Sooyaal: Faadumo Qaasin Hilowle (Faynuustii Fanka)
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiFaadumo Qaasin Hilowle, oo lagu naanaysi jiray 'Faynuustii Fanka', ayaa ku geeriyootay London 6dii Oktoobar 2011.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Faadumo, oo lagu naanaysi jiray “Faynuustii Fanka”, waxaa lagu xusuustaa codkeedii dahabiga ahaa, habkii bandhigeed ee toolmoonaa, hannaanwanaaggii ay masraxa dushiisa ku muujin jirtay iyo dhadhankii faneed ee ay hees kasta oo ay ku luuqayso ku larnaa.
- Si kaalinta Faadumo loo majeersado, waxaa mudan in dhab ahaan la jaleeco fanka ay dhexdiisa ku ababtay oo ay ka soo dhex hilaacday.
- Maxamed Daahir Afrax, oo buuggiisa Fan-masraxeedka Soomaalida (1987): Raadraac iyo Faaqidaad ku sameeyay geeddisocodka masraxa Soomaaliyeed, wuxuu hoosta ka xarriiqay kaladuwanaanta saldhigga dhaqameed ee fanka Banaadiriga iyo qaybo kale oo fan Soomaaliga ka mid ah.
- Fankaas qaayaha leh waxaa soo gardaadiyay oo taabbageliyay jiilal rag iyo dumarba leh oo waxsoosaarkooda faneed ku sii ballaariyey aafaaqiisa.
Sida ay sheegtay Goobjoog Somali
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa muhiimadda dhaqameed ee Faadumo Qaasin Hilowle ee fanka Soomaaliyeed iyo doorkeeda ilaalinta dhaxalka gobolka Banaadir.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay tahay saameynta gaarka ah ee Faadumo ku leedahay fanka Soomaaliyeed ee casriga ah?
Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Faadumo Qaasin Hilowle waxaa lagu xusuustaa codkeedii dahabiga ahaa iyo kaalmada ay siisay muusikada Soomaaliyeed.
- Aabbaheed, Qaasin Hilowle, wuxuu ka mid ahaa hormuudkii fanka Soomaaliyeed wuxuuna kaalin weyn ka qaatay dhaxalka dhaqanka Koonfurta Soomaaliya.
- Faadumo waxay heesidda bilowday iyadoo lix sano jirta, waxayna ka mid ahayd gabdhihii ugu horreeyey ee ka heesa Raadiyow Muqdisho.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Maanta oo kale, 6dii Oktoobar 2011kii, waxaa magaalada London ee dalka Ingiriiska ku geeriyootay Faadumo Qaasin Hilowle, oo ka mid ahayd haldoorkii fanka Soomaaliyeed sida gaarka ah raad aan sahal ku tirmayn ugu reebay fanka Banaadiriga.
Faadumo, oo lagu naanaysi jiray “Faynuustii Fanka”, waxaa lagu xusuustaa codkeedii dahabiga ahaa, habkii bandhigeed ee toolmoonaa, hannaanwanaaggii ay masraxa dushiisa ku muujin jirtay iyo dhadhankii faneed ee ay hees kasta oo ay ku luuqayso ku larnaa. Waxay ahayd fannaanad hibadeedu qarsoomi wayday, sidaas awgeedna lagu sifeeyay “faynuus” uu “fankeennu” iftiinsado; maxaayeelay, codkeeda madoorsoonka ahi wuxuu tiirxoog u ahaa qayb weyn oo ka mid ah xusuuswadareedda bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada uu fanka Banaadirigu manka iyo magoolkaba u yahay.
Si kaalinta Faadumo loo majeersado, waxaa mudan in dhab ahaan la jaleeco fanka ay dhexdiisa ku ababtay oo ay ka soo dhex hilaacday. Fanka Banaadirigu waa fan leh saldhig dhaqameed iyo sooyaal magaalo, kana muuqda laxan, luuq, ciyaar, jilid, labbis iyo hab bandhigeed oo u gaar ah.
Dr. Maxamed Daahir Afrax, oo buuggiisa Fan-masraxeedka Soomaalida (1987): Raadraac iyo Faaqidaad ku sameeyay geeddisocodka masraxa Soomaaliyeed, wuxuu hoosta ka xarriiqay kaladuwanaanta saldhigga dhaqameed ee fanka Banaadiriga iyo qaybo kale oo fan Soomaaliga ka mid ah. Buuggaas, oo 1987dii la daabacay, ayaa ka mid ah marjacyada waaweyn ee taariikhda fanmasraxeedka Soomaalida.
Fankaas qaayaha leh waxaa soo gardaadiyay oo taabbageliyay jiilal rag iyo dumarba leh oo waxsoosaarkooda faneed ku sii ballaariyey aafaaqiisa. Qaar waxay ahaayeen curiyayaal, qaar laxamiistayaal, qaar hooballo, qaarna jilayaal; dhammaantoodna waxay qayb ka ahaayeen silsilad dhaxalsiin faneed oo facba fac u sii gudbinayay. Faadumo waxay ka mid ahayd mudankii dabkaas sii qamxiyay .
Qoys Faneed Hibada Faadumo meel bannaan kama soo fufin. Waxay ku aroortaa oo meelkasoojeed ku leedahay qoys faneed si gun iyo baar ah ugu suntanaa sooyaalka fanka Koonfurta Soomaaliya.
Aabbaheed, abwaan Qaasin Hilowle (1923–1984), oo lagu naanaysi jiray “Iskiifo”, wuxuu ka mid ahaa hormuudkii fanka Banaadiriga. Wuxuu yaraantiisii ka soo muuqday fagaarayaashii suugaanta, fankana wuxuu u arkayey cudud lagu baraarujiyo bulshada, laguna guubaabiyo halgankii gobannimadoonka.
Wuxuu curin jiray riwaayado iyo heeso ay daljirnimo ku dheehan tahay, wuxuuna ku heesi jiray afafka Soomaaliga, Talyaaniga iyo Carabiga. Qaasin ayaa, sidoo kale, ka mid ahaa hormuudkii kooxfaneedyada Koonfurta Soomaaliya, isagoo ka hawlgali jiray Raadiyow Muqdisho.
Qaasin Hilowle fanku wuxuu fanku u ahaa muraayad bulsheed, farriindawiye iyo aalad baraarujineed. Xilligii gobannimadoonka, isaga iyo jaallayaashiisii waxay waxsoosaarkooda ugu adeegayeen dareenka qaran, midnimada iyo hiigsiga gobannimada.
Hobollo uu Qaasin Hilowle ka mid ahaa ayaa xilligaas xarumihii SYL ka qaadi jiray heesaha guubaabada iyo qiiragelinta. Dhaxalkii Qaasin wuxuu noqday qori-isu-dhiib faneed.
Faadumo Qaasin iyo walaasheed Muslimo Qaasin Hilowle labaduba waxay ka mid noqdeen bahda fanka Soomaaliyeed; carruurta Faadumana qaarkood ayaa iyaguna fanka sii waday. Sidaas ayay Faadumo dhexda kaga jirtay silsilad faneed facyaal isku xidha: aabbe hal-abuur iyo hoobal ahaa, gabdho fanka ku hanaqaaday iyo jiil kale oo dhaxalkii sii anbaqaaday.
Lix Jir ilaa Masraxa Qaran Faadumo waxay heesidda bilowday iyadoo lix sano jirta, waxayna ka mid ahayd gabdhihii ugu horreeyey ee ka heesa Raadiyow Muqdisho. Barbilowgaas hore ayaa u gogoldhigay geeddisocod faneed dheer, kaas oo ay kaga mid noqotay codadkii haweenka ee hormuudka ka ahaa fanka Soomaaliyeed.
Waxay ku soo kortay jawi ay heesta, laxanka iyo hal-abuurku qayb ka ahaayeen nololmaalmeedka qoyskeeda. Taasi waxay siisay saldhig faneed ay hibadeedu ku hanaqaaddo, hannaankeeda masraxuna ku bislaado.
Waxa iyana kobocaas kaalingal ku lahaa hal-abuurayaal iyo muusikiistayaal ay ka mid ahaayeen Axmed Naaji Sacad. Axmed Naaji wuxuu ka mid ahaa tiirarkii muusigga Soomaaliyeed: laxamiiste, muusikiiste, curiye iyo hoobal.
Xilligii uu fankiisu bislaaday uu soosaaray fannaaniin rag iyo dumarba leh, Faadumo Qaasinna ay ka mid ahayd. Iskaashigaas faneed wuxuu qayb ka ahaa jawi hal-abuur oo ay curiye, laxamiiste iyo hoobal islafalgal ku dhisayeen hees isu dheellitiran erey, luuq iyo laxan.
Heesta “Guwaas”, oo Faadumo Qaasin iyo Axmed Naaji lagu xusuusto, ayaa tusaale u ah dhadhankaas faneed iyo sida dareenka jacaylka loogu waarido ereyo kookooban oo misana ashqaraar leh: “Goobtii aad joogtidaa Gacalkayga yaallee…” Inkasta oo Faadumo ay qaadi jirtay noocyo kaladuwan oo heesaha Soomaaliyeed ah, haddana magaca iyo codkeedu si gaar ah ayay ugu mataanoobeen fanka Banaadiriga. Heesaheedu waxay noqdeen kuwo aad ugu sidkan jaadkaas faneed, waxaana si weyn loogu xusuustaa heeso ay ka mid yihiin “Aaway hee, inankii aan is arkoonaayeey” iyo “Ceelka soo jiidee.” Habkaas bandhigeed waxaa ku kulmay cod, luuq, xarrago, dhaqdhaqaaq masraxeed iyo dareen dhowrid.
Keliya ma ahayn hoobal cod macaan ee waxay lahayd karti ay dareenka dhegaystaha ku hanato, ereygana ugu rogto dareen taabanaya nudayaasha qof kasta. Sababtaas darteed buu codkeedu u noqday raad faneed oo jiilal badan isaga gudba.
Sidaas awgeed, marka si dhow loo dhugto waxsoosaarka Faadumo, waxaa la muuqanaysa in uu koobsaday sooyaal, dhaqan, magaalow iyo xusuus ummadeed. Waa maragmadoonto in uu codkeedu kaydiyay qayb ka mid ah ilbaxnimadii hore ee Muqdisho iyo noloshii faneed ee jeerkaas.
Ugu danbayn, maanta oo kale, 6dii Oktoobar 2011, ayay “faynuustii” ifka weynayd ee uu jeer “fanka Soomaaliyeed” iftiinsan jiray dentay!
Hibada Faadumo meel bannaan kama soo fufin. Waxay ku aroortaa oo meelkasoojeed ku leedahay qoys faneed si gun iyo baar ah ugu suntanaa sooyaalka fanka Koonfurta Soomaaliya.
Aabbaheed, abwaan Qaasin Hilowle (1923–1984), oo lagu naanaysi jiray “Iskiifo”, wuxuu ka mid ahaa hormuudkii fanka Banaadiriga. Wuxuu yaraantiisii ka soo muuqday fagaarayaashii suugaanta, fankana wuxuu u arkayey cudud lagu baraarujiyo bulshada, laguna guubaabiyo halgankii gobannimadoonka. Wuxuu curin jiray riwaayado iyo heeso ay daljirnimo ku dheehan tahay, wuxuuna ku heesi jiray afafka Soomaaliga, Talyaaniga iyo Carabiga. Qaasin ayaa, sidoo kale, ka mid ahaa hormuudkii kooxfaneedyada Koonfurta Soomaaliya, isagoo ka hawlgali jiray Raadiyow Muqdisho.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Faadumo Qaasin Hilowle, oo lagu naanaysi jiray 'Faynuustii Fanka', ayaa ku geeriyootay London 6dii Oktoobar 2011. Waxay ahayd qof muhiim ah oo ka tirsan fanka Soomaaliyeed, oo lagu xusuusto codkeeda gaarka ah iyo kaalmadeeda.
Qodobada muhiimka ah
- Faadumo Qaasin Hilowle, oo lagu naanaysi jiray 'Faynuustii Fanka', ayaa ku geeriyootay London 6dii Oktoobar 2011.
- Faadumo Qaasin Hilowle waxaa lagu xusuustaa codkeedii dahabiga ahaa iyo kaalmada ay siisay muusikada Soomaaliyeed.
- Aabbaheed, Qaasin Hilowle, wuxuu ka mid ahaa hormuudkii fanka Soomaaliyeed wuxuuna kaalin weyn ka qaatay dhaxalka dhaqanka Koonfurta Soomaaliya.
- Faadumo waxay heesidda bilowday iyadoo lix sano jirta, waxayna ka mid ahayd gabdhihii ugu horreeyey ee ka heesa Raadiyow Muqdisho.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabo ka yimid dhinacyo kale oo ku saabsan dhaxalka Faadumo.
- Eedeymaha ku saabsan kaalmadeeda iyo aqoonsigeeda waxay ku saleysan yihiin kaliya sheegashooyinka maqaalka.
- Xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan faahfaahinta ku saabsan dhimashadeeda ma jiraan.
Gunaanadka akhristaha
Dhaxalka Faadumo Qaasin Hilowle sida qofka hogaaminaya fanka Soomaaliyeed ayaa weli ka dhex muuqda muuqaalka dhaqameed.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay tahay saameynta gaarka ah ee Faadumo ku leedahay fanka Soomaaliyeed ee casriga ah?
- Ma jiraan xus ama xaflado lagu maamuusayo?
- Sidee dhaxalkeeda u saameeyay jiilalka cusub ee fannaaniinta Soomaaliyeed?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa muhiimadda dhaqameed ee Faadumo Qaasin Hilowle ee fanka Soomaaliyeed iyo doorkeeda ilaalinta dhaxalka gobolka Banaadir. Kaalmadeeda waxay ka tarjumaysaa sheekada ballaaran ee muujinta fanka Soomaaliyeed.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · qaasin · faadumo · hilowle