Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socda Dowladda Talyaaniga
MUQDISHO – Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) Jenaraal Sahal Cabdullahi Cumar oo ay wehliyeen saraakiil sare oo ka tirsan Xoogga Dalka, ayaa xarunta Taliska Ciidanka Xoogga ku qaabilay wafdi ka socday Dowladda Talyaaniga oo uu hoggaaminayay Military Attaché-ga Talyaaniga. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada shaqeynta u […]

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
MUQDISHO – Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) Jenaraal Sahal Cabdullahi Cumar oo ay wehliyeen saraakiil sare oo ka tirsan Xoogga Dalka, ayaa xarunta Taliska Ciidanka Xoogga ku qaabilay wafdi ka socday Dowladda Talyaaniga oo uu hoggaaminayay Military Attaché-ga Talyaaniga.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada shaqeynta u dhaxeysa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada Dowladda Talyaaniga, gaar ahaan dhinacyada taageerada milatari, tababarrada ciidamada iyo horumarinta awoodda ciidanka.
Saraakiisha labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo sii ambaqaadi lahaa xiriirka dhinaca amniga iyo dadaallada lagu taageerayo dib u dhiska iyo tayeynta ciidamada Soomaaliya.
Wafdiga ka socday Dowladda Talyaaniga ayaa dhankooda uga mahadceliyay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran iyo martiqaadka wanaagsan ee loo sameeyay, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay sii wadidda taageerada iyo iskaashiga kala dhaxeeya ciidamada Soomaaliya.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan