Soomaaliya oo soo dhaweysay go’aanka Mareykanka ee dib loogu cusbooneysiiyay maalgelinta UNSOS iyo AUSSOM
Waxa dhacay
Hal il · Shabelle Media
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go'aanka dowladda Mareykanka ee dib loogu cusbooneysiiyay maalgelinta UNSOS iyo AUSSOM sanad kale, taas oo muhiim u ah howlgalada milateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in go’aanka Washington uu dib u xaqiijinayo iskaashiga amni ee labada dal, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo taageerada ciidamada Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika ee dalka ka howlgala.
- Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay si weyn u qadarinayso doorka Mareykanka oo ay ku tilmaantay saaxiib muhiim ah oo garab weyn ka geysta dadaallada lagula dagaallamayo Al-Shabaab.
- Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa war-saxaafadeedkeeda ku xustay in afartii sano ee lasoo dhaafay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay la wareegeen in ka badan 20 saldhig oo ku yaalla jiidaha hore ee dagaalka, kuwaas oo markii hore ay ku sugnaayeen ciidamada Midowga Afrika.
- Arrintan ayay dowladda ku tilmaantay mid muujinaysa kobaca awoodda ciidamada qaranka iyo horumarka laga sameeyay qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso mas’uuliyadda amniga dalka, iyadoo tirada ciidamada AUSSOM ay hoos uga dhacday qiyaastii 21,000 oo askari, una soo degatay ku dhowaad kala bar tiradaas.
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa iskaashiga amni ee socda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, taas oo muhiim u ah dagaalka ka dhanka ah argagixisada gobolka.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin howlgalada milateri ee gaarka ah ee la taageerayo maalgelinta dib loo cusbooneysiiyay?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go'aanka dowladda Mareykanka ee ah in sanad kale loo cusbooneysiiyo maalgelinta UNSOS iyo AUSSOM.
- Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in go'aanka Washington uu dib u xaqiijinayo iskaashiga amni ee labada dal.
- Maqaalku wuxuu sheegayaa in dowladda Soomaaliya ay si weyn u qadarinayso doorka Mareykanka oo ay ku tilmaantay saaxiib muhiim ah oo garab weyn ka geysta dadaallada lagula dagaallamayo Al-Shabaab.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
MUQDISHO – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si diirran u soo dhaweysay go’aanka dowladda Mareykanka ee ah in sanad kale loo cusbooneysiiyo maalgelinta Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), taas oo muhiim u ah sii socoshada howlgalada milateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in go’aanka Washington uu dib u xaqiijinayo iskaashiga amni ee labada dal, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo taageerada ciidamada Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika ee dalka ka howlgala.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay si weyn u qadarinayso doorka Mareykanka oo ay ku tilmaantay saaxiib muhiim ah oo garab weyn ka geysta dadaallada lagula dagaallamayo Al-Shabaab. Waxay sidoo kale xustay in taageerada Mareykanka ay xoojisay hay’adaha amniga dalka, isla markaana ay gacan ka geysatay ilaalinta guulihii laga gaaray howlgallada militari.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa war-saxaafadeedkeeda ku xustay in afartii sano ee lasoo dhaafay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay la wareegeen in ka badan 20 saldhig oo ku yaalla jiidaha hore ee dagaalka, kuwaas oo markii hore ay ku sugnaayeen ciidamada Midowga Afrika.
Arrintan ayay dowladda ku tilmaantay mid muujinaysa kobaca awoodda ciidamada qaranka iyo horumarka laga sameeyay qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso mas’uuliyadda amniga dalka, iyadoo tirada ciidamada AUSSOM ay hoos uga dhacday qiyaastii 21,000 oo askari, una soo degatay ku dhowaad kala bar tiradaas.
Go’aanka Mareykanka ayaa kusoo aadaya xilli Washington ay horay u shaacisay qorshe lagu joojinayo maalgelinta UNSOS, isla markaana la qorsheeyay in xafiiskaasi gebi ahaanba la xiro dhammaadka sanadka 2027, arrintaas oo walaac ka dhalisay mustaqbalka taageerada saadka ee ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Dowladda Federaalka ayaa ugu baaqday saaxiibada caalamka inay sii wadaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, dib-u-dhiska ciidamada iyo la dagaallanka argagixisada, iyadoo sheegtay inay ka go’an tahay in mustaqbalka dhow ay ciidamada Soomaaliyeed si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka.
Soomaaliya ayaa sidoo kale adkeysay inay sii xoojinayso wada-shaqeynta Mareykanka, Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo saaxiibada gobolka si loo xaqiijiyo amni iyo xasillooni waarta.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go'aanka dowladda Mareykanka ee dib loogu cusbooneysiiyay maalgelinta UNSOS iyo AUSSOM sanad kale, taas oo muhiim u ah howlgalada milateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab.
Qodobada muhiimka ah
- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go'aanka dowladda Mareykanka ee ah in sanad kale loo cusbooneysiiyo maalgelinta UNSOS iyo AUSSOM.
- Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in go'aanka Washington uu dib u xaqiijinayo iskaashiga amni ee labada dal.
- Maqaalku wuxuu sheegayaa in dowladda Soomaaliya ay si weyn u qadarinayso doorka Mareykanka oo ay ku tilmaantay saaxiib muhiim ah oo garab weyn ka geysta dadaallada lagula dagaallamayo Al-Shabaab.
- Maqaalku wuxuu sheegayaa in afartii sano ee lasoo dhaafay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay la wareegeen in ka badan 20 saldhig oo ku yaalla jiidaha hore ee dagaalka.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dowladda Mareykanka ee ku saabsan go'aanka maalgelinta.
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan sheegashada ku saabsan in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay la wareegeen saldhigyada.
- Maqaalku ma caddeynayo mustaqbalka taageerada maalgelinta UNSOS ka dib sanadka 2027.
Gunaanadka akhristaha
Dib-u-cusbooneysiinta maalgelinta Mareykanka waxaa loo arkaa taageero muhiim ah oo loogu talagalay dadaallada milateri ee Soomaaliya ka dhanka ah Al-Shabaab.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin howlgalada milateri ee gaarka ah ee la taageerayo maalgelinta dib loo cusbooneysiiyay?
- Sidee ayay hoos u dhaca tirada ciidamada AUSSOM u saameyn doontaa amniga Soomaaliya?
- Maxay yihiin qorshayaasha muddada dheer ee maalgelinta UNSOS ka dib sanadka 2027?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa iskaashiga amni ee socda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, taas oo muhiim u ah dagaalka ka dhanka ah argagixisada gobolka.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · security · security · dhaweysay · mareykanka
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Soomaaliya oo soo dhaweysay go'aanka cusub ee Mareykanku ka qaatay howlgalka milatari ee dalka
BBC Somali
- Somaliya ayaa soo dhawaysay go'aanka Maraykanka ee ku saabsan maalgelinta taageerada milatari ee caalamiga ah
Hiiraan Online
- Mar kale, Mareykanka ayaa maalgelin doona taageerada milatari ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya sanadka kale
Hiiraan Online