Wararkii ugu dambeeyay ee xiisadda magaalada Matabaan
Waxa dhacay
Hal il · Caasimada Online
Xaalad kacsanaan ah ayaa ka jirta magaalada Matabaan kadib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay dagaal ku qabsadeen deegaanka Coomaad.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Horumarka dhanka dhulka ah ee ay Shabaabku ka sameeyeen deegaannada hoostaga magaalada Matabaan ayaa dhaliyay cabsi xoog leh oo ku aaddan in dagaalku uu ku fido magaaladaas.
- Wararka ayaa sheegaya in Shabaabka qabsaday Coomaad ay ciidan sahan ah u direen deegaanka Bacda, isla markaana ay kuwo kale u jiheysteen deegaan kale oo lagu magacaabo Qabno, iyagoo adeegsanaya waddooyin qarda-jeex ah.
- Amniga magaalada iyo difaaceeda ayaa si weyn ugu tiirsan deegaannadan, iyadoo deegaanka Bacda uu yahay kan ugu muhiimsan ee laga ilaaliyo amniga Matabaan, marka la eego in uu ku yaallo aagga hore ama furinta gobolka.
- Shacabka ku nool magaalada ayaa ka cabsi qaba in la difaaci waayo deegaannadan, oo ku yaalla waddooyin muhiim ah oo isku xira Matabaan iyo qaybo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa Axaddii qabsaday deegaanka Coomaad ee waqooyi-bari gobolka Hiiraan.
- Shabaabku waxay u direen ciidan sahan ah deegaanka Bacda, halkaas oo amniga Matabaan uu ku tiirsan yahay.
- Cabdirisaaq Daahir Xaashi ayaa sheegay in ciidamadu aysan muuqan inay diyaarsan yihiin difaac dhab ah.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Matabaan (Caasimada Online) — Qalqal weyn oo dhinaca amniga ah ayaa ka jira magaalada Matabaan iyo deegaannada ku xeeran, iyadoo dadka deegaanku ay ka walaacsan yihiin suurtogalnimada in magaaladaas la qabsado.
Xaalad kacsanaan ah ayaa laga dareemay magaalada, kaddib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay Axaddii dagaal ku qabsadeen deegaanka Coomaad ee waqooyi-bari ee gobolka Hiiraan.
Horumarka dhanka dhulka ah ee ay Shabaabku ka sameeyeen deegaannada hoostaga magaalada Matabaan ayaa dhaliyay cabsi xoog leh oo ku aaddan in dagaalku uu ku fido magaaladaas.
Wararka ayaa sheegaya in Shabaabka qabsaday Coomaad ay ciidan sahan ah u direen deegaanka Bacda, isla markaana ay kuwo kale u jiheysteen deegaan kale oo lagu magacaabo Qabno, iyagoo adeegsanaya waddooyin qarda-jeex ah.
Amniga magaalada iyo difaaceeda ayaa si weyn ugu tiirsan deegaannadan, iyadoo deegaanka Bacda uu yahay kan ugu muhiimsan ee laga ilaaliyo amniga Matabaan, marka la eego in uu ku yaallo aagga hore ama furinta gobolka.
Shacabka ku nool magaalada ayaa ka cabsi qaba in la difaaci waayo deegaannadan, oo ku yaalla waddooyin muhiim ah oo isku xira Matabaan iyo qaybo ka tirsan gobolka Hiiraan.
“Ciidamada soo lama rabin inay adkeeyaan difaacyadooda? Waxaad arkeysaa in hore iyo gadaal ay u socdaan. Magaalada bannaankeeda waxaa ku sugan ciidamo milatari ah iyo Macawiisleyda magaalada, umana muuqdaan kuwo wax difaacaya, maxaa yeelay ma jiro wax amar-kala-qaadasho ah,” ayuu yiri Cabdirisaaq Daahir Xaashi oo ka mid ah dadka reer Matabaan.
“Waxaa muuqda dhaqdhaqaaq aan degganeyn iyo isku-dhex-yaac, mana muuqato in ciidamadu ku jiraan diyaargarow difaac oo dhab ah. Ciidamo Macawiisley ah oo shalay la geeyay deegaanka Bacda ayaa xalay ku soo laabtay magaalada, haddana qaarkood ayaa dib loogu celiyay; taasina waxay ku tusineysaa isku-duubni la’aan iyo kala-amar-qaadasho la’aan dhexdooda ka jirta,” ayuu yiri Cabdirisaaq Daahir.
Iyadoo xaaladda Matabaan aysan fadhin, haddana ma jiraan saraakiil ka socota Dowladda Federaalka oo gaaray magaaladaas, si la isugu dubbarido hawlaha sugidda amniga iyo difaaca magaalada.
Gobolka Hiiraan oo xudun u ahaa kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa haatan wajahaya xaalad u muuqata in maleeshiyadu dib ugu soo ceshaneyso gacanta sare ee dagaalka.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · security · security · magaalada · matabaan
Sii akhri
- Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ka fuliyey duleedka Xudur, kuna dilay horjooge Al-Shabaab u qaabilsanaa baadda shacabka
Shabelle Media
- Sideey ciidamadu u dileen horjooge Mustaf Maxamed Dhaayow
Jowhar
- Soomaaliya oo soo dhaweysay go’aanka Mareykanka ee dib loogu cusbooneysiiyay maalgelinta UNSOS iyo AUSSOM
Shabelle Media