Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Ugu yaraan 3 qof oo ku dhintay daadad ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay dalka Ghana
Accra, Ghana – Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay kadib markii roobab mahiigaan ah ay sababeen daadad xooggan oo saameeyay qaybo badan oo ka tirsan caasimadda Ghana ee Accra. Kooxaha gurmadka degdegga ah ayaa isticmaalay doomo si ay u badbaadiyaan dadka deegaanka, oo ay ku jireen ugu yaraan 15 carruur ah iyo ilmo […]

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Accra, Ghana – Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay kadib markii roobab mahiigaan ah ay sababeen daadad xooggan oo saameeyay qaybo badan oo ka tirsan caasimadda Ghana ee Accra.
Kooxaha gurmadka degdegga ah ayaa isticmaalay doomo si ay u badbaadiyaan dadka deegaanka, oo ay ku jireen ugu yaraan 15 carruur ah iyo ilmo yar, kadib markii biyaha fatahaadda ay qariyeen guryo, waddooyin iyo gaadiid.
Maamulka ayaa sheegay in hal nin uu ku qaraqmay degmada Alajo, halka laba qof oo kale ay ku dhinteen kadib markii ay koronto ku haleeshay guri ay biyuhu galeen, iyadoo fiilooyin koronto ah ay la kulmeen biyaha fatahaadda.
Dowladda Ghana ayaa ku boorisay dadka shacabka ah inay ka fogaadaan safarka aan muhiimka ahayn, iyadoo ciidanka booliska, dab-damiska iyo militarigu ay wadaan howlaha samatabbixinta.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.