UNTMIS Oo Ka Hadashay Fashilka Wadahadalladii Siyaasadeed Ee Muqdisho
Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNTMIS ayaa war kasoo saaray wadahadalladii siyaasadeed ee Muqdisho ka socday intii u dhaxeysay 13–15 May, kuwaas oo u dhexeeyay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya…
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNTMIS ayaa war kasoo saaray wadahadalladii siyaasadeed ee Muqdisho ka socday intii u dhaxeysay 13–15 May, kuwaas oo u dhexeeyay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka.
UNTMIS ayaa ugu horrayn soo dhaweysay dib u bilaabista wadahadallada, iyadoo dhinacyada ku ammaantay inay miiska wada hadalka kusoo laabtaan, isla markaana uga mahadcelisay saaxiibbada caalamiga ah kaalintii ay ka qaateen fududeynta kulamadaasi.
Si kastaba, QM ayaa sheegtay inay ka xun tahay in kulamadii mar kale kusoo dhammaadeen iyada oo aan xal laga gaarin khilaafaadyadii taagnaa, gaar ahaan arrimaha la xiriira hannaanka doorashooyinka iyo jihada siyaasadeed ee dalka.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in bahda Qaramada Midoobay ay dhiirrigelinayso sida ay dhinacyadu u muujiyeen rabitaanka sii wadista wadahadalka iyo raadinta xal siyaasadeed oo lagu wada qanci karo.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan