta ah u gaysanayaan,” ayuu mar kae yiri Sheekh.
Dhankiisa, Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa ka dhiidhiyay burburinta ay dowladda ka waddo Xararyaale, wuxuuna tacsi u diray dhibanayaasha.
“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehellada iyo qoysaska dhallinyaradii xalay saqdii dhexe lagu dilay xaafadda Xararyaalle iyaga oo ka dhiidhinaya dhulboobka uu taliska arxanka-daran ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday ku burburinayay suuqa Xararyaalle ee degmada Wardhiigley. Waxaan Alle ka baryayaa in uu u naxariisto, una boogadhayo shacabkii ku dhaawacmay,” ayuu yiri Mudane Xasan Cali Khayre.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Hooyooyinkii xaafadda ee ku ganacsan jiray suuqa waxay maanta adeeggii la fadhiyaan geedaha hoostooda. Waxaa ayaandarro ah in taliska Xasan Sheekh uu u xuubsiibtay burcad burburinaysa suuqyadii lafdhabarka u ahaa dhaqaalaha dalka, ganacsiga caasimadda iyo nolol-maalmeedka qoysaska, isaga oo horayna u burburiyay suuqyadii Siinaay, Buulaxuubey, Bilaajo-Carab, iyo qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha”.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka horyimid howlgal ay dowladdu ka fulisay suuqa Xararyaale, isagoo cambaareeyay burburinta iyo tacsi u diray dhibanayaasha. Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale dhaleeceeyay tallaabooyinka dowladda, isagoo muujiyay saameynta ay ku yeelanayso dhaqaalaha deegaanka.
Qodobada muhiimka ah
- Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka horyimid howlgal ay dowladdu ka fulisay suuqa Xararyaale.
- Shariif ayaa cambaareeyay burburinta ay dowladdu ka bilowday Xararyaale, isaga oo sidoo kale ku eedeeyay ciidamada dowladda inay dad shacab ah ku waxyeeleen halkaasi.
- Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa ka dhiidhiyay burburinta ay dowladda ka waddo Xararyaale.
- Waxaa ayaandarro ah in taliska Xasan Sheekh uu u xuubsiibtay burcad burburinaysa suuqyadii lafdhabarka u ahaa dhaqaalaha dalka.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dowladda ee ku saabsan howlgalka.
- Eedeymaha ku saabsan khasaare iyo burburin waxay ku saleysan yihiin kaliya hadallada Sheekh Shariif iyo Xasan Khaire.
- Xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan dhacdooyinka la sheegay ma jirto.
Gunaanadka akhristaha
Mucaaradka ka yimid hogaamiyayaasha hore waxay muujinaysaa xiisadaha socda ee ku saabsan tallaabooyinka dowladda ee Soomaaliya.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee dowladda ay ka qaaday suuqa Xararyaale?
- Immisa khasaare ayaa la sheegay inay ka dhaceen howlgalka?
- Maxay tahay jawaabta rasmiga ah ee dowladda ee dhaleeceynta ka timid Sheekh Shariif iyo Khaire?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · tallaabo · shariif · dowladda