Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Soomaaliya iyo Bangiga Horumarinta Islaamka Oo Saxiixay Qaab-dhismeedka Iskaashiga
BAKU, AZERBAIJAN – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, iyo Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Islaamka (IsDB), Dr. Muhammad Al Jasser, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay Qaab-dhismeedka Iskaashiga Dalka (Country Engagement Framework – CEF) 2026–2028, kaas oo hagaya iskaashiga maalgelineed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Bangiga Horumarinta Islaamka saddexda sa
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, iyo Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Islaamka, Dr. Muhammad Al Jasser, ayaa maanta saxiixay Qaab-dhismeedka Iskaashiga Dalka 2026–2028.
Maxaa la shaaciyey
- Heshiiska ayaa diiradda saaraya horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo horumarinta awoodda aadanaha.
- Wasiir Biixi Imaan Cige ayaa sheegay in heshiiskani uu furi doono fursado cusub oo lagu maalgelinayo mashaariic horumarineed.
“Heshiiskani wuxuu sii xoojinayaa iskaashiga miro-dhalka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Bangiga Horumarinta Islaamka.”
Sababta ay muhiim u tahay: Heshiiskan wuxuu muhiim u yahay horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo taageerada adeegyada bulshada.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
BAKU, AZERBAIJAN – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, iyo Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Islaamka (IsDB), Dr. Muhammad Al Jasser, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay Qaab-dhismeedka Iskaashiga Dalka (Country Engagement Framework – CEF) 2026–2028, kaas oo hagaya iskaashiga maalgelineed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Bangiga Horumarinta Islaamka saddexda sano ee soo socota.
Qaab-dhismeedkan istaraatiijiga ah ayaa muujinaya sida Bangiga Horumarinta Islaamka uga go’an tahay taageeridda mudnaanta horumarineed ee Soomaaliya, iyadoo la waafajinayo Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo himilooyinka kobaca dhaqaalaha dalka.
Heshiiska ayaa diiradda saaraya laba tiir oo waaweyn oo muhiim u ah horumarka Soomaaliya. Tiirka koowaad wuxuu xoogga saarayaa horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee adkaysiga leh, gaar ahaan qaybaha tamarta iyo beeraha, si loo kordhiyo wax-soo-saarka, loo dardargeliyo kobaca dhaqaalaha, loona yareeyo saboolnimada.
Tiirka labaad ayaa lagu xoojinayaa horumarinta awoodda aadanaha, iyadoo la maalgelinayo adeegyada caafimaadka, tababarrada xirfadaha, dib-u-tababarka iyo kor-u-qaadista aqoonta shaqaalaha, gaar ahaan haweenka iyo dhallinyarada Soomaaliyeed.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.