Soomaaliya oo ka qayb-gashay Shirka Cimilada Adduunka ee COP31 oo ka dhacay Turkiga
Waxa dhacay
Hal il · Shabelle Media
Soomaaliya ayaa si firfircoon uga qayb-gashay Shirka Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada Adduunka ee COP31 oo ka dhacay Antalya, Turkiga, halkaas oo wafdiga Soomaaliya ay kulammo kala duwan kula yeesheen mas’uuliyiin iyo hay’ado caalami ah.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Cidda ay saamaysayDhanka kale, waxaa kulammada barbar socda shirka COP31 ka dhacay wadahadallo dhexmaray ganacsatada iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya iyo Sanduuqa Caalamiga ah ee Cimilada (Green Climate Fund).
- Shirka oo ay ka qayb-galeen hoggaamiyeyaal caalami ah, dowladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay iyo hay’adaha caalamiga ah, ayaa Soomaaliya u ahaa fursad ay ku soo bandhigto mudnaanta qaranka ee la xiriirta la qabsiga isbeddelka cimilada, adkeysiga bulshada iyo helitaanka maalgelinta mashaariicda deegaanka.
- Danjiraha Soomaaliya ee Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Deegaanka (UNEP), Mudane Jabril Ibrahim Abdulle, ayaa door muuqda ka qaatay kulammada heerka sare ah ee shirka, isaga oo sidoo kale ah Guddoomiyaha wadajirka ah ee Kooxda Shaqada Furan ee UN-Habitat u qaabilsan Guryeynta Ku Filan ee Dadka oo dhan (OEWG-H).
- Danjiraha ayaa si wadajir ah u furay qaybta heerka sare ee barnaamijka UN-Habitat, taas oo diiradda lagu saaray magaalooyinka adkeysiga leh iyo deegaanka la dhisay.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin natiijooyinka gaarka ah ee ka soo baxay ka qaybgalka Soomaaliya ee COP31?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Soomaaliya ayaa si firfircoon uga qayb-gashay Shirka Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada Adduunka ee COP31 oo ka dhacay Antalya, Turkiga.
- Wafdiga Soomaaliya ay kulammo kala duwan kula yeesheen mas’uuliyiin iyo hay’ado caalami ah.
- Danjiraha Soomaaliya ee Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Deegaanka (UNEP), Mudane Jabril Ibrahim Abdulle, ayaa door muuqda ka qaatay kulammada heerka sare ah ee shirka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Antalya, Turkiga – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si firfircoon uga qayb-gashay Shirka Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada Adduunka ee COP31, kaas oo lagu qabtay magaalada Antalya ee dalka Turkiga, iyadoo wafdiga Soomaaliya ay kulammo kala duwan kula yeesheen mas’uuliyiin iyo hay’ado caalami ah.
Shirka oo ay ka qayb-galeen hoggaamiyeyaal caalami ah, dowladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay iyo hay’adaha caalamiga ah, ayaa Soomaaliya u ahaa fursad ay ku soo bandhigto mudnaanta qaranka ee la xiriirta la qabsiga isbeddelka cimilada, adkeysiga bulshada iyo helitaanka maalgelinta mashaariicda deegaanka.
Danjiraha Soomaaliya ee Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Deegaanka (UNEP), Mudane Jabril Ibrahim Abdulle, ayaa door muuqda ka qaatay kulammada heerka sare ah ee shirka, isaga oo sidoo kale ah Guddoomiyaha wadajirka ah ee Kooxda Shaqada Furan ee UN-Habitat u qaabilsan Guryeynta Ku Filan ee Dadka oo dhan (OEWG-H).
Danjiraha ayaa si wadajir ah u furay qaybta heerka sare ee barnaamijka UN-Habitat, taas oo diiradda lagu saaray magaalooyinka adkeysiga leh iyo deegaanka la dhisay. Barnaamijkan ayaa qayb ka ahaa maalinta gaarka ah ee shirka loogu talagalay magaalooyinka iyo kaabayaasha adkeysiga leh, waxaana furitaanka kala qaybgalay Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Azerbaijan, Mudane Yalchin Rafiyev.
Sidoo kale, Danjire Jabril Ibrahim Abdulle ayaa ka qaybgalay Shirka Wasiirrada Afrika ee Deegaanka (AMCEN), isaga oo Soomaaliya ku matalay kulan heer wasiir ah oo looga hadlay horumarinta nidaamyada qaboojinta waara, kaas oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen UNEP iyo dowladda Singapore. Waxa uu sidoo kale ka qaybgalay kulammo kale oo heer sare ah oo lala yeeshay saaxiibbada caalamiga ah.
