Uganda oo Soomaaliya u soo dirtay ciidamo cusub xilli ay shalay la baxday ciidan kale
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiUganda ayaa ciidamo cusub u dirtay Soomaaliya oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), iyadoo beddelaysa cutubkii 45-aad.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Kahor inta aan ciidamadan loo soo dirin Soomaaliya, waxaa la siiyay tababar ku saabsan anshaxa ciidanka, ilaalinta shuruucda milatariga iyo u hoggaansanaanta xeerarka caalamiga ah ee khuseeya howlgalka.
- Ciidamada ay soo dirtay Uganda oo ah qaybta 48-aad (Battle Group 48) ayaa beddelaya cutubkii 45-aad, kaas oo soo dhammaystay muddadii loogu talagalay inuu ka howlgalo gudaha Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Difaaca Uganda.
- Sarreeye Guuto Felix Busizoori, oo ah Taliye ku-xigeenka Ciidanka Dhulka ee Uganda ayaa khudbad uu u jeediyay ciidamada cusub ugu baaqay inay si hufan u gutaan waajibaadka loo igmaday, kana fogaadaan fal kasta oo dhaawici kara sharaftooda ama ka hor imaan kara shuruucda iyo heshiisyada labada dal.
- Sidoo kale, wuxuu bogaadiyay ciidamadii ka horreeyay ee qaybta 45-aad, isaga oo xusay dadaalkii ay muujiyeen muddadii ay Soomaaliya ka howlgaleen, wuxuuna ciidamada cusub ee qaybta 48-aad kula dardaarmay inay muujiyaan isla heerkaas anshax, dadaal iyo masuuliyad.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin doorka gaarka ah ee ciidamadan cusub ka qaban doonaan Soomaaliya?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Uganda ayaa ciidamo cusub u dirtay Soomaaliya oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).
- Ciidamada cusub ayaa beddelaya cutubkii 45-aad, kaas oo soo dhammaystay muddadii loogu talagalay inuu ka howlgalo gudaha Soomaaliya.
- Shalay dowladda Uganda ay Soomaaliya kala baxday 109 askari oo ka tirsan ciidamadeeda.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Uganda ayaa ciidamo cusub oo ka tirsan milatarigeeda usoo dirtay Soomaaliya, kuwaas oo ka qayb-qaadan doona howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaano (AUSSOM).
Kahor inta aan ciidamadan loo soo dirin Soomaaliya, waxaa la siiyay tababar ku saabsan anshaxa ciidanka, ilaalinta shuruucda milatariga iyo u hoggaansanaanta xeerarka caalamiga ah ee khuseeya howlgalka.
Ciidamada ay soo dirtay Uganda oo ah qaybta 48-aad (Battle Group 48) ayaa beddelaya cutubkii 45-aad, kaas oo soo dhammaystay muddadii loogu talagalay inuu ka howlgalo gudaha Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Difaaca Uganda.
Sarreeye Guuto Felix Busizoori, oo ah Taliye ku-xigeenka Ciidanka Dhulka ee Uganda ayaa khudbad uu u jeediyay ciidamada cusub ugu baaqay inay si hufan u gutaan waajibaadka loo igmaday, kana fogaadaan fal kasta oo dhaawici kara sharaftooda ama ka hor imaan kara shuruucda iyo heshiisyada labada dal.
Sidoo kale, wuxuu bogaadiyay ciidamadii ka horreeyay ee qaybta 45-aad, isaga oo xusay dadaalkii ay muujiyeen muddadii ay Soomaaliya ka howlgaleen, wuxuuna ciidamada cusub ee qaybta 48-aad kula dardaarmay inay muujiyaan isla heerkaas anshax, dadaal iyo masuuliyad.
Tallaabadan ayaa imaaneyso, iyada oo shalay dowladda Uganda ay Soomaaliya kala baxday 109 askari oo ka tirsan ciidamadeeda, taas oo timid xilli dhawaan Madaxweyne Yuweri Musaveni uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u sheegay in dalkiisu qayb ka mid ah ciidamadiisa kala baxayo Soomaaliya ugu dambayn 15-ka November ee sanadkan 2026-ka.
Arrintan ayaa sidoo kale ku soo beegmeysa iyadoo howlgalka taageerada iyo xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) uu haatan wajahayo dhaqaale-yaraan iyo hubanti la’aan ku saabsan taageerada caalamiga ah ee uu ku tiirsan yahay.
Si kastaba, Uganda ayaa sannadkii 2007 noqotay dalkii ugu horreeyey ee ciidamo u dira Soomaaliya, iyagoo qeyb ka ahaa howlgalkii Midowga Afrika ee AMISOM. Ciidamada Uganda ayaa tan iyo markaas ciidamada Soomaaliyeed kala qeyb qaatay dagaallada Al-Shabaab, la wareegidda deegaanno muhiim ah iyo ilaalinta xarumaha dowladda.
AMISOM waxaa sannadkii 2022 beddelay ATMIS, kaas oo isna uu 1-dii Janaayo 2025 beddelay AUSSOM. Howlgalka hadda jira ayaa diiradda saaraya taageeridda ciidamada Soomaaliyeed, xasillinta dalka iyo in mas’uuliyadda amniga si tartiib ah loogu wareejiyo hay’adaha amniga Soomaaliya.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Uganda ayaa ciidamo cusub u dirtay Soomaaliya oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), iyadoo beddelaysa cutubkii 45-aad. Tani waxay ku xigtaa kala bixitaanka 109 askari oo ka tirsan ciidanka Uganda shalay.
Qodobada muhiimka ah
- Uganda ayaa ciidamo cusub u dirtay Soomaaliya oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).
- Ciidamada cusub ayaa beddelaya cutubkii 45-aad, kaas oo soo dhammaystay muddadii loogu talagalay inuu ka howlgalo gudaha Soomaaliya.
- Shalay dowladda Uganda ay Soomaaliya kala baxday 109 askari oo ka tirsan ciidamadeeda.
- Uganda ayaa sannadkii 2007 noqotay dalkii ugu horreeyey ee ciidamo u dira Soomaaliya, iyagoo qeyb ka ahaa howlgalkii Midowga Afrika ee AMISOM.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan tirada ciidanka ama faahfaahinta kala bixitaanka.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka timid dowladda Soomaaliya oo ku saabsan dirista ciidanka.
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay bayaanno ka soo baxay mas'uuliyiinta milatariga Uganda iyada oo aan la helin xaqiijin dibadda ah.
Gunaanadka akhristaha
Uganda waxay sii wadaysaa inay door muhiim ah ka ciyaarto xaaladaha amniga Soomaaliya iyada oo loo marayo dirista ciidankeeda.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin doorka gaarka ah ee ciidamadan cusub ka qaban doonaan Soomaaliya?
- Sidee bay kala bixitaanka ciidanka Uganda u saameyn doontaa xaaladda amniga Soomaaliya?
- Maxay yihiin cawaaqibka ka dhasha caqabadaha dhaqaale ee haysta AUSSOM?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · diplomacy · diplomacy · soomaaliya · soo
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada