Wasaaradda Warfaafinta iyo Hay’adda Hayaan Heritage oo kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo dhaqanka Soomaaliyeed
Waxa dhacay
Hal il · Shabelle Media
Wasaaradda Warfaafinta iyo Hay’adda Hayaan Heritage ayaa kala saxiixday heshiis wada-shaqeyn ah oo lagu horumarinayo dhaqanka Soomaaliyeed, iyadoo munaasabaddaas uu goobjoog ka ahaa Wasiirka Cabdulfataax Qaasim Maxamuud.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Go’aan la gaarayAgaasimaha Waaxda Dhaqanka iyo Cilmi-baarista ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Aadan Cabdiqani Cawaale, ayaa heshiiska u saxiixay dhanka Wasaaradda, halka Agaasimaha Hay’adda Hayaan Heritage, Mudane Cabdiwahaab Axmed Cali, uu u saxiixay dhanka Hay’adda.
- Heshiiskan ayaa ujeeddadiisu tahay xoojinta iskaashiga labada dhinac, si loo horumariyo arrimaha dhaqanka, loo ilaaliyo dhaxalka taariikheed ee dalka, loona hirgeliyo barnaamijyo kor u qaadaya aqoonta, wacyiga iyo aqoonsiga bulshada ee ku aaddan hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.
- Heshiiska ayaa diiradda saaraya dhowrista iyo kobcinta dhaqanka Soomaaliyeed, ilaalinta taariikhda iyo dhaxalka qaranka, iyo hirgelinta qorshayaal wax ku ool ah oo bulshada, gaar ahaan jiilalka soo koraya, ku dhiirrigelinaya barashada iyo qiimeynta dhaqankooda.
- Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa wada-shaqeyntan ku tilmaantay qayb ka mid ah dadaallada ay ku xoojinayso xiriirka iyo iskaashiga kala dhexeeya hay’adaha waddaniga ah iyo bah-wadaagta kale, si la isugu geeyo khibradaha, aqoonta iyo awoodaha kala duwan ee lagu horumarin karo dhaqanka Soomaaliyeed.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin barnaamijyada gaarka ah ee lagu hirgelin doono heshiiskan?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Heshiiskan ayaa ujeeddadiisu tahay xoojinta iskaashiga labada dhinac, si loo horumariyo arrimaha dhaqanka, loo ilaaliyo dhaxalka taariikheed ee dalka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta goobjoog ka ahaa munaasabad ay Waaxda Dhaqanka ee Wasaaradda iyo Hay’adda Hayaan Heritage ku kala saxiixdeen heshiis wada-shaqeyn ah oo ku saabsan horumarinta, ilaalinta iyo kobcinta hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.
Heshiiskan ayaa ujeeddadiisu tahay xoojinta iskaashiga labada dhinac, si loo horumariyo arrimaha dhaqanka, loo ilaaliyo dhaxalka taariikheed ee dalka, loona hirgeliyo barnaamijyo kor u qaadaya aqoonta, wacyiga iyo aqoonsiga bulshada ee ku aaddan hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.
Agaasimaha Waaxda Dhaqanka iyo Cilmi-baarista ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Aadan Cabdiqani Cawaale, ayaa heshiiska u saxiixay dhanka Wasaaradda, halka Agaasimaha Hay’adda Hayaan Heritage, Mudane Cabdiwahaab Axmed Cali, uu u saxiixay dhanka Hay’adda.
Heshiiska ayaa diiradda saaraya dhowrista iyo kobcinta dhaqanka Soomaaliyeed, ilaalinta taariikhda iyo dhaxalka qaranka, iyo hirgelinta qorshayaal wax ku ool ah oo bulshada, gaar ahaan jiilalka soo koraya, ku dhiirrigelinaya barashada iyo qiimeynta dhaqankooda.
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa wada-shaqeyntan ku tilmaantay qayb ka mid ah dadaallada ay ku xoojinayso xiriirka iyo iskaashiga kala dhexeeya hay’adaha waddaniga ah iyo bah-wadaagta kale, si la isugu geeyo khibradaha, aqoonta iyo awoodaha kala duwan ee lagu horumarin karo dhaqanka Soomaaliyeed.
Wasaaraddu waxay sidoo kale muhiimad gaar ah siinaysaa iskaashiga hay’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay, iyadoo ujeeddadu tahay in la helo barnaamijyo waara oo gacan ka geysta ilaalinta dhaxalka dhaqameed ee dalka, loona gudbiyo jiilalka mustaqbalka.
Heshiiskan ayaa muujinaya sida ay uga go’an tahay Wasaaradda Warfaafinta iyo Hay’adda Hayaan Heritage inay si wadajir ah uga shaqeeyaan ilaalinta, horumarinta iyo kobcinta hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Wasaaradda Warfaafinta iyo Hay’adda Hayaan Heritage ayaa kala saxiixday heshiis wada-shaqeyn ah oo lagu horumarinayo dhaqanka Soomaaliyeed, iyadoo munaasabaddaas uu goobjoog ka ahaa Wasiirka Cabdulfataax Qaasim Maxamuud.
Qodobada muhiimka ah
- Wasaaradda Warfaafinta iyo Hay’adda Hayaan Heritage ayaa kala saxiixday heshiis wada-shaqeyn ah oo lagu horumarinayo dhaqanka Soomaaliyeed.
- Heshiiskan ayaa ujeeddadiisu tahay xoojinta iskaashiga labada dhinac, si loo horumariyo arrimaha dhaqanka, loo ilaaliyo dhaxalka taariikheed ee dalka.
- Heshiiskan ayaa muujinaya sida ay uga go’an tahay Wasaaradda Warfaafinta iyo Hay’adda Hayaan Heritage inay si wadajir ah uga shaqeeyaan ilaalinta, horumarinta iyo kobcinta hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dhinacyada kale ee ku saabsan heshiiskan.
- Xog madax-bannaan oo ku saabsan faahfaahinta heshiiska lama bixiyo.
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay bayaannada Wasaaradda iyo Hay’adda Hayaan Heritage.
Gunaanadka akhristaha
Saxiixa heshiiskan wuxuu muujinayaa dadaallada socda ee lagu horumarinayo iyo ilaalinayo dhaqanka Soomaaliyeed.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin barnaamijyada gaarka ah ee lagu hirgelin doono heshiiskan?
- Sidee loo cabbiri doonaa guusha iskaashigan?
- Ma jiraan daneeyayaal kale oo ku lug leh hindisahan?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · kala · hayaan · heritage