Intii uu socday shirka COP31, waxaa sidoo kale la daah-furay Qorshaha Horumarinta Nidaamka Cabbirka, Warbixinta iyo Xaqiijinta (Measurement, Reporting and Verification – MRV) ee Soomaaliya.
Qorshahan ayaa saldhig u noqonaya dhismaha hannaan qaran oo Soomaaliya ay ku cabbirto kuna la socoto horumarka ay ka samaynayso fulinta ballanqaadyadeeda ku aaddan wax ka qabashada isbeddelka cimilada, gaar ahaan qorshaha NDC 3.0.
Nidaamkan ayaa sidoo kale gacan ka geysan doona hagaajinta habraacyada warbixinta qiiqa gaasaska sababa kulaylka adduunka, iyo diiwaangelinta taageerada dhaqaale iyo farsamo ee Soomaaliya ka hesho beesha caalamka si ay wax uga qabato saameynta isbeddelka cimilada.
Dhanka kale, waxaa kulammada barbar socda shirka COP31 ka dhacay wadahadallo dhexmaray ganacsatada iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya iyo Sanduuqa Caalamiga ah ee Cimilada (Green Climate Fund). Wadahadalladaasi ayaa diiradda lagu saaray sahminta fursadaha maalgashi ee la xiriira wax ka qabashada isbeddelka cimilada iyo kobcinta dhaqaalaha cagaaran ee Soomaaliya.
Kulammadaasi ayaa sidoo kale fursad u abuuray xoojinta iskaashiga iyo maalgelinta mashaariicda la xiriira adkeysiga cimilada, la qabsiga saameynta isbeddelka cimilada, horumarinta magaalooyinka waara iyo maamulka deegaanka.
Ugu dambeyn, waxaa bogaadin loo jeediyay Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Soomaaliya, General Bashir Maxamed Jaamac, oo isku dubbariday ka qaybgalka wafdiga Soomaaliya ee shirka COP31. Hoggaaminta wasiirka ayaa door muhiim ah ka qaadatay sare u qaadista doorka iyo muuqaalka Soomaaliya ee kulammada heerka sare ah, iyadoo mudnaanta qaranka ee la xiriirta la qabsiga isbeddelka cimilada, adkeysiga iyo helitaanka maalgelinta cimilada loo soo bandhigay saaxiibbada caalamiga ah.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Soomaaliya ayaa si firfircoon uga qayb-gashay Shirka Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada Adduunka ee COP31 oo ka dhacay Antalya, Turkiga, halkaas oo wafdiga Soomaaliya ay kulammo kala duwan kula yeesheen mas’uuliyiin iyo hay’ado caalami ah.
Qodobada muhiimka ah
- Soomaaliya ayaa si firfircoon uga qayb-gashay Shirka Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada Adduunka ee COP31 oo ka dhacay Antalya, Turkiga.
- Wafdiga Soomaaliya ay kulammo kala duwan kula yeesheen mas’uuliyiin iyo hay’ado caalami ah.
- Danjiraha Soomaaliya ee Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Deegaanka (UNEP), Mudane Jabril Ibrahim Abdulle, ayaa door muuqda ka qaatay kulammada heerka sare ah ee shirka.
- Intii uu socday shirka COP31, waxaa sidoo kale la daah-furay Qorshaha Horumarinta Nidaamka Cabbirka, Warbixinta iyo Xaqiijinta (Measurement, Reporting and Verification – MRV) ee Soomaaliya.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dhinacyada kale ee ka qaybgalay shirka.
- Ma jiraan xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha la xiriira kulammada iyo qorshayaasha la falanqeeyay.
- Maqaalku ma bixinayo faahfaahin ku saabsan natiijooyinka kulammada la qabtay.
Gunaanadka akhristaha
Ka qaybgalka Soomaaliya ee COP31 wuxuu muujinayaa ka go'naanta dalka ee doodaha cimilada caalamiga ah.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin natiijooyinka gaarka ah ee ka soo baxay ka qaybgalka Soomaaliya ee COP31?
- Sidee loo hirgelin doonaa qorshaha MRV ee Soomaaliya?
- Waa maxay maalgashiyada la falanqeeyay intii lagu jiray kulammada lala yeeshay la-hawlgalayaasha caalamiga ah?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · shirka · soomaaliya · cop31
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada