Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Somali National TVgeneral

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn uga xun tahay duruufihii sababay in garsooraha Soomaaliyeed ee caalamiga ah, Cumar Cartan, uu ka baaqdo ka qeybgalka tartanka kubadda cagta ee caalamiga ah ee hadda ka socda Dalalka Mareykanka, Canada, iyo Mexico. War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayay ku sheegtay […

SO
War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan
Sawir / xog muuqaal ah · Somali National TV

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ayaa ka xuntahay in garsooraha Cumar Cartan uu ka baaqday ka qeybgalka tartanka kubadda cagta ee caalamiga ah.

Maxaa la shaaciyey

  1. Garsoore Cumar Cartan ayaa la kulmay caqabado la xiriira ogolaanshaha gelida dalka Mareykanka.
  2. Wasaaradda ayaa sameysay dadaallo diblomaasiyadeed si xal loogu helo arrinta, laakiin nasiib darro ma suuragelin in xal laga gaaro.
  3. Wasaaradda waxay xaqiijineysaa taageeradeeda buuxda ee Garsoore Cumar Cartan iyo horumarintiisa xirfadeed.

Macnaha guud

Garsoore Cumar Cartan ayaa ka baaqday ka qeybgalka tartanka kubadda cagta ee ka socda Mareykanka, Canada, iyo Mexico.

Nasiib darro, inkastoo dadaalladaas xooggan la sameeyay, ma suuragelin in xal laga gaaro.

Wasiir Maxamed Faarax
Mareykanka
2026-06-09

Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay ogaadaan caqabadaha ay la kulmaan dhallinyarada Soomaaliyeed iyo taageerada loo fidinayo.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Somali National TV

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn uga xun tahay duruufihii sababay in garsooraha Soomaaliyeed ee caalamiga ah, Cumar Cartan, uu ka baaqdo ka qeybgalka tartanka kubadda cagta ee caalamiga ah ee hadda ka socda Dalalka Mareykanka, Canada, iyo Mexico.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayay ku sheegtay “kadib markii la ogaaday in Garsoore Cumar Cartan uu la kulmay caqabado la xiriira ogolaanshaha gelida dalka Mareykanka (Entry Denied), Wasaaraddu iyadoo kaashaneysa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxay sameysay dadaallo diblomaasiyadeed iyo wada-xaajood ballaaran oo lala yeeshay Dowladda Mareykanka iyo hay’adda FIFA, si xal degdeg ah loogu helo arrintan”.

Warka waxay kaloo ku xustay “Nasiib darro, inkastoo dadaalladaas xooggan la sameeyay, ma suuragelin in xal laga gaaro. Garsoore Cumar Cartan wuxuu tusaale muuqda u yahay kartida, adkeysiga, iyo dadaalka dhallinyarada Soomaaliyeed. Guulihiisa caalamiga ahaa waxay sharaf iyo sumcad u yihiin shacabka Soomaaliyeed, waxayna caddeynaysaa in caqabadaha iyo duruufaha adag ee dalka ka jira aysan hor istaagin in dhalinyarada Soomaaliyeed ay gaaraan heerar sare oo caalami ah.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska waxay mar kale xaqiijineysaa taageeradeeda buuxda ee Garsoore Cumar Cartan, waxayna sii wadi doontaa taageerada horumarintiisa xirfadeed iyo ka qeybgalka fursadaha caalamiga ah ee mustaqbalka, waxayna u mahadcelineysaa Shacabka Soomaaliyeed, bahda ciyaaraha iyo dhammaan Dadka muujiyay garab istaagga, dhiirrigelinta iyo taageerada ay u muujiyeen Garsoore Cumar Cartan.

Isha: Somali National TV. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Somali National TV
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralcumarsaxaafadeedcartan
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.

La socodsii

Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.