Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Suuriya iyo Israa’iil oo wadahadalo ku yeesheen dalka Jordan.
Isniin 24 Aug 2026 {HMC} Wakaaladda wararka ee Reuters oo xiganaysa wakaaladda wararka Suuriya ee SANA ayaa soo bandhigtay faahfaahinta wadahadallo Suuriya iyo Israa’iil ay shalay ku yeesheen dalka Jordan. Suuriya, waxay wadahadalladan u dirtay wafdi sare oo uu hoggaaminayay wasiirka arrimaha dibadda, isla markaana ay ku jireen madaxda sirdoonka guud iyo sirdoonka milatariga, iyadoo […] The

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Isniin 24 Aug 2026 {HMC} Wakaaladda wararka ee Reuters oo xiganaysa wakaaladda wararka Suuriya ee SANA ayaa soo bandhigtay faahfaahinta wadahadallo Suuriya iyo Israa’iil ay shalay ku yeesheen dalka Jordan.
Suuriya, waxay wadahadalladan u dirtay wafdi sare oo uu hoggaaminayay wasiirka arrimaha dibadda, isla markaana ay ku jireen madaxda sirdoonka guud iyo sirdoonka milatariga, iyadoo Maraykanku dhexdhexaadinayay labada dhinac.
Reuters, waxay werisay in wadahadalladan diiradda saareen dejinta xiisadda, joojinta duqeymaha, xarigga iyo beegsiga ay Israa’iil ka waddo Suuriya, iyo dib u bilaabidda wada-xaajoodyada lagu gaari karo heshiis amni oo suuragal ah.
Suuriya waxay carrabka ku adkaysay in heshiis kasta uu ixtiraamo madax-bannaanideeda, midnimadeeda dhuleed, xaqeeda ay u leedahay inay dib u dhisato ciidankeeda, iyo inay iyadu doorato xulafadeeda.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Hiiraanweyn
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.