Topic
Warkasta is tracking Mareykanka across 19 reports from 5 sources. Recent coverage touches Soomaaliya, Abiy Axmed, and Eritrea, each linked to its original source with side-by-side comparison where outlets differ.

Ciidamada Mareykanka ayaa lagu eedeeyey in duqeymaha ay ka fuliyaan koonfurta Soomaaliya ay dadka rayidka ah ku khasbayaan inay u cararaan oo ay ku go’doomaan hareeraha webiga Jubba, xilli roobabka Deyrta ay halis fatahaado xooggan ku hayaan deegaannadaas, sida uu qoray wargeyska The Guardian. “Duqeymaha cirka ayaa dadka ku khasbaya inay…

Okt 29 (Jowhar)- Khad diblomaasiyadeed oo cusub ayaa u furmay Washington iyo Tehran iyadoo dagaalka Khaliijka uu sii xoogaysanayo oo laga cabsi qabo inuu sii kordho weerarro kale oo Mareykan ah. Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa si toos ah ula xiriiray sarkaalka ugu sarreeya amniga Iiraan si loo soo nooleeyo wadahadallada nabadda ee…

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa beeniyay eedeymo sheegaya in duqeymaha cirka ee ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ee koonfurta Soomaaliya loo adeegsanayo in dadka rayidka ah lagu barakiciyo ama loogu riixo deegaanno halis ugu jira fatahaadaha laga cabsi qabo inay ka dhashaan roobabka la xiriira El Niño. Afhayeen u hadlay AFRICOM ayaa sheegay…

Xildhibaanada Mareykanka Ilhan Omar ayaa sheegtay inay qorsheyneyso inay ka guurto gurigeeda Washington ka dib markii agents federaal ah ay baaritaan ku sameeyeen hantida, iyadoo tixraacday hanjabaado dhimasho iyo walaac ku saabsan amniga qoyskeeda ka dib markii cinwaanka uu noqday mid dadweynaha u muuqda. Xildhibaanada Minnesota ayaa ku dhawaaqay arrintan wareysi ay siisay MS NOW oo la baahiyay Arbacadii, iyadoo sheegtay inay suurtagal tahay inaysan…

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa sheegtay inay ka guuri doonto gurigeeda Washington, DC, kadib markii wakiillo federaal ah ay baaritaan ku sameeyeen todobaadkii hore, taas oo ku abuurtay walaac dhinaca ammaanka ah. Ilhaan ayaa Arbacadii sheegtay in dareenka iyo hadal-heynta ka dhalatay baaritaanka ay ka dhigeen guriga meel aysan hadda ammaan ku…

Injineer hore uga tirsanaa shirkadda caanka ah ee OpenAI, oo lagu eedeeyay inuu qalab wax duuba si qarsoodi ah u dhex dhigay qolka shirarka madaxda sare ee shirkadda, ayaa la aaminsan yahay inuu taageero la taaban karo ka helay dowladda Sacuudi Carabiya, sida ay sheegeen xeer-ilaaliyeyaasha federaalka Mareykanka. Dokumiintiyo ay…

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan la qaatay Marwo Ruth Anne Stevens-Klitz, oo ah Ku-simaha Madaxa Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga difaaca, taageerada Mareykanka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dardargelinta wada-shaqeynta labada dhinac ee dhinacyada amniga, tababarka…

In ka badan 137 milyan oo doollar ayaa lagu kharashgareeyay xayeysiisyada siyaasadeed ee adeegsada sirdoonka macmalka ah (AI) intii lagu jiray ololaha doorashooyinka dhexe ee Mareykanka ee 2026, taasoo muujinaysa sida tiknoolajiyaddan ay ugu sii fideyso ololayaasha siyaasadeed iyo tartanka doorashada.

Shan iyo toban hay’adood oo warbaahineed oo waaweyn oo Mareykan ah iyo kuwo caalami ah ayaa maxkamad federaali ah ka codsaday in la shaaciyo dukumentiyada la xiriira waarankii lagu baaray guriga Ilhaan Cumar, oo ah xildhibaanad ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka, kana soo jeedda Soomaaliya
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio ayaa Itoobiya iyo Eritrea ugu baaqay inay joojiyaan tallaabooyinka sii hurinaya xiisadda, khilaafkoodana ku xalliyaan waddo diblomaasiyadeed. Baaqa ayaa yimid…

Maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa wada baaritaan uu doonayo inuu ku dhiso dacwad dhalashada Mareykanka looga qaadayo xildhibaan Ilhaan Cumar, si ugu dambeyn dalka looga masaafuriyo, sida uu Arbacadii shaaciyey wargeyska The Wall Street Journal. Baaritaanka ayaa salka ku haya eedeymo la xiriira in Ilhaan Cumar ama aabaheed oo geeriyooday ay…

Dowladda Mareykanka ayaa uga digtay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, wax kasta oo horseedi kara xad-gudub ama duullaan ka tallaaba xuduudaha, xilli ciidamada federaalka Itoobiya ay si xawli ah ugu siqayaan xadka Eritrea, arrintaas oo sare u qaadday cabsida laga qabo in dagaal cusub uu ka qarxo Geeska Afrika. Xoghayaha Arrimaha…
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio, ayaa ku baaqay in dalalka Geeska Afrika ay ixtiraamaan madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka deriska ah, isla markaana ay ka fogaadaan tallaabooyinka xuduudaha looga gudbayo ee sii hurin kara colaadaha gobolka.

Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka Mareykanka ayaa subaxnimadii Isniinta baaritaan ku sameeyey guriga ay magaalada Washington ku leedahay xildhibaanadda Soomaaliyeed ee Ilhan Omar, iyadoo Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka ay xaqiijisay in hawlgalku qeyb ka yahay baaritaan dembiyeed socda. Ciidamada fuliyey hawlgalka ayaa ka tirsanaa hay’adda Homeland Security
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa kulan la yeeshay Robert Flannery, oo ah la-taliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Afrika ee Dowladda Mareykanka, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada warbaahinta iyo ka hortagga fikirka xagjirka ah.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa ka digay in kooxda Xuutiyiinta Yemen ay doonayso inay hawlgalladeeda ku ballaariso Soomaaliya, tallaabadaas oo abuuri karta khatar cusub oo ku wajahan maraakiibta isaga kala goosha Gacanka Cadmeed iyo ciidamada Mareykanka ee gobolka. Sida uu maanta oo Jimce ah qoray wargeyska militariga Mareykanka ee…
Xeer-ilaaliyeyaasha Mareykanka ayaa la filayaa inay dacwado cusub ku soo oogaan madaxweynihii hore ee Venezuela Nicolás Maduro iyo xaaskiisa Cilia Flores, kuwaas oo lagu eedeynayo inay door ku lahaayeen jirdil loo geystay muwaadiniin Mareykan ah oo lagu hayay xabsiyada Venezuela xilligii Maduro uu talada dalka hayay.

Dowladda Mareykanka ayaa Arbacadii ka digtay suurta-galnimada weerarro masaafo dheer ah oo lagu qaado xarumaha militariga Itoobiya, kuwaas oo laga yaabo inay gaaraan bartilmaameedyo ku yaalla caasimadda Addis Ababa, xilli dagaallada waqooyiga dalka ay sii xoogeysanayaan. Safaaradda Mareykanka ee Addis Ababa ayaa digniin amni oo ay soo saartay ku sheegtay…

Oktt 06 (Jowhar)- Donald Trump ayaa qirtay in “hanjabaado” ay sababeen in Mareykanku uu diyaaradaha P-1 bambo-tuurka ah ka raro saldhig ciidamada cirka ee UK, isagoo sheegay in diyaaraduhu aysan saldhigga RAF Fairford uga bixin “si kadis ah”. Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in diyaaradaha milatariga laga raray saldhigga Gloucestershire si looga jawaabo xaaladda soo korortay,…