Soomaaliya oo garaacday Kenya, Tanzania iyo Rwanda iyadoo mar kale dhigtay taariikh weyn
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiSoomaaliya ayaa garaacday Kenya, Tanzania, iyo Rwanda tartanka CECAFA U17, iyadoo xaqiijisay inay u soo baxdo tartanka CAF U-17 AFCON 2027.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Xulka kubada cagta ee da'doodu ka yar tahay 17sano ee Soomaaliya ayaa dhigay mar kale taariikh weyn oo ay ka soo hoyiyeen tartanka CECAFA U17 kaas oo sanadkan ay martigelinayso dalka Rwanda.
- Soomaaliya ayaa afar dhammaadka tartanka la ciyaartay xulka da'doodu ka yar tahay 17sano ee Rwanda ciyaar ka dhacday garoonka Kigali Pele.
- Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhammaatay barbarro goolal la'aan ah.
- Hase yeeshee, afar daqiiqo kaddib, Soomaaliya ayaa ciyaarta barbarreysay, waxaana goolka u dhaliyay Maxamuud Cismaan, kaddib markii difaacyada Rwanda ay ku guuldarreysteen inay kubbadda ka fogeeyaan aagga halista ah.
Sida ay sheegtay BBC Somali
- Sababta ay muhiim u tahay
- Guushan waxay calaamad u tahay guul weyn oo ay gaartay kubadda cagta dhalinyarada Soomaaliya, taasoo kor u qaadi karta caan ka noqoshada ciyaarta dalka.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin duruufaha gaarka ah ee ciyaaraha keenay guusha Soomaaliya?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Soomaaliya ayaa garaacday Kenya, Tanzania, iyo Rwanda tartanka CECAFA U17.
- Xulka kubada cagta ee da'doodu ka yar tahay 17 sano ee Soomaaliya ayaa u soo baxay tartanka CAF U-17 AFCON 2027.
- Ciyaarta dhexmartay Soomaaliya iyo Rwanda ayaa ku dhammaatay barbarro, taas oo keentay gool kulaad.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Soomaaliya oo garaacday Kenya, Tanzania iyo Rwanda iyadoo mar kale dhigtay taariikh weyn
Xulka kubada cagta ee da'doodu ka yar tahay 17sano ee Soomaaliya ayaa dhigay mar kale taariikh weyn oo ay ka soo hoyiyeen tartanka CECAFA U17 kaas oo sanadkan ay martigelinayso dalka Rwanda.
Soomaaliya ayaa afar dhammaadka tartanka la ciyaartay xulka da'doodu ka yar tahay 17sano ee Rwanda ciyaar ka dhacday garoonka Kigali Pele.
Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhammaatay barbarro goolal la'aan ah. Balse markii qaybta labaad la isku soo noqday, ciyaaryahanka beddelka ku soo galay ee reer Rwanda Patrick Ujeneza ayaa kubbadda la dhaafay laba difaac ee dhexda ugu ciyaarayey Soomaaliya isagoo inta uu ka dul booday goolhaye Khaalid Nuur, gool u dhaliyey xulkiisa oo qabatay hoggaanka ciyaarta qaybtii labaad.
Hase yeeshee, afar daqiiqo kaddib, Soomaaliya ayaa ciyaarta barbarreysay, waxaana goolka u dhaliyay Maxamuud Cismaan, kaddib markii difaacyada Rwanda ay ku guuldarreysteen inay kubbadda ka fogeeyaan aagga halista ah.
Barbarahaas ayaa sababay in la isla gaaro gool kulaad , taas oo Soomaaliya ay 5-4 ku badisay, taas oo u xaqiijisay inay u soo baxdo tartanka CAF U-17 AFCON ee 2027, halkaas oo ay kula biiri doonto Uganda oo horay u xaqiijisatay booskeeda.
Tabaraha xulka kubada cagta ee da'adoodu ka yar tahay 17 sano jirka ee Soomaaliya, Daadir Amiin Cali oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in halka ay joogaan ku gaareen niyad wanaag ka muuqda ciyaartooyda iyo xulka oo dhanba.
"Runtii farxad weyn ayey ii ahay in maanta Soomaaliya anigoo magaca Soomaaliya wata ku hoggaamiyo guul kama dambaysana keeno, aad ban ugu faraxsanahay iskaashi ku keenay, lama qiyaasi karin dareenkeenna anniga, ciyaartoydeyda iyo macallimiintaba" ayuu BBC-da u sheegay macallinka xulka 17 sano jirka ka yar ee Soomaaliya Daadir Amiin Cali.
Isagoo ka hadlayey ciyaartii dhexmartay Rwanda oo martigelinaysa ciyaaraha CECAFA U17, ayuu xusay in inkasta garoonka looga taageera badnaa oo ciyaartooyda Rwanda ay dalkooda ku ciyaareen haddana ciyaartoyda Soomaalidu ay muujiyeen moral sarreeya iyo inaysan niyad jabin.
Soomaaliya ayaa horey ugu soo badisay xulalka kubada cagta ee 17sano jirka ka yar ee dalalka Tansania, kenya iyo Rwanda oo ay Finalka ugu gudbeen.
Labada guulood ee Soomaaliya xalay gaartay
Ciyaartii dhexmartay Rwanda iyo Soomaaliya ayaa dhanka Soomaaliya uga dhignayd labada guulood oo isa saran "Mar waxaan gaarnay kulanka kama dambaysta ah marka waxaan u soo baxnay tartanka CAF U-17 AFCON ee 2027, oo ka dhici doonna dalka Maroco, marka laba guul oo waaweyn ayey noo ahayd"ayuu BBC-da u sheegay tababare Daadir.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Soomaaliya ayaa garaacday Kenya, Tanzania, iyo Rwanda tartanka CECAFA U17, iyadoo xaqiijisay inay u soo baxdo tartanka CAF U-17 AFCON 2027.
Qodobada muhiimka ah
- Soomaaliya ayaa garaacday Kenya, Tanzania, iyo Rwanda tartanka CECAFA U17.
- Xulka kubada cagta ee da'doodu ka yar tahay 17 sano ee Soomaaliya ayaa u soo baxay tartanka CAF U-17 AFCON 2027.
- Ciyaarta dhexmartay Soomaaliya iyo Rwanda ayaa ku dhammaatay barbarro, taas oo keentay gool kulaad.
- Soomaaliya ayaa 5-4 ku badisay gool kulaadka.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan natiijooyinka ciyaaraha.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka yimid kooxaha ka qaybgalay tartanka.
- Faahfaahinta ku saabsan abaabulka tartanka iyo kooxaha kale ma ahan kuwo la xaqiijiyay.
Gunaanadka akhristaha
Xulka kubada cagta ee 17 sano jirka ka yar ee Soomaaliya ayaa taariikh dhigay isagoo xaqiijiyay ka qaybgalka tartanka CAF U-17 AFCON 2027.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin duruufaha gaarka ah ee ciyaaraha keenay guusha Soomaaliya?
- Soomaaliya sidee bay u diyaarin doontaa tartanka CAF U-17 AFCON 2027?
- Maxay guushan ku yeelan doontaa horumarinta kubadda cagta Soomaaliya?
Sababta ay muhiim u tahay
Guushan waxay calaamad u tahay guul weyn oo ay gaartay kubadda cagta dhalinyarada Soomaaliya, taasoo kor u qaadi karta caan ka noqoshada ciyaarta dalka.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- BBC Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: world · general · kenya · soomaaliya · rwanda
Sii akhri
- Xulka Soomaaliya ee U17 oo u Soo Baxay Finalka Tartanka CECAFA
Goobjoog Somali
- Khilaafka Doorashada Soomaaliya oo Sii Kordhaya iyo Mucaaradka oo Dowladda ku Eedeeyey Carqaladaynta Wada-hadal
Goobjoog Somali
- Itoobiya oo lagu eedeeyay inay door ku leedahay qalalaasaha Koonfur Galbeed Soomaaliya
Shabelle Media