Soomaaliya oo xubin sare ku yeelatay Golaha Sare ee ururka caalamiga ah ee Tayada Daryeelka Caafimaadka
Waxa dhacay
30 ilbiriqsiSoomaaliya ayaa gaartay guul muhiim ah iyadoo xubin buuxda ka noqotay Ururka Caalamiga ah ee Tayada Daryeelka Caafimaadka (ISQua).
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Cidda ay saamaysayDoodaha shirweynaha ayaa xoogga lagu saaray arrimo muhiim u ah horumarinta nidaamyada caafimaadka, gaar ahaan tayada daryeelka caafimaadka, badqabka bukaanka iyo doorka hoggaaminta ee lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka.
- Maareeyaha Hay’adda Qaran ee Caymiska Caafimaadka Bulshada Soomaaliyeed, Dr.
- Intii uu socday shirweynaha, Dr.
- Guusha ugu weyn ee Soomaaliya ka soo hoyatay shirweynaha ayaa timid kaddib markii Dr.
Sida ay sheegtay Goobjoog Somali
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin faa'iidooyinka gaarka ah ee Soomaaliya ka heli doonto xubinnimada ISQua?
Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Axmed Jalaaludiin ayaa loo doortay xubin buuxda oo ka tirsan Golaha Sare ee La-talinta ee ISQua, isagoo matali doona gobolka Bariga Dhexe iyo Afrika muddo shan sano ah.
- Ka qaybgalka shirweynaha ISQua iyo doorashada Dr. Jalaaludiin ayaa sidaas darteed noqonaya tallaabo muhiim ah oo Soomaaliya ku xoojinayso matalaaddeeda fagaarayaasha caalamiga ah ee caafimaadka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Soomaaliya ayaa guul muhiim ah ka gaartay shirweynaha caalamiga ah ee tayada daryeelka caafimaadka, kaddib markii masuul Soomaaliyeed loo doortay xubin buuxda oo ka tirsan Golaha Sare ee La-talinta ee Ururka Caalamiga ah ee Tayada Daryeelka Caafimaadka, ISQua.
Maareeyaha Hay’adda Qaran ee Caymiska Caafimaadka Bulshada Soomaaliyeed, Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Axmed Jalaaludiin, ayaa ka qaybgalay Meertada 42-aad ee Shirweynaha Caalamiga ah ee Tayada Daryeelka Caafimaadka ee ISQua, kaas oo lagu qabtay magaalada Dublin ee dalka Ireland.
Intii uu socday shirweynaha, Dr. Jalaaludiin ayaa soo bandhigay laba dhigaal cilmiyeed oo diiradda lagu saaray tayada adeeg-bixinta caafimaadka, isagoo sidoo kale ka qaybqaatay doodaha iyo falanqaynta ay yeesheen khubarada caalamiga ah ee caafimaadka.
Doodaha shirweynaha ayaa xoogga lagu saaray arrimo muhiim u ah horumarinta nidaamyada caafimaadka, gaar ahaan tayada daryeelka caafimaadka, badqabka bukaanka iyo doorka hoggaaminta ee lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka.
Guusha ugu weyn ee Soomaaliya ka soo hoyatay shirweynaha ayaa timid kaddib markii Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Axmed Jalaaludiin loo doortay xubin buuxda oo ka tirsan Golaha Sare ee La-talinta ee ISQua.
Dr. Jalaaludiin ayaa golahaasi ku matali doona gobolka Bariga Dhexe iyo Afrika muddo shan sano ah, taas oo Soomaaliya siinaysa fursad ay si toos ah uga qaybqaadato doodaha, talooyinka iyo qorshayaasha caalamiga ah ee la xiriira tayada iyo badqabka daryeelka caafimaadka.
Doorashadan ayaa sidoo kale Soomaaliya u abuureysa fursad ay ku soo bandhigto waayo-aragnimadeeda, caqabadaha ka jira nidaamka caafimaadka iyo dadaallada socda ee lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka iyo caymiska caafimaadka bulshada.
Ka qaybgalka shirweynaha ISQua iyo doorashada Dr. Jalaaludiin ayaa sidaas darteed noqonaya tallaabo muhiim ah oo Soomaaliya ku xoojinayso matalaaddeeda fagaarayaasha caalamiga ah ee caafimaadka, iyadoo sidoo kale sare u qaadaysa doorka dalka ee doodaha ku saabsan tayada adeegyada caafimaadka iyo badqabka bukaannada.
ISQua waa urur caalami ah oo diiradda saara horumarinta tayada iyo badqabka daryeelka caafimaadka, iyadoo isu keena khubaro iyo hay’ado caafimaad oo ka kala socda dalal badan oo caalamka ah.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Soomaaliya ayaa gaartay guul muhiim ah iyadoo xubin buuxda ka noqotay Ururka Caalamiga ah ee Tayada Daryeelka Caafimaadka (ISQua). Dr.
Qodobada muhiimka ah
- Soomaaliya ayaa gaartay guul muhiim ah iyadoo xubin buuxda ka noqotay Ururka Caalamiga ah ee Tayada Daryeelka Caafimaadka (ISQua).
- Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Axmed Jalaaludiin ayaa loo doortay xubin buuxda oo ka tirsan Golaha Sare ee La-talinta ee ISQua, isagoo matali doona gobolka Bariga Dhexe iyo Afrika muddo shan sano ah.
- Ka qaybgalka shirweynaha ISQua iyo doorashada Dr. Jalaaludiin ayaa sidaas darteed noqonaya tallaabo muhiim ah oo Soomaaliya ku xoojinayso matalaaddeeda fagaarayaasha caalamiga ah ee caafimaadka.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabo ka yimid dhinacyo kale oo ku saabsan muhiimadda xubinnimada Soomaaliya.
- Ma jiraan xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan sheegashooyinka la xiriira natiijooyinka shirweynaha.
- Maqaalku ma siinayo faahfaahin ku saabsan doodaha ama go'aannada ka soo baxay shirweynaha ISQua.
Gunaanadka akhristaha
Xubinnimada cusub ee Soomaaliya ee ISQua waxay fursad u tahay dalka inuu si firfircoon uga qaybqaato doodaha caafimaadka caalamiga ah.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin faa'iidooyinka gaarka ah ee Soomaaliya ka heli doonto xubinnimada ISQua?
- Sidee ayuu doorka Dr. Jalaaludiin u saameyn doonaa daryeelka caafimaadka Soomaaliya?
- Maxay yihiin caqabadaha Soomaaliya ka horyimid si loo horumariyo tayada daryeelka caafimaadka?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · daryeelka · xubin · soomaaliya
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada