TRUMP oo dhabar-jab wayn kala kulmay doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiDoorashada xilliga dhexe ee Mareykanka ayaa keentay in Dimuqraadiyiintu la wareegaan aqlabiyadda labada aqal ee Congress-ka, taasoo horseedday dhabar-jab siyaasadeed oo weyn oo ku dhacay Trump.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Natiijadani waxay ka dhigan tahay in Xisbiga Jamhuuriga ee Trump uu luminayo awooddii uu ku maamuli lahaa labada aqal, halka Trump uu wajahayo Congress-ka ay Dimuqraadiyiintu aqlabiyad ku leeyihiin.
- Natiijada doorashada waxaa loo arkaa fariin cad oo ay shacabka Mareykanku u direen Trump.
- Waxa kale oo doorashadu muujisay in taageerada Trump aysan si toos ah ugu filnayn inuu musharraxiinta uu taageerayo guul ku hoggaamiyo.
- Guulo taariikhi ah oo Soomaalida iyo Muslimiintu gaareen Soomaalida Mareykanka ayaa doorashadan mar kale muujiyay awoodda ay ku leeyihiin gobolka Minnesota, iyagoo helay guulo ka dhacay heer federaal iyo heer gobol.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa isbeddel ku yimid awoodda siyaasadeed oo saameyn ku yeelan karta sharci dejinta iyo maamulka Mareykanka.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin siyaasadaha gaarka ah ee Dimuqraadiyiintu mudnaanta siin doonaan iyadoo ay haystaan aqlabiyadda cusub?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Dimuqraadiyiintu waxay la wareegeen aqlabiyadda labada aqal ee Congress-ka.
- Ilhaan Cumar ayaa dib ugu guuleysatay kursiga Aqalka Wakiillada ee degmada 5-aad.
- Abdul El-Sayed ayaa ku guuleystay kursiga Senate-ka ee gobolka Michigan, isagoo noqday qofkii ugu horreeyay ee Muslim ah ee loo doorto Aqalka Senate-ka Mareykanka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Washington (Caasimada Online) – Doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka ayaa Trump u horseedday xaalad siyaasadeed oo cusub, ka dib markii Dimuqraadiyiintu ay la wareegeen aqlabiyadda labada aqal ee Congress-ka, waa Aqalka Wakiillada iyo Aqalka Senate-ka.
Natiijadani waxay ka dhigan tahay in Xisbiga Jamhuuriga ee Trump uu luminayo awooddii uu ku maamuli lahaa labada aqal, halka Trump uu wajahayo Congress-ka ay Dimuqraadiyiintu aqlabiyad ku leeyihiin. Taasi waxay adkeyn kartaa meelmarinta qorshayaasha Trump, maadaama sharciyo badan iyo miisaaniyadda dawladda ay u baahan yihiin taageerada Congress-ka.
Natiijada doorashada waxaa loo arkaa fariin cad oo ay shacabka Mareykanku u direen Trump. Dad badan ayaa muujiyay inaysan ku qanacsanayn jihada uu Mareykanku ku socdo, gaar ahaan qiimaha nolosha, dhaqaalaha, dagaalka Iiraan iyo walaaca laga qabo sida dowladda loo maamulayo. Arrimahan ayaa ka mid ahaa waxyaabihii saameeyay codbixinta.
Waxa kale oo doorashadu muujisay in taageerada Trump aysan si toos ah ugu filnayn inuu musharraxiinta uu taageerayo guul ku hoggaamiyo. Xisbigiisu wuxuu lumiyay kuraas muhiim ah, xitaa gobollo muddo dheer Jamhuurigu awood ku lahaa. Sidaas darteed, guusha Dimuqraadiyiintu ma ahayn oo keliya inay kuraas heleen,waxay sidoo kale ahayd dhabar-jab siyaasadeed oo ku dhacday Trump iyo jihada uu Mareykanka ku hoggaaminayo.
Guulo taariikhi ah oo Soomaalida iyo Muslimiintu gaareen
Soomaalida Mareykanka ayaa doorashadan mar kale muujiyay awoodda ay ku leeyihiin gobolka Minnesota, iyagoo helay guulo ka dhacay heer federaal iyo heer gobol. Ilhaan Cumar ayaa dib ugu guuleysatay kursiga Aqalka Wakiillada ee degmada 5-aad, iyadoo xaqiijisay muddo-xileedkeedii shanaad.
Dhanka baarlamaanka gobolka Minnesota, Omar Fateh ayaa ku guuleystay kursiga Senate-ka ee degmada 62-aad, Zaynab Mohamed-na kursiga degmada 63-aad, halka Cabdi Daysane uu ku guuleystay kursiga Aqalka Wakiillada ee degmada 14A. Sidaas darteed, Soomaalidu waxay doorashadan ku heleen afar kursi oo muhiim ah,hal kursi oo Congress-ka federaalka ah iyo saddex kursi oo baarlamaanka gobolka ah.
Guulahaasi waxay jawaab siyaasadeed u yihiin hadalladii Trump ee Soomaalida ku dhaliilayay, kuna tilmaamay inay Minnesota la wareegayaan. Codbixiyeyaasha gobolka Minnesota ayaa mar kale muujiyay in Soomaalidu yihiin qayb muhiim ah oo bulshada Minnesota ka mid ah, isla markaana ay door muuqda ku leeyihiin hoggaaminta iyo go’aan ka gaarista mustaqbalka gobolka.
Dhanka kale, Abdul El-Sayed ayaa ku guuleystay kursiga Senate-ka ee gobolka Michigan, isagoo noqday qofkii ugu horreeyay ee Muslim ah ee loo doorto Aqalka Senate-ka Mareykanka. Guushiisu waa dhacdo taariikhi ah oo muujinaysa heerka ay gaartay matalaadda Muslimiinta ee siyaasadda Mareykanka.
Guusha Abdul waxay sidoo kale dhabar-jab ku noqotay kooxaha u ololeeya taageerada Israa’iil, gaar ahaan AIPAC, oo malaayiin doollar ku bixisay ololihii looga soo horjeeday xilligii doorashada hordhaca ah ee xisbiga Dimuqraadiga, xataa Trump ayaa si cad uga soo horjeestay oo khudbad kasta ku dhaleeceyn jiray.
El-Sayed ayaa haddana ku guuleystay inuu noqdo musharraxa xisbiga, ka dib markii uu ka adkaaday musharraxa Jamhuuriga ee Mike Rogers doorashadii guud.
Natiijadani waxay cashar siyaasadeed u tahay kooxaha lacagta badan ku bixiya saameynta doorashooyinka Mareykanka. Waxay sidoo kale muujinaysaa in taageerada aan shuruudda lahayn ee siyaasadaha Israa’iil ay noqotay arrin si weyn looga doodo gudaha Mareykanka. Sidaas darteed, doorashadan waxaa isku mar ka dhashay laba natiijo oo culus,Trump oo lumiyay aqlabiyaddii Congress-ka iyo kooxaha u ololeeya siyaasadaha Israa’iil oo wajahaya guuldarrooyin siyaasadeed.
Maxay ani uga dhigan tahay Trump?
Labada sano ee u harsan muddo xileedkiisa, Trump wuxuu wajahayaa caqabad ka weyn tii hore. Dimuqraadiyiintu waxay awood u yeelanayaan inay hor istaagaan sharciyada uu doonayo, baaritaanno ku sameeyaan maamulkiisa, isla markaana adkeeyaan ansixinta dadka uu u magacaabayo xilalka dawladda. Taasi macnaheedu ma aha in awoodda madaxweynaha meesha ka baxayso, balse waxay ka dhigan tahay in go’aannadiisu ay la kulmi doonaan kormeer iyo mucaaradad xooggan.
Trump, oo markii hore sheegay inuu diyaar u yahay inuu sharciyada Dimuqraadiyiintu soo jeediyaan ku hor istaago awoodda diidmada qayaxan (Veto), ayaa markii dambe sheegay inuu aqbalayo natiijada, isla markaana uu la shaqeyn doono xisbiga guuleystay.
