Soomaaliya oo cambaareeysay weerarka Xuutiyiinta ay ku qadeen Sacuudiga
Muqdisho (Raxanreeb Online) War qoraal oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si adag u cambaaraynayso isku daygii lagu doonayay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn lagu bartilmaameedsado magaalada…
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Muqdisho (Raxanreeb Online) War qoraal oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si adag u cambaaraynayso isku daygii lagu doonayay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn lagu bartilmaameedsado magaalada barakeysan ee Makkah iyo weerarradii u dambeeyay ee lagu qaaday deegaanno rayid ah oo ka tirsan Boqortooyada Sacuudiga.
Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in Soomaaliya si buuxda u garab taagan tahay Boqortooyada Sacuudiga oo uu “hogaamiya khaadimka Labada Masjid ee Barakaysan”, lagu sheegay warsaxaafadeedka.
Shalay ayey ahayd markii ay Dowladda Sacuudigu ay ku eedeesay in dagaallayannada Xuutiyiinta ee Yeman ka dagaallama ay isku dayeen in ay weeraraan magaalooyinka Makka iyo Madiina, taas oo ay in ay soo rideyn diyaarad aan duuliye ahayn oo ku socotay dhankaas.
Dhanka, Xuutiyiinta ayaa iska beeniyey, kuna tilmaamay in ay tahay arrin been abuur ah.
The post Soomaaliya oo cambaareeysay weerarka Xuutiyiinta ay ku qadeen Sacuudiga appeared first on Raxanreeb Online .
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Raxanreeb Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · soomaaliya · sacuudiga · weerarka
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada