Trump oo loo Diiday in Magaciisa Lagu Daro Xarunta Kennedy Center
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inuu qorsheynayo inuu ka laabto hoggaankiisa Xarunta Farshaxanka ee John F Kennedy, ka dib markii garsoore federaal ah uu go’aamiyay in magaciisa aanu ku qornaan karin dhismaha. Jimcihii, qoraal ka kooban 580 eray oo, uu Trump soo dhigay bartiisa loo yaqaano True Social wuxuu ku dhaleeceeyay Garsoore Christopher Cooper […]
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inuu qorsheynayo inuu ka laabto hoggaankiisa Xarunta Farshaxanka ee John F Kennedy, ka dib markii garsoore federaal ah uu go’aamiyay in magaciisa aanu ku qornaan karin dhismaha.
Jimcihii, qoraal ka kooban 580 eray oo, uu Trump soo dhigay bartiisa loo yaqaano True Social wuxuu ku dhaleeceeyay Garsoore Christopher Cooper inuu yahay mid aan taxaddar lahayn. Waxa kale oo uu xarunta fanka ee Kennedy Center dhisme muuqaal ahaan burburay oo uu isaga oo kaliyi soo celin karo.
Trump waxaa uu Garsoore Cooper ku tilmaamay Xagjir dhinaca bidixda ah, waxaana uu ku tilmaamay qof joojiyey, qof samayn lahaa faani karo. Sidaa uu ku sheegay qoraalkiisa.
Xarunta Kennedy, oo ah xarun faneed qaran oo ku taal Washington, DC, ayuu ku daray magasiisam hore xarunta magaceedu waxay ahayd( The John F. kennedy memorial center for the performing arts), markii uu ku daray magaciisa waxay noqotay ( The Donald Trump and The John F. kennedy memorial center for the performing arts), waxaana ka dhashay muran bilowgiiba.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Wargeyska Dawan
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan