Dayaaradaha F-16 ee Turkiga uu keenay Soomaaliya oo taariikh cusub dhigay
Waxa dhacay
Hal il · Caasimada Online
Diyaaradaha dagaalka Turkiga ee nooca F-16 ayaa dhammaystiray duullimaad aan hakad lahayn oo ka badan 11,000 oo kiiloomitir, taas oo muujinaysa awoodda fog ee ciidamada cirka ee Turkiga.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Diyaaradaha F-16 ee Turkiga ee ka hawlgala Soomaaliya ayaa dhammaystiray duullimaad wareeg ah oo u dhexeeya Muqdisho iyo degmada Bandırma ee gobolka Balıkesir ee waqooyi-galbeed Turkiga, iyaga oo aan meelna ku degin.
- JadwalkaHawlgalkan waxaa fuliyay duuliyayaal ka tirsan Guutada 161-aad ee Taliska Saldhigga 6-aad ee Diyaaradaha Dagaalka Turkiga, taas oo qayb ka ah jadwalka wareegga dayactirka ee diyaaradaha hoos yimaada Taliska Qaybta Hawada ee Ciidanka Hawlgalka Turkiga ee Soomaaliya.
- Qoraal lagu daabacay barta X ee Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa lagu sheegay in hawlgalkan uu muujiyay awoodda cudud-muujinta istiraatiijiyadeed ee Turkiga iyo sida ay uga go’an tahay taageerada xasilloonida Bariga Afrika.
- “Hawlgalkan ballaaran ee muhiimka u ah isku-wareejinta diyaaradaha dagaalka, wuxuu mar kale muujiyay go’aanka adag ee duuliyayaashayada geesiyaasha ah ee ku duulaya baalasha birta ah, isaga oo dunida tusaya awoodda istiraatiijiyadeed ee Turkiga iyo taageerada joogtada ah ee uu u hayo xasilloonida Bariga Afrika,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda.
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu iftiiminayaa ballaarinta joogitaanka milatari ee Turkiga ee Soomaaliya iyo awooddiisa istiraatiijiyadeed ee gobolka.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin cawaaqibka hawlgalkan ee joogitaanka milatari ee Turkiga ee Soomaaliya?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Diyaaradaha dagaalka Turkiga ee nooca F-16 ayaa dhammaystiray duullimaad aan hakad lahayn oo ka badan 11,000 oo kiiloomitir.
- Duullimaadyadan ayaa wadar ahaan qaatay muddo 55 saacadood ah.
- Hawlgalkan ayaa sidoo kale noqonaysa tijaabadii ugu horreysay ee nooceeda ah ee ay diyaaradaha dagaalka Turkigu hawada sare shidaal kaga qaataan inta ay ku jiraan duullimaad isku-xiran oo u dhexeeya labadan dal.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Ankara (Caasimada Online) – Diyaaradaha dagaalka Turkiga ee nooca F-16 ayaa isku darka laba duullimaad oo aan hakad lahayn ku jaray masaafo ka badan 11,000 oo kiiloomitir (6,835 mayl), taas oo muujinaysa awoodda fog ee ciidamada cirka ee Turkiga.
Diyaaradaha F-16 ee Turkiga ee ka hawlgala Soomaaliya ayaa dhammaystiray duullimaad wareeg ah oo u dhexeeya Muqdisho iyo degmada Bandırma ee gobolka Balıkesir ee waqooyi-galbeed Turkiga, iyaga oo aan meelna ku degin. Duullimaadyadan ayaa wadar ahaan qaatay muddo 55 saacadood ah, sida ay Wasaaradda Difaaca ee Turkigu shaaca ka qaadday Talaadadii.
Hawlgalkan waxaa fuliyay duuliyayaal ka tirsan Guutada 161-aad ee Taliska Saldhigga 6-aad ee Diyaaradaha Dagaalka Turkiga, taas oo qayb ka ah jadwalka wareegga dayactirka ee diyaaradaha hoos yimaada Taliska Qaybta Hawada ee Ciidanka Hawlgalka Turkiga ee Soomaaliya.
Qoraal lagu daabacay barta X ee Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa lagu sheegay in hawlgalkan uu muujiyay awoodda cudud-muujinta istiraatiijiyadeed ee Turkiga iyo sida ay uga go’an tahay taageerada xasilloonida Bariga Afrika.
“Hawlgalkan ballaaran ee muhiimka u ah isku-wareejinta diyaaradaha dagaalka, wuxuu mar kale muujiyay go’aanka adag ee duuliyayaashayada geesiyaasha ah ee ku duulaya baalasha birta ah, isaga oo dunida tusaya awoodda istiraatiijiyadeed ee Turkiga iyo taageerada joogtada ah ee uu u hayo xasilloonida Bariga Afrika,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda.
Wasaaraddu waxay sidoo kale soo bandhigtay muuqaal gaaban oo muujinaya diyaaradaha F-16 oo hawada sare shidaal loogu shubayo intii ay ku jireen duullimaadkaas dheer.
Duullimaad kasta wuxuu celcelis ahaan jaray in ka badan 5,500 oo kiiloomitir, taas oo ah masaafo u baahan taageero shidaal-qaadasho oo cirka ah si ay diyaaradaha dagaalku ugu safraan meelo fog iyaga oo aan dhulka soo degin.
Wasaaraddu waxay hawlgalkan ku tilmaantay guul weyn oo laga gaaray ka-hawlgelinta diyaaradaha dagaalka ee masaafada dheer, iyada oo bogaadisay kartida hawlgal ee Ciidanka Cirka Turkiga.
Tallaabadan ayaa sidoo kale noqonaysa tijaabadii ugu horreysay ee nooceeda ah ee ay diyaaradaha dagaalka Turkigu hawada sare shidaal kaga qaataan inta ay ku jiraan duullimaad isku-xiran oo u dhexeeya labadan dal.
Turkiga ayaa markii ugu horreysay Soomaaliya keenay saddex diyaaradood oo nooca F-16 ah 28-kii Janaayo 2026, taas oo calaamad u ahayd ballaarinta joogitaankiisa milatari ee dalkan ku yaalla Geeska Afrika.
Diyaaradahan ayaa la dejiyay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaas oo looga dhisay hangarro (guryaha diyaaradaha) cusub intii aysan soo gaarin.
Magaalada Muqdisho waxaa sidoo kale ku yaalla saldhigga milatari iyo xarunta tababarka ee ugu weyn ee uu Turkigu ku leeyahay dibadda, halkaas oo lagu tababaray in ka badan 5,000 oo ka tirsan ciidamada amniga Soomaaliya, iyada oo ay jiraan ciidamo kale oo Soomaali ah oo tababarro gaar ah ku soo qaatay gudaha dalka Turkiga.
Diyaaradaha F-16 waxaa adeegsada waddamo dhowr ah oo uu Turkigu ka mid yahay, kuwaas oo ka soo iibsaday dalka Mareykanka.
Sanadkii 2024-kii, dowladda Mareykanka ayaa ansixisay heshiis ku kacaya 23 bilyan oo doollarka Mareykanka ah oo Turkiga looga iibinayo 40 diyaaradood oo cusub oo F-16 ah—tallaabadaas oo muddo dheer dib u dhacday—kadib markii Ankara ay ogolaatay ku biiritaanka Sweden ee gaashaanbuurta NATO.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Diyaaradaha dagaalka Turkiga ee nooca F-16 ayaa dhammaystiray duullimaad aan hakad lahayn oo ka badan 11,000 oo kiiloomitir, taas oo muujinaysa awoodda fog ee ciidamada cirka ee Turkiga. Hawlgalkani wuxuu ku lug lahaa duullimaad wareeg ah oo u dhexeeya Muqdisho iyo Bandırma ee Turkiga, isagoo qaatay muddo 55 saacadood ah.
Qodobada muhiimka ah
- Diyaaradaha dagaalka Turkiga ee nooca F-16 ayaa dhammaystiray duullimaad aan hakad lahayn oo ka badan 11,000 oo kiiloomitir.
- Duullimaadyadan ayaa wadar ahaan qaatay muddo 55 saacadood ah.
- Hawlgalkan ayaa sidoo kale noqonaysa tijaabadii ugu horreysay ee nooceeda ah ee ay diyaaradaha dagaalka Turkigu hawada sare shidaal kaga qaataan inta ay ku jiraan duullimaad isku-xiran oo u dhexeeya labadan dal.
- Turkiga ayaa markii ugu horreysay Soomaaliya keenay saddex diyaaradood oo nooca F-16 ah 28-kii Janaayo 2026.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay bayaanno ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Turkiga.
- Ma jiraan xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan faahfaahinta duullimaadyada.
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dhinacyada kale.
Gunaanadka akhristaha
Diyaaradaha F-16 ee Turkiga ayaa si guul leh u muujiyay awooddooda hawlgal iyagoo fulinaya hawlgalkan muhiimka ah.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin cawaaqibka hawlgalkan ee joogitaanka milatari ee Turkiga ee Soomaaliya?
- Sidee ayey tani u saameyn doontaa xiriirka Turkiga iyo dalalka kale ee gobolka?
- Maxay yihiin hawlgallada mustaqbalka ee la qorsheynayo oo ku lug leh diyaaradahaas?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu iftiiminayaa ballaarinta joogitaanka milatari ee Turkiga ee Soomaaliya iyo awooddiisa istiraatiijiyadeed ee gobolka.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · soomaaliya · turkiga · keenay
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada