Ururka EAC oo shaaca ka qaaday xillga la bixinayo baasaboorka Soomaaliya
Waxa dhacay
Hal il · Caasimada Online
Ururka EAC ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya qorsheyneyso inay bisha Janaayo ee sanadka 2027 billowdo bixinta baasaboorka elektaroonigga ah.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Go’aan la gaaraySoomaaliya ayaa noqotay xubinta siddeedaad ee ururka bishii Maarso 2024, kaddib markii hoggaamiyeyaasha gobolku ay ansixiyeen ku biiritaankeeda bishii November 2023.
- Cidda ay saamaysayWuxuu sidoo kale xusay in isu-socodka furfuran uu taageero isweydaarsiga khibradaha xirfadeed, isla markaana uu xoojiyo xiriirka qoysaska iyo bulshada.
- Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa Khamiistii—oo ahayd maalintii ugu dambeysay ee shir saddex maalmood uga socday Kampala madaxda socdaalka ee EAC—u sheegay dhiggooda gobolka in la soo gabagabeeyay daabacaadda baasaboorkan.
- Hay’adaha dowladda ayaa dukumiintigan ku xiri doona nidaamka aqoonsiga qaranka ee Soomaaliya, iyadoo EAC ay filayso in safaaradaha Soomaaliya ee dibadda ay iyaguna billaabaan bixintiisa.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin astaamaha gaarka ah ee baasaboorka elektaroonigga ah ee cusub?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Soomaaliya ayaa qorsheyneysa inay bisha Janaayo ee sanadka 2027 billowdo bixinta baasaboorka elektaroonigga ah.
- Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa inay dukumiintigan ku xiri doonto nidaamka aqoonsiga qaranka.
- Baasaboorkan cusub ayaa isku daraya teknoolajiyad casri ah iyo astaamo amni oo la xoojiyay.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Kampala (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa qorsheyneysa inay bisha Janaayo ee sanadka 2027 billowdo bixinta baasaboorka elektaroonigga ah ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), sida uu ururku ku dhawaaqay Jimcihii.
Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa Khamiistii—oo ahayd maalintii ugu dambeysay ee shir saddex maalmood uga socday Kampala madaxda socdaalka ee EAC—u sheegay dhiggooda gobolka in la soo gabagabeeyay daabacaadda baasaboorkan.
Hay’adaha dowladda ayaa dukumiintigan ku xiri doona nidaamka aqoonsiga qaranka ee Soomaaliya, iyadoo EAC ay filayso in safaaradaha Soomaaliya ee dibadda ay iyaguna billaabaan bixintiisa.
Xogheynta EAC, oo fadhigeedu yahay magaalada Arusha ee dalka Tanzania, ayaa sheegtay in tallaabadani ay gacan ka geysan doonto dhaqangelinta ballanqaadyada dalalka siddeedda ah ee ku aaddan isu-socodka xorta ah.
Intii uu shirku socday, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (ICA), Xuseen Qaasim Yuusuf, ayaa madaxda gobolka u soo bandhigay baasaboorka elektaroonigga ah ee jiilka saddexaad ee dalka.
Hay’adda ayaa sheegtay in dokumiintigan uu isku darayo teknoolajiyad casri ah iyo astaamo amni oo la xoojiyay, isagoo leh naqshad ka tarjumeysa aqoonsiga qaranka, dhaxalka iyo dhaqanka Soomaaliya.
“Soomaaliya, oo ah dalka ugu dambeeyay ee ku soo biiray ururka, waxay sharaf u tahay inay si buuxda uga fariisato miiskan,” ayuu Yuusuf u sheegay ergada.
“Waxaan shirkan u nimid annagoo ogsoon in socdaalku uu xuddun u yahay is-dhexgalka. Muwaadiniinteennu waxay EAC ku qiimeynayaan si fudud, ammaan ah, ee la isku halleyn karo oo ay ugu dhex safri karaan, uga shaqeysan karaan, uguna noolaan karaan xuduudaheenna,” ayuu raaciyay.
Kaararka aqoonsiga iyo hubinta xuduudaha
Xuseen Qaasim wuxuu sheegay in diyaargarowga Soomaaliya uu muujinayo sida ay dowladda federaalka uga go’an tahay inay si tartiib-tartiib ah nidaamyadeeda socdaalka iyo aqoonsiga u waafajiso xeerarka EAC.
“Soomaaliya waxay dhiseysaa hal silsilad aqoonsi oo la xaqiijin karo, taasoo ka bilaabaneysa diiwaangelinta madaniga ah, u gudbeysa Kaarka Aqoonsiga Qaranka—oo hadda shardi u ah baasaboorka—kaddibna baasaboorka elektaroonigga ah ee waafaqsan heerka ICAO isla markaana wata astaanta EAC, ugu dambeyntiina ku xirmaya nidaamyada xuduudaheenna,” ayuu yiri, isagoo tixraacaya heerarka ay dejisay Hay’adda Duulista Rayidka ee Caalamiga ah (ICAO).
“Tani waa habka aan u qorsheyneyno inaan ku gaarno isu-socodka xorta ah ee EAC oo ah mid fudud isla markaana ammaan ah,” ayuu intaas ku daray.
Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa bishii Agoosto dib u eegis ku sameeyay horumarka laga gaaray baasaboorka jiilka saddexaad ee polycarbonate, taasoo qeyb ka ah dadaallada lagu adkeynayo amniga dukumiintiyada socdaalka.
Tallaabadan ayaa ku dhisan qorshaha ballaaran ee Muqdisho ay ku dooneyso inay socdaalka ku xirto diiwaangelinta bayomitrikga (biometric). Hay’adda Socdaalka ayaa horey u shaacisay in kaarka aqoonsiga qaranka uu shardi u noqon doono codsashada baasaboorka laga bilaabo bishii September 2025.
Bishii Oktoobar 2026, dowladda federaalka ayaa hubinta aqoonsiga ku ballaarisay duulimaadyada gudaha, iyadoo muwaadiniinta u kala safraya gobollada dalka laga doonayay inay soo bandhigaan kaarka aqoonsiga qaranka ama shahaado aqoonsi.
Bishii September, Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka Soomaaliya (NIRA) ayaa sheegtay inay diiwaangelisay in ka badan 1.5 milyan oo muwaadin, ayna dhistay 59 xarumood oo diiwaangelin ah, 17 kooxood oo wareega iyo 31 xarumood oo laga furay safaaradaha Soomaaliya ee dibadda.
Hase yeeshee, adeegyada diiwaangelinta ayaan weli laga heli karin Puntland iyo dhowr meelood oo kale markii uu dhaqangalay xeerka socdaalka bishii Oktoobar.
Isu-socodka iyo amniga xuduudaha
Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee EAC, Andrea Ariik Malueth, oo u qaabilsan waaxyaha kaabayaasha, wax-soo-saarka, bulshada iyo siyaasadda, ayaa tallaabada Soomaaliya ku tilmaamay mid muhiim u ah isdhexgalkeeda ururka.
“Ka sokow dokumiintiga laftiisa, tani waxay ku saabsan tahay sidii muwaadiniinteennu ay isugu soo dhowaan lahaayeen, loo fududeyn lahaa isu-socodka ganacsiga, shaqada iyo fursadaha kale, loona hubin lahaa in faa’iidooyinka isdhexgalka laga dareemo nolol-maalmeedka dadka,” ayuu yiri Ariik.
Wuxuu sidoo kale xusay in isu-socodka furfuran uu taageero isweydaarsiga khibradaha xirfadeed, isla markaana uu xoojiyo xiriirka qoysaska iyo bulshada. Wuxuu intaas ku daray in hay’adaha socdaalka ay tahay inay fududeeyaan socdaalka sharciga ah iyagoo ilaalinaya amniga iyo bedqabka xuduudaha gobolka.
Guddoomiyaha shirka, Marcelino Bwesigye, oo ah ku-simaha komishaneerka arrimaha ajaanibta iyo maareynta xuduudaha ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Uganda, ayaa soo dhaweeyay horumarka Soomaaliya.
“Baasaboorka elektaroonigga ah ee Bariga Afrika ma aha oo keliya dukumiinti socdaal oo ammaan ah, balse waa astaan muujineysa aqoonsigeenna goboleed ee aan wadaagno,” ayuu yiri Bwesigye.
“Diiraddeennu waa inay ahaataa sidii loo hubin lahaa in ballanqaadyada aan ku sameyno heer gobol ay isu beddelaan isu-socod u fudud, u ammaan ah, una hufan shacabka Bariga Afrika,” ayuu raaciyay.
Madaxda socdaalka ee gobolka ayaa ballanqaaday inay sii wadi doonaan taageerada ay siinayaan Soomaaliya inta ay dhaqangelineyso shuruudaha socdaalka ee EAC.
Xeerarka socdaalka ee gobolka
EAC ayaa baasaboorka elektaroonigga ah daahfurtay sanadkii 2016, iyadoo Kenya ay noqotay dalkii ugu horreeyay ee bixiya sanadkii xigay. Dal kasta oo bixiya wuxuu adeegsadaa naqshad mideysan, iyadoo jaldiga sare ay ku qoran yihiin magaca dalka iyo kan ururka. Waxaa ku dhex jira qalab yar (chip) oo lagu kaydiyo xogta shaqsiga iyo sawirka dijitaalka ah ee qofka safraya.
Sida ku cad xeerarka EAC, baasaboorrada caadiga ah waxay shaqeyn karaan ilaa 10 sano, waana inay noqdaan kuwo qiimahoodu jaban yahay oo ay muwaadiniintu si fudud ku heli karaan.
Burundi, Kenya, Rwanda, Tanzania iyo Uganda ayaa horey u bixiya baasaboorkan. Koonfurta Suudaan ayaa iyaduna shirka u sheegtay inay qaadday tallaabooyin ay ku billaabeyso bixintiisa kaddib markii ay heshiiska EAC ku dartay sharciga dalkeeda, halka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo (DRC) ay sidoo kale isu diyaarineyso inay soo saarto, sida uu ururku sheegay.
Soomaaliya ayaa noqotay xubinta siddeedaad ee ururka bishii Maarso 2024, kaddib markii hoggaamiyeyaasha gobolku ay ansixiyeen ku biiritaankeeda bishii November 2023.
Madaxda socdaalka ayaa shirka ku eegay arrimaha fiiso la’aanta, adeegsiga kaararka aqoonsiga elektaroonigga ah sida dokumiinti socdaal, iyo qorshayaasha lagu mideynayo nidaamyada iyo khidmadaha gelitaanka, shaqada iyo deggenaanshaha.
Hay’adda Socdaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in wadahadalladu ay sidoo kale diiradda saareen casriyeynta adeegyada socdaalka iyo dhaqangelinta go’aannada Golaha Wasiirrada ee EAC.
Shirka ayaa lagu soo dhaweeyay horumarka laga gaaray bixinta kaararka aqoonsiga elektaroonigga ah ee dalalka Kenya, Rwanda, Uganda, Soomaaliya, Koonfurta Suudaan iyo Tanzania, iyadoo lagu baaqay in la dejiyo heerar mideysan.
Yuusuf wuxuu sheegay in Soomaaliya ay soo bandhigtay kaar aqoonsi qaran oo ay mashiinnadu akhrin karaan (machine-readable), kaasoo loogu dhex safri karo dalalka ururka marka ay dalalka xubnaha ah dhameystiraan xeerarka khuseeya.
Sida ku cad Hab-maamuuska Suuqa Mideysan ee EAC, dalalka xubnaha ah waxay ballanqaadeen inay si tartiib-tartiib ah meesha uga saaraan caqabadaha hortaagan isu-socodka dadka, shaqaalaha iyo adeegyada. Hab-maamuusku wuxuu dhigayaa in muwaadiniinta dalalka xubnaha ah ay fiiso la’aan isugu safraan, inkastoo uu oggol yahay xayiraado la saaro sababo la xiriira siyaasadda guud, amniga ama caafimaadka.
Kenya ayaa guud ahaan dadka Soomaalida ah ee u safraya ku xirta inay helaan oggolaansho socdaal oo elektaroonig ah (eTA) ka hor inta aysan bixin. Hase yeeshee, muwaadiniinta lixda dal ee kale ee EAC ku jira waxay booqan karaan ilaa 180 maalmood iyagoon oggolaanshahaas u baahnayn.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Ururka EAC ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya qorsheyneyso inay bisha Janaayo ee sanadka 2027 billowdo bixinta baasaboorka elektaroonigga ah. Tani waxaa lagu sheegay shir saddex maalmood ah oo ay madaxda socdaalka EAC ku yeesheen Kampala.
Qodobada muhiimka ah
- Soomaaliya ayaa qorsheyneysa inay bisha Janaayo ee sanadka 2027 billowdo bixinta baasaboorka elektaroonigga ah.
- Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa inay dukumiintigan ku xiri doonto nidaamka aqoonsiga qaranka.
- Baasaboorkan cusub ayaa isku daraya teknoolajiyad casri ah iyo astaamo amni oo la xoojiyay.
- Dowladda Soomaaliya waxay ujeedadeedu tahay inay fududeyso isu-socodka xorta ah ee EAC.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha la soo bandhigay.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka yimid dhinacyada kale ee ku saabsan bixinta baasaboorka.
- Faahfaahinta ku saabsan waqtiga hirgelinta ka baxsan Janaayo 2027 lama sheegin.
Gunaanadka akhristaha
Soomaaliya ayaa qorsheyneysa inay bilowdo bixinta baasaboorka elektaroonigga ah bisha Janaayo ee sanadka 2027 si ay uga mid noqoto EAC.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin astaamaha gaarka ah ee baasaboorka elektaroonigga ah ee cusub?
- Sidee dowladda Soomaaliya u xaqiijin doontaa amniga nidaamka baasaboorka cusub?
- Maxay yihiin saameynta ay ku yeelan doonto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee safarka ku jira EAC?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · eac · baasaboorka · ururka
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Waxaa dhawaan bilaban doona bixinta baasaboorka elektaroonigga ee Bulshada Bariga Afrika (EAC)
Jowhar
- Soomaaliya oo 2027 bilaabaysa bixinta baasaboorka elektaroonigga ah ee Bulshada Bariga Afrika
Shabelle Media
- Soomaaliya ayaa bilaabi doonta bixinta baasaboorka elektarooniga ah ee EAC bisha Janaayo 2027
Shabelle Media