Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirka 25-aad ee Golaha Wasiirrada Ururka Iskaashiga Badweynta Hindiya
Waxa dhacay
Hal il · Shabelle Media
NEW DELHI, HINDIYA – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb gashay Shirka 25-aad ee Golaha Wasiirrada Ururka Iskaashiga Badweynta Hindiya (IORA), kaas oo lagu qabtay magaalada New Delhi ee dalka Hindiya, waxaana ka qeyb galay dalalka xubnaha ka ah ururka iyo bah-wadaagtiisa.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Soo-jeedinWasiiru Dowlaha ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay dhowrista madax-bannaanida, gobannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isaga oo ku baaqay in iskaashiga dhinaca badda lagu saleeyo shuruucda iyo heshiisyada caalamiga ah.
- Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa Soomaaliya ku matalay shirka, isaga oo khudbad uu ka jeediyey kaga hadlay muhiimadda amniga badda, ilaalinta khayraadka badaha, la dagaallanka kalluumaysiga sharci-darrada ah iyo sugidda marinnada ganacsiga caalamiga ah.
- Intii uu ku sugnaa magaalada New Delhi, Cali Balcad ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay dhiggiisa dalka Hindiya, Mudane Pabitra Margherita, waxaana ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, caafimaadka, waxbarashada iyo diblomaasiyadda.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
NEW DELHI, HINDIYA – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb gashay Shirka 25-aad ee Golaha Wasiirrada Ururka Iskaashiga Badweynta Hindiya (IORA), kaas oo lagu qabtay magaalada New Delhi ee dalka Hindiya, waxaana ka qeyb galay dalalka xubnaha ka ah ururka iyo bah-wadaagtiisa.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa Soomaaliya ku matalay shirka, isaga oo khudbad uu ka jeediyey kaga hadlay muhiimadda amniga badda, ilaalinta khayraadka badaha, la dagaallanka kalluumaysiga sharci-darrada ah iyo sugidda marinnada ganacsiga caalamiga ah.
Wasiiru Dowlaha ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay dhowrista madax-bannaanida, gobannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isaga oo ku baaqay in iskaashiga dhinaca badda lagu saleeyo shuruucda iyo heshiisyada caalamiga ah.
Intii uu ku sugnaa magaalada New Delhi, Cali Balcad ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay dhiggiisa dalka Hindiya, Mudane Pabitra Margherita, waxaana ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, caafimaadka, waxbarashada iyo diblomaasiyadda.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · badweynta · hindiya · wasiirrada
Sii akhri
- Soomaaliya iyo Hindiya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ganacsiga, caafimaadka iyo waxbarashada
Shabelle Media
- Dowladda Soomaaliya oo maanta la shirtay safiiradeeda caalamka – Maxay kala hadashay?
Caasimada Online
- Turkiga oo soo bandhigay qorshaha difaaca badda Soomaaliya iyo ciidanka…
Caasimada Online