Isagoo ka hadlaya guuldarrada xisbigiisa, wuxuu sidoo kale yiri: “Magacaygu kuma jirin warqadda codbixinta; haddii aan ku jiri lahaa, farqi weyn ayaan ku guuleysan lahayn.” Kadibna wuxuu bartiisa bulshada ku qoray erayga “VETO”.
Doorashadani waxay Trump xusuusisay in awoodda madaxweynaha Mareykanka aysan ka dhignayn inuu haysto taageero aan dhammaanayn. Shacabka ayaa codkooda ku muujiyay in siyaasaddiisa iyo habka uu dalka u maamulayo lala xisaabtamo. Isla doorashadan ayay Soomaalida iyo Muslimiintu ku gaareen guulo taariikhi ah, halka kooxaha u ololeeya taageerada Israa’iil ay la kulmeen natiijooyin siyaasadeed oo aanay jeclaysan.
Waa isbeddel weyn oo saameyn ku yeelan kara siyaasadda gudaha Mareykanka iyo go’aannadiisa caalamiga ah, gaar ahaan dagaalka Iiraan, dhaqaalaha iyo xiriirka xulafada. Labada sano ee soo socda waxay noqon doonaan xilli Trump uu ku qasbanaan doono inuu la macaamilo Congress-ka aan xisbigiisu gacanta ku hayn.
W/Q Iman Jama
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka ayaa keentay in Dimuqraadiyiintu la wareegaan aqlabiyadda labada aqal ee Congress-ka, taasoo horseedday dhabar-jab siyaasadeed oo weyn oo ku dhacay Trump.
Qodobada muhiimka ah
- Dimuqraadiyiintu waxay la wareegeen aqlabiyadda labada aqal ee Congress-ka.
- Ilhaan Cumar ayaa dib ugu guuleysatay kursiga Aqalka Wakiillada ee degmada 5-aad.
- Abdul El-Sayed ayaa ku guuleystay kursiga Senate-ka ee gobolka Michigan, isagoo noqday qofkii ugu horreeyay ee Muslim ah ee loo doorto Aqalka Senate-ka Mareykanka.
- Natiijadani waxay ka dhigan tahay in Xisbiga Jamhuuriga ee Trump uu luminayo awooddii uu ku maamuli lahaa labada aqal.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha Trump ama Xisbiga Jamhuuriga ee ku saabsan natiijooyinka doorashada.
- Eedeymaha ku saabsan saameynta natiijooyinka doorashadu waxay ku saleysan yihiin fasiraadda maqaalka.
- Xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan natiijooyinka doorashada lama bixiyo.
Gunaanadka akhristaha
Doorashada xilliga dhexe waxay dib u habeyn ku sameysay muuqaalka siyaasadeed ee Mareykanka, iyadoo caqabado cusub u horseedday ajendaha Trump.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin siyaasadaha gaarka ah ee Dimuqraadiyiintu mudnaanta siin doonaan iyadoo ay haystaan aqlabiyadda cusub?
- Sidee ayuu Trump uga jawaabi doonaa dhabar-jabka siyaasadeed?
- Maxay natiijooyinkan doorashada saameyn ku yeelan doonaan doorashooyinka mustaqbalka?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa isbeddel ku yimid awoodda siyaasadeed oo saameyn ku yeelan karta sharci dejinta iyo maamulka Mareykanka.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · doorashada · dhexe · trump
Sii akhri
- Ilhan Omar oo mar kale ku guuleysatay doorashada Aqalka Wakiillada Mareykanka
Shabelle Media
- Natiijada doorashadii Ilhaan Cumar iyo guud ahaan tii xilliga dhexe ee Mareykanka
Caasimada Online
- Taliban oo Digniin ka Soo Saartay Qorshayaasha Mareykanka ee lagu Mastaafurinayo Muwaadiniinta Afgaanistaan
Jowhar