Topic
Warkasta is tracking turkiga across 11 reports from 6 sources. Recent coverage touches soomaaliya, arrimaha, and baarlamaanka, each linked to its original source with side-by-side comparison where outlets differ.

Okt 26 (Jowhar)-Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar Gen. Khaalid, ayaa magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga kulan kula yeeshay dhiggiisa, Taliyaha Ciidanka Dhulka Jamhuuriyadda Turkiga, Gen. Metin Tokel. Labada taliye ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada ciidan, iyo kor u qaadista cududda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliy

Madaxweynihii hore ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa dowladda Turkiga ugu baaqay inay si degdeg ah u joojiso dhammaan hawlgallada cirka ee uu ku eedeeyay inay ka dhan yihiin dadka rayidka ah ee ku sugan deegaannada Koonfur Galbeed, isla markaana ay ixtiraamto madax-bannaanida Soomaaliya. War-saxaafadeed uu soo saaray Laftagareen ayaa…

Dowladda Turkiga ayaa shaacisay inay sannadka 2027 kordhin doonto tababarrada ciidamada Soomaaliya, si ay awood dheeraad ah ugu yeeshaan sugidda amniga dalka, ulana wareegaan mas’uuliyadda amniga guud ee Soomaaliya. Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa sheegtay in iskaashiga difaac ee labada dal uu dhigayo in Ankara ay tababarto oo qalabeyso ciidamada Soomaaliyeed, ku

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Xasan Aadan, ayaa xarunta wasaaradda ku qaabilay Danjire Ferhat Alkan, Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya. Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada kalluumaysiga, dhaqaalaha buluugga ah iyo horumarinta ka faa’iida

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Xasan Aadan, ayaa kulan la yeeshay Danjiraha cusub ee Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Ferhat…

Soomaaliya, Turkiga, Masar iyo 16 dal oo kale ayaa si wadajir ah u cambaareeyay go’aanka dowladda Colombia ay safaaraddeeda Israa’iil ugu wareejisay magaalada Qudus. Dalalkan ayaa Bogotá ugu baaqay inay dib uga laabato tallaabadaas, iyaga oo ku dooday inay ka hor imanayso qaraarrada Qaramada Midoobay. Mowqifkan ayaa yimid kaddib markii Colombia…

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay inuu dhawaan baarlamaanka dalkiisa horgeyn doono heshiiska iskaashiga difaaca ee Turkiga la galay Sacuudiga iyo Pakistan, kaas oo lagu magacaabo heshiiska Makka. Erdogan ayaa sheegay in heshiiskani uu ka mid yahay heshiisyada muhiimka u ah dalkiisa, sidaas darteedna uu doonayo in baarlamaanku sida ugu…

Istanbul, Turkiga – Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Macallin Maxamuud, ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kulan gaar ah kula yeeshay dhiggiisa Turkiga, Wasiirka Caddaaladda Akın Gürlek. Kulanka ayaa ka dhacay intii uu Wasiir Xasan Macallin Maxamuud ku sugnaa Istanbul, halkaas oo uu kaga qaybgalayo Shirweynaha Caalamiga ah ee…

Guutada 2-aad ee Kumaandooska dalka Turkiga iyo Guutada Kumaandooska Gorgor ee Soomaaliya, ayaa intii u dhaxaysay 16-kii illaa 18-kii Sebtembar 2026, si wadajir ah u sameeyay dhoollatus dhanka dhulka ah iyo tababar socod ciidan oo ka dhacay dhul buuraley ah. Tababarkan milateri ayaa diiradda lagu saaray xoojinta adkaysiga ciidamada, isku-dubaridka…

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay danjireyaasha cusub ee Turkiga Ferhat Alkan… Sii akhri
Ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa Muqdisho ku qaabilay waraaqaha aqoonsiga ee Ferhat Alkan, Safiirka cusub ee Turkiga u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.