Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Turkiga oo soo saaray waaran lagu xirayo Netanyahu.
Jimco 21 Augs 2026 {HMC} Turkiga ayaa maanta sheegay inuu codsan doono ogeysiis cas oo Interpol ah si loo soo xiro Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, taas oo qayb ka ah kiis dambiyeed gudaha Turkiga ah oo la xiriira weerar lagu qaaday dad u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha oo doonayay inay gargaar bani’aadamnimo gaarsiiyaan Gaza. Turkiga […] The post Turkiga oo

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Jimco 21 Augs 2026 {HMC} Turkiga ayaa maanta sheegay inuu codsan doono ogeysiis cas oo Interpol ah si loo soo xiro Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, taas oo qayb ka ah kiis dambiyeed gudaha Turkiga ah oo la xiriira weerar lagu qaaday dad u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha oo doonayay inay gargaar bani’aadamnimo gaarsiiyaan Gaza.
Turkiga oo xubin ka ah NATO ayaa ka mid ah dalalka sida weyn u dhaleeceeya duqeymaha iyo howlgallada Israa’iil ee Gaza, waxaana horey uu waaranno gudaha ah uga soo saaray Netanyahu sababo la xiriira dagaalka halkaas ka socda.
Ankara ayaa marar badan ku baaqday in tallaabooyin caalami ah laga qaado Israa’iil, iyadoo ku eedeysay inay ku xadgudubtay xuquuqda aadanaha iyo sharciga caalamiga ah. Israa’iil ayaa beenisay eedeymahaas.
Bishii May, ciidamada Israa’iil ayaa rasaas ku furay ugu yaraan laba dooni oo ka tirsanaa Global Sumud Flotilla, kuwaas oo ku sii jeeday Gaza, xilli ay mar kale isku dayayeen inay gargaar gaarsiiyaan dhulkaas, kadib markii Israa’iil ay horey u dhexgashay oo u joojisay howlgallo kale oo ka dhacay biyaha caalamiga ah.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Hiiraanweyn
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.