Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo La Kulmay Safiirka Qatar ee Soomaaliya
Waxa dhacay
40 ilbiriqsiMuqdisho – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa xafiiskiisa kulan miro-dhal ah kula qaatay Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya, Danjire Dr.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray horumarinta xiriirka labada dal ee dhinacyada kala duwan.
- Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa Dowladda Qatar uga mahadceliyey taageerada joogtada ah iyo garab-istaagga ay u fidiso Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
- Waxa uu si gaar ah u xusay taageerada Qatar ee la xiriirta ilaalinta midnimada Qaranka, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyo sidoo kale mashaariicda horumarineed ee wax-ku-oolka ah ee ay ka hirgelisay dalka.
- Abdullah bin Salem Al-Nuaimi.
Sida ay sheegtay Shabelle Media

Qodobbada warbixinta
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa xafiiskiisa kulan miro-dhal ah kula qaatay Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya, Danjire Dr. Abdullah bin Salem Al-Nuaimi.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray horumarinta xiriirka labada dal ee dhinacyada kala duwan.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa Dowladda Qatar uga mahadceliyey taageerada joogtada ah iyo garab-istaagga ay u fidiso Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Waxa uu si gaar ah u xusay taageerada Qatar ee la xiriirta ilaalinta midnimada Qaranka, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyo sidoo kale mashaariicda horumarineed ee wax-ku-oolka ah ee ay ka hirgelisay dalka. Guddoomiyaha ayaa sheegay in mashaariicdaasi ay door muuqda ka qaadanayaan horumarinta adeegyada muhiimka u ah shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan horumarka dalka.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · qatar · guddoomiyaha · soomaaliya