Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Yemen iyo Xuutiyiinta oo qarka u saaran in…
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiDagaallo xooggan ayaa ka dhacay magaalada Tacis oo u dhexeeya ciidamada dowladda Yemen iyo Xuutiyiinta, taasoo keentay dhimashada ugu yaraan 76 qof.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo dalka Yemen ayaa sheegaya in 24kii saac ee ugu dambeeyay dhimashada labada dhinac ay gaartay ugu yaraan 76 qof, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo ka tirsan labada dhinac oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP.
- Ilo wareedyada ayaa sheegay in dagaalka uu ka socdo dhowr jiho oo ku yaal agagaarka magaalada Tacis, iyadoo Xuutiyiinta ay doonayaan inay gacanta ku dhigaan magaalada oo weli ay maamuleyso dowladda uu sucuudiga taageero.
- Saraakiil militari oo ka tirsan dowladda Yemen ayaa dhankooda u sheegay AFP in Xuutiyiintu ay qarxiyeen buundo yar oo ku taal waddada kaliya ee isku xirta Tacis iyo Cadan, oo ah xarunta dowladda ku meel gaarka ah ee Yemen, taas oo keentay in gaadiidka u kala goosha labada magaalo ay istaagaan, waxayna saameyn ku yeelatay ciidamada dowlada oo go’doon ku ah Tacis.
- Sidoo kale, go’taanka wadadan ayaa horseedaya inay adkaato in sahay la gaarsiiyo ciidamada dowlada, waana sida ay doonayaan kooxda uutiyiinta.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin cawaaqibka muddada dheer ee dagaalka Tacis?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Xuutiyiintu ayaa qarxiyeen buundo yar oo ku taal waddada kaliya ee isku xirta Tacis iyo Cadan.
- ciidamada dowladda Yemen ayaa qaadeen 474 duqeymood oo dhanka cirka ah oo lagu beegsaday goobaha dagaalka ee ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka Xuutiyiinta.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Tacis (Caasimada Online) – Dagaallo xooggan oo u dhexeeya ciidamada dowladda Yemen iyo Asarullah Al-Xuuti ayaa saacadahii ugu dambeeyay ee maanta ka dhacay magaalada Tacis oo dhacda koonfur-galbeed Yemen, kuwaas sababay dhimashada tobonaan qof.
Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo dalka Yemen ayaa sheegaya in 24kii saac ee ugu dambeeyay dhimashada labada dhinac ay gaartay ugu yaraan 76 qof, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo ka tirsan labada dhinac oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP.
Ilo wareedyada ayaa sheegay in dagaalka uu ka socdo dhowr jiho oo ku yaal agagaarka magaalada Tacis, iyadoo Xuutiyiinta ay doonayaan inay gacanta ku dhigaan magaalada oo weli ay maamuleyso dowladda uu sucuudiga taageero.
Saraakiil militari oo ka tirsan dowladda Yemen ayaa dhankooda u sheegay AFP in Xuutiyiintu ay qarxiyeen buundo yar oo ku taal waddada kaliya ee isku xirta Tacis iyo Cadan, oo ah xarunta dowladda ku meel gaarka ah ee Yemen, taas oo keentay in gaadiidka u kala goosha labada magaalo ay istaagaan, waxayna saameyn ku yeelatay ciidamada dowlada oo go’doon ku ah Tacis.
Sidoo kale, go’taanka wadadan ayaa horseedaya inay adkaato in sahay la gaarsiiyo ciidamada dowlada, waana sida ay doonayaan kooxda uutiyiinta.
Dhanka kale, bayaan ay soo saareen ciidamada dowladda Yemen ayaa lagu sheegay inay qaadeen 474 duqeymood oo dhanka cirka ah oo lagu beegsaday goobaha dagaalka ee ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka Xuutiyiinta, kuwaas oo dhacay 24-kii saacadood ee la soo dhaafay.
Duqeymaha ugu badan ee ay qaadayaan Sucuudiga ayaa laga fuliyaa aag magaalada Tacis oo ay ka dagaalamayaan Xuutiyiinta si culeyska weerarka uu ugu yaraada ciidmada dowlada, haseyeeshee taasi waxba kama badalin Xuutuyiinta, waxaana muuqata inay horumar ka sameynayaan goobaha dagaalka waloow magaala Tacis maalmo badan la isku horfadhiya.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Dagaallo xooggan ayaa ka dhacay magaalada Tacis oo u dhexeeya ciidamada dowladda Yemen iyo Xuutiyiinta, taasoo keentay dhimashada ugu yaraan 76 qof. Khilaafka ayaa sii xoogeysanaya iyadoo duqeymo iyo burburka kaabayaasha muhiimka ah la sheegay.
Qodobada muhiimka ah
- Dagaallo xooggan ayaa ka dhacay magaalada Tacis oo u dhexeeya ciidamada dowladda Yemen iyo Xuutiyiinta, taasoo keentay dhimashada ugu yaraan 76 qof.
- Xuutiyiintu ayaa qarxiyeen buundo yar oo ku taal waddada kaliya ee isku xirta Tacis iyo Cadan.
- ciidamada dowladda Yemen ayaa qaadeen 474 duqeymood oo dhanka cirka ah oo lagu beegsaday goobaha dagaalka ee ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka Xuutiyiinta.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay ilo aan la magacaabin si loo helo tirakoobka khasaare.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka timid dhinaca Xuutiyiinta oo ku saabsan eedeymaha la soo jeediyay.
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan dhacdooyinka la soo sheegay.
Gunaanadka akhristaha
Xaaladda Tacis waa mid muhiim ah, iyadoo la sheegay khasaare weyn iyo burbur kaabayaasha.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin cawaaqibka muddada dheer ee dagaalka Tacis?
- Sidee ayey burburka buundada u saameyn doontaa sahayda?
- Maxay yihiin tallaabooyinka la qaadayo si loo xalliyo xaaladda bini'aadantinimo?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · dambeeyay · yemen · wararkii
Sii akhri
- In ka badan 3,300 oo Khasaaro Rayid ah oo ka dhashay Duqeymaha Hawada ee Maraykanka ee Yemen, Suuriya, Ciraaq, iyo Soomaaliya
Hiiraan Online
- Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Itoobiya iyo ciidamada Abiy oo qarka u saaran in….
Caasimada Online
- Xiisadda Sacuudiga iyo Xuutiyiinta oo Gaartay Madiina, Khamis Mushait iyo Cadan
Goobjoog Somali