Soomaaliya oo ka qaybqaadatay Carwada 9-aad ee Caalamiga ah ee Soo-dejinta Shiinaha (CIIE)
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiSoomaaliya ayaa ka qaybqaadatay Carwada 9-aad ee Caalamiga ah ee Soo-dejinta Shiinaha (CIIE) oo ka dhacday magaalada Shanghai, iyadoo soo bandhigtay khayraadkeeda dabiiciga ah iyo fursadaha maalgashi.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Cidda ay saamaysayKa qaybgalka Soomaaliya ee carwadan ayaa fursad u ah in ganacsatada iyo maalgashadayaasha caalamiga ah loo soo bandhigo awoodda dhaqaale ee dalka, gaar ahaan khayraadka macdanta, xoolaha, wax-soo-saarka gudaha iyo fursadaha ka jira qaybaha kala duwan ee dhaqaalaha.
- Munaasabadda furitaanka carwada waxaa Soomaaliya ku metelayay wafdi heer Federaal ah oo uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Danjire Jamaal Maxamed Xasan.
- Wafdiga waxaa qayb ka ahaa Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Agaasimaha Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Dib-u-dhiska, saraakiil ka kala socday wasaaradaha Ganacsiga iyo Warshadaha, Xannaanada Xoolaha, Batroolka iyo Macdanta iyo Hawlaha Guud, iyo sidoo kale ganacsato Soomaaliyeed.
- Soomaaliya ayaa carwada ku soo bandhigtay wax-soo-saarka dalka, khayraadka dabiiciga ah, fursadaha maalgashi iyo muuqaallo ka tarjumaya dhaqanka, dalxiiska iyo hantida dabiiciga ah ee dalka.
Sida ay sheegtay Shabelle Media
- Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay fursadaha maalgashi ee gaarka ah ee Soomaaliya soo bandhigtay?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Soomaaliya ayaa ka qaybqaadatay Carwada 9-aad ee Caalamiga ah ee Soo-dejinta Shiinaha (CIIE) oo ka dhacday magaalada Shanghai, Shiinaha.
- Wafdiga Soomaaliya ee carwada waxaa hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Danjire Jamaal Maxamed Xasan.
- Soomaaliya ayaa carwada ku soo bandhigtay wax-soo-saarka dalka, khayraadka dabiiciga ah, fursadaha maalgashi iyo muuqaallo ka tarjumaya dhaqanka, dalxiiska iyo hantida dabiiciga ah ee dalka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Shanghai, Shiinaha – Carwada 9-aad ee Caalamiga ah ee Soo-dejinta Shiinaha (China International Import Expo – CIIE) ayaa ka furantay magaalada Shanghai ee dalka Shiinaha, iyadoo Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka ka qaybgalaya bandhiggan caalamiga ah oo lagu soo bandhigayo fursadaha ganacsi, maalgashi, wax-soo-saarka iyo khayraadka dabiiciga ah ee dalalka kala duwan.
Munaasabadda furitaanka carwada waxaa Soomaaliya ku metelayay wafdi heer Federaal ah oo uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Danjire Jamaal Maxamed Xasan.
Wafdiga waxaa qayb ka ahaa Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Agaasimaha Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Dib-u-dhiska, saraakiil ka kala socday wasaaradaha Ganacsiga iyo Warshadaha, Xannaanada Xoolaha, Batroolka iyo Macdanta iyo Hawlaha Guud, iyo sidoo kale ganacsato Soomaaliyeed.
Soomaaliya ayaa carwada ku soo bandhigtay wax-soo-saarka dalka, khayraadka dabiiciga ah, fursadaha maalgashi iyo muuqaallo ka tarjumaya dhaqanka, dalxiiska iyo hantida dabiiciga ah ee dalka. Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray khayraadka macdanta Soomaaliya, noocyada kala duwan ee macdanta laga helo dalka iyo goobaha ay ku kala sugan yihiin, si loo soo jiito maalgashadayaasha iyo shirkadaha caalamiga ah ee danaynaya ka faa’iidaysiga khayraadka dalka.
Safaaradda Soomaaliya ee dalka Shiinaha ayaa diyaarisay goob gaar ah oo lagu soo bandhigayo khayraadka dabiiciga ah iyo fursadaha maalgashi ee Soomaaliya. Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha iyo hawlwadeennada safaaradda ayaa door ka qaatay diyaarinta goobta iyo habsami-u-socodka ka qaybgalka wafdiga, iyagoo sidoo kale fududeeyay adeegyada iyo baahiyaha wafdiga dowladda iyo ganacsatada Soomaaliyeed.
Labadii maalmood ee uu socday bandhiggu, goobta Soomaaliya ee carwada ayaa noqotay meel ay booqdeen dad badan oo ka qaybgalayay munaasabadda, kuwaas oo muujiyay xiise ku aaddan khayraadka dabiiciga ah, wax-soo-saarka iyo fursadaha maalgashi ee dalka.
Ka qaybgalka Soomaaliya ee carwadan ayaa fursad u ah in ganacsatada iyo maalgashadayaasha caalamiga ah loo soo bandhigo awoodda dhaqaale ee dalka, gaar ahaan khayraadka macdanta, xoolaha, wax-soo-saarka gudaha iyo fursadaha ka jira qaybaha kala duwan ee dhaqaalaha.
Sidoo kale, bandhiggan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka ganacsi iyo maalgashi ee Soomaaliya iyo Shiinaha, iyadoo la doonayo in la abuuro iskaashi cusub oo ka qaybqaata kobcinta dhaqaalaha, dhiirrigelinta wax-soo-saarka gudaha iyo soo jiidashada maalgashiga shisheeye.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Soomaaliya ayaa ka qaybqaadatay Carwada 9-aad ee Caalamiga ah ee Soo-dejinta Shiinaha (CIIE) oo ka dhacday magaalada Shanghai, iyadoo soo bandhigtay khayraadkeeda dabiiciga ah iyo fursadaha maalgashi.
Qodobada muhiimka ah
- Soomaaliya ayaa ka qaybqaadatay Carwada 9-aad ee Caalamiga ah ee Soo-dejinta Shiinaha (CIIE) oo ka dhacday magaalada Shanghai, Shiinaha.
- Wafdiga Soomaaliya ee carwada waxaa hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Danjire Jamaal Maxamed Xasan.
- Soomaaliya ayaa carwada ku soo bandhigtay wax-soo-saarka dalka, khayraadka dabiiciga ah, fursadaha maalgashi iyo muuqaallo ka tarjumaya dhaqanka, dalxiiska iyo hantida dabiiciga ah ee dalka.
- Safaaradda Soomaaliya ee dalka Shiinaha ayaa diyaarisay goob gaar ah oo lagu soo bandhigayo khayraadka dabiiciga ah iyo fursadaha maalgashi ee Soomaaliya.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dalalka kale ee ka qaybgalaya carwada.
- Xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan sheegashooyinka la xiriira carwada lama bixiyo.
- Faahfaahinta ku saabsan natiijooyinka ama heshiisyada la sameeyay intii lagu jiray carwada lama xusin.
Gunaanadka akhristaha
Ka qaybgalka Soomaaliya ee CIIE wuxuu muujinayaa dadaalladeeda lagu soo jiidanayo maalgashi caalami ah iyo soo bandhigida khayraadkeeda.
Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay fursadaha maalgashi ee gaarka ah ee Soomaaliya soo bandhigtay?
- Immisa booqdayaal ah ayaa booqday bandhigga Soomaaliya ee carwada?
- Waa maxay natiijooyinka la filayo ee ka dhashay ka qaybgalka Soomaaliya ee carwadan?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · dejinta · ciie · shiinaha