Uganda oo beenisay warar la faafiyey xiili ay ciidamadeeda kala baxeyso Soomaaliya
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiDowladda Uganda ayaa beenisay warar sheegaya in dhowr askari oo ka tirsan ciidamadeeda lagu dilay weerar ka dhacay Soomaaliya xilli ay ka baxayeen gobolka Shabeellaha Hoose.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Dennis Katungi, ku-xigeenka agaasimaha fulinta ee Xarunta Warbaahinta Uganda, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Kampala ku sheegay in wararkaasi ay yihiin been ay faafinayaan maleeshiyada Al-Shabaab.
- “Ciidamada Difaaca Shacabka Uganda waxay beeniyeen wararka internetka lagu faafiyey ee sheegaya in ciidamadooda lagu weeraray Soomaaliya, askarna laga dilay,” ayuu yiri Katungi.
- Wararka ay Uganda beenisay ayaa sheegayey in dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay jidka u galeen kolonyo ay la socdeen ciidamo Uganda u dhashay oo ka baxayey gobolka Shabeellaha Hoose.
- Sida lagu sheegay wararkaasi, weerarka waxaa lagu dilay 10 illaa 11 askari oo ka tirsanaa ciidamada Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM).
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa bixitaanka milatari ee socda ee ciidamada Uganda ee Soomaaliya iyo saamaynta ay ku yeelan karto ammaanka gobolka.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin ilaha sheegashada khasaare?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Dowladda Uganda ayaa beenisay warar sheegaya in dhowr askari oo ka tirsan ciidamadeeda lagu dilay weerar ka dhacay Soomaaliya.
- Dennis Katungi ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin been ay faafinayaan maleeshiyada Al-Shabaab.
- Wararka ayaa sheegayey in dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay jidka u galeen kolonyo ay la socdeen ciidamo Uganda u dhashay oo ka baxayey gobolka Shabeellaha Hoose.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Kampala (Caasimada Online) – Dowladda Uganda ayaa Jimcihii beenisay warar lagu faafiyey baraha internetka oo sheegayey in dhowr askari oo ka tirsan ciidamadeeda lagu dilay weerar ka dhacay Soomaaliya, xilli ay ka baxayeen Shabeellaha Hoose.
Dennis Katungi, ku-xigeenka agaasimaha fulinta ee Xarunta Warbaahinta Uganda, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Kampala ku sheegay in wararkaasi ay yihiin been ay faafinayaan maleeshiyada Al-Shabaab.
“Ciidamada Difaaca Shacabka Uganda waxay beeniyeen wararka internetka lagu faafiyey ee sheegaya in ciidamadooda lagu weeraray Soomaaliya, askarna laga dilay,” ayuu yiri Katungi.
Wararka ay Uganda beenisay ayaa sheegayey in dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay jidka u galeen kolonyo ay la socdeen ciidamo Uganda u dhashay oo ka baxayey gobolka Shabeellaha Hoose.
Sida lagu sheegay wararkaasi, weerarka waxaa lagu dilay 10 illaa 11 askari oo ka tirsanaa ciidamada Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM).
Uganda ma aysan shaacin wax khasaare ah, waxayna sheegashada weerarka ku tilmaantay war been-abuur ah oo Al-Shabaab ay internetka ku faafisay.
Bixitaanka ciidamada Uganda
Diidmada Kampala ayaa ku soo aadeysa xilli ay socdaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo la xiriira qorshaha Uganda ay ciidamadeeda ugala baxeyso Soomaaliya, arrintaas oo dhalisay walaac ku saabsan ammaanka deegaannada laga wareejinayo.
Ciidamada Uganda ee Soomaaliya jooga waxay ku kala howlgalaan laba hannaan. Qaar waxaa lagu geeyey heshiis laba geesood ah oo u dhexeeya Kampala iyo Muqdisho, halka kuwa kale ay ka tirsan yihiin howlgalka AUSSOM.
Bixitaanka degdegga ah ee Uganda billowday horraantii bishan wuxuu marka hore khuseeyaa ciidamada ku jooga heshiiska labada dowladood. Ciidamada Uganda ayaa sheegay in kooxdii ugu horreysay ay Uganda dib ugu laabatay, halka bixitaanka ciidamada ku jira AUSSOM loo fulin doono si tartiib-tartiib ah ilaa dhammaadka 2027.
Jadwalka Uganda wuxuu ka horreeyaa qorshaha guud ee AUSSOM, oo dhigaya in howlgalka oo dhan si kama dambeys ah uga baxo Soomaaliya bisha December 2029, iyadoo waqtiga bixitaanka lagu xirayo xaaladda amni ee dalka.
Uganda waxay AUSSOM ku leedahay qiyaastii 4,500 oo askari, waana dalka ciidamada ugu badan ku biiriya howlgalka. Ciidamadeeda ayaa muddo dheer ka howlgala Banaadir iyo Shabeellaha Hoose, iyagoo taageera ciidamada Soomaaliya, isla markaana ilaaliya goobo iyo waddooyin istiraatiiji ah.
Wakaaladda wararka Reuters ayaa horraantii bishan sheegtay in warqad ay AUSSOM u dirtay Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ay uga digtay in bixitaanka ciidamada Uganda uu qeybo ka mid ah Shabeellaha Hoose u nugleyn karo weerarrada Al-Shabaab.
Uganda waxay ciidamadeedii ugu horreeyey geysay Soomaaliya bishii Maarso 2007, xilligaas oo ay noqotay dalkii ugu horreeyey ee Afrikaan ah ee ciidan ku biiriya howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.
Ciidamada Uganda ayaa tan iyo xilligaas kaalin weyn ka qaatay dagaalladii Al-Shabaab looga saaray Muqdisho iyo deegaanno kale, iyagoo sidoo kale ilaalinayey xarumo muhiim ah. Howlgalka AMISOM ayaa markii dambe isu beddelay ATMIS, ka hor inta uusan AUSSOM billowgin howshiisa Janaayo 2025.
Uganda ayaa sheegtay in marka bixitaanku dhammaado ay soo afjarmi doonto ku dhowaad labaatan sano oo ay Soomaaliya ka waday howlgallo nabad-ilaalin iyo xasillineed, iyadoo mas’uuliyadda amniga si buuxda loogu wareejinayo ciidamada Soomaaliya.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Dowladda Uganda ayaa beenisay warar sheegaya in dhowr askari oo ka tirsan ciidamadeeda lagu dilay weerar ka dhacay Soomaaliya xilli ay ka baxayeen gobolka Shabeellaha Hoose.
Qodobada muhiimka ah
- Dowladda Uganda ayaa beenisay warar sheegaya in dhowr askari oo ka tirsan ciidamadeeda lagu dilay weerar ka dhacay Soomaaliya.
- Dennis Katungi ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin been ay faafinayaan maleeshiyada Al-Shabaab.
- Wararka ayaa sheegayey in dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay jidka u galeen kolonyo ay la socdeen ciidamo Uganda u dhashay oo ka baxayey gobolka Shabeellaha Hoose.
- Uganda waxay AUSSOM ku leedahay qiyaastii 4,500 oo askari.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay bayaanno ka yimid dowladda Uganda iyo Dennis Katungi.
- Tirada khasaare ee la sheegay ma ahan mid madax-bannaan oo la xaqiijiyay.
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha Al-Shabaab ama dhinacyada kale.
Gunaanadka akhristaha
Dowladda Uganda ayaa beenisay sheegashada khasaare askar ah oo ka dhacay Soomaaliya xilli ay ciidamadeeda ka baxayaan.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin ilaha sheegashada khasaare?
- Sidee ayuu bixitaanka Uganda u saameyn doonaa ammaanka deegaannada la xiriira?
- Maxay yihiin tallaabooyinka la qaadayo si loo hubiyo badbaadada ciidamada Uganda inta lagu jiro bixitaankooda?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa bixitaanka milatari ee socda ee ciidamada Uganda ee Soomaaliya iyo saamaynta ay ku yeelan karto ammaanka gobolka.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · soomaaliya · uganda · warar
Sii akhri
- Turkiga oo ka hadlay 15,000 askari oo la sheegay in uu usoo dirayo Soomaaliya
Caasimada Online
- Villa Soomaaliya oo sheegtay in ay socdaan xiriirrada dhinacyada lagu casuumay Gogosha Wadatashiga Qaran
Shabelle Media
- Soomaaliya iyo Guddiga Midowga Afrika oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga
Shabelle Media