Soomaaliya oo wajaheysa khatarta Ebola iyo Mareykanka oo soo saaray xannibaad ku meel gaar ah
Mogadisho, Soomaaliya — Xilli uu Afrika dib ugu soo labakaleeyay cudurka dilaaga ah ee Ebola, dowladda Mareykanka ayaa qaadday tillaabo adag oo dhanka socdaalka ah, halka khubarada caafimaadkuna ay ka digayaan khatarta weyn ee soo wajahday dalka Soomaaliya, maadaama uu cudurku ku dhow yahay xuduudaha dalka. Dowladda Mareykanka ayaa si ku meel gaar ah […]

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Mogadisho, Soomaaliya — Xilli uu Afrika dib ugu soo labakaleeyay cudurka dilaaga ah ee Ebola, dowladda Mareykanka ayaa qaadday tillaabo adag oo dhanka socdaalka ah, halka khubarada caafimaadkuna ay ka digayaan khatarta weyn ee soo wajahday dalka Soomaaliya, maadaama uu cudurku ku dhow yahay xuduudaha dalka.
Dowladda Mareykanka ayaa si ku meel gaar ah u mamnuucday in dalkeeda ay soo galaan dadka haysta dhalashada iyo deganaanshaha rasmiga ah ee Green Card-ka, haddii 21-kii maalmood ee la soo dhaafay ay booqdeen waddanka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Uganda, iyo South Sudan.
Go’aankan ayay dowladda Mareykanku sheegtay in ujeedadiisu ay tahay ka hortagga in cudurka halista ah ee Ebola uu gudaha u galo dalkooda. Sidoo kale, hay’adaha caafimaadka adduunka ayaa sheegaya in waddamo dhowr ah oo ay ku jiraan Kenya, Ethiopia, Tanzania, Angola, Burundi, Rwanda, iyo Zambia ay hadda wajahaan khatar aad u sarreysa oo dhanka cudurkan ah.
Dhanka kale, Soomaaliya waxay taagan tahay meel aad u nugul marka loo eego fiditaanka cudurka dilaaga ah ee Ebola, maadaama uu cudurku soo gaaray dalalka dariska ah. Nuglaanta Soomaaliya ayaa salka ku haysa xuduudaha dhaadheer ee furan ee ay la leedahay waddamada dariska ah sida Kenya iyo Itoobiya, halkaas oo ay ka jirto isu-socod xooggan oo dadka iyo gaadiidka ah, iyada oo aysan jirin koontarool adag oo dhanka caafimaadka ah.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan