DF oo ka jawaabtay go’aankii Mareykanka uu ku soo celiyay…
Waxa dhacay
Hal il · Caasimada Online
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay go'aanka ay Washington ku kordhisay maalgelinta xafiiska taageerada Qaramada Midoobay muddo hal sano ah, taas oo meesha ka saareysa qorshe hore oo lagu dhimi lahaa taageerada la siiyo ciidamada Midowga Afrika ee dalka jooga.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Soo-jeedinXoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa hore u sheegay in ciidamada Midowga Afrika ay inta badan bilaha qaar mushaar la’aan ku shaqeeyaan, wuxuuna ku baaqay in la kordhiyo qaaraanka la siiyo hawlgalka iyo sanduuqa taageera ciidamada Soomaaliya.
- Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in cusbooneysiintan ay khuseyso Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) iyo Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
- Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa Axaddii u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in Washington ay “taageeri doonto muddo-kordhin hal sano ah oo loo sameeyo waajibaadka shaqo” ee labada hawlgal.
- Afhayeenku waxa uu xusay in sii wadidda shaqada xafiiska Qaramada Midoobay ay gacan ka geysan doonto xakameynta khataraha ka imaan kara Soomaaliya iyo ka hortagga xiisad goboleed oo ballaarata, taas oo waxyeello u geysan karta danaha Mareykanka.
- Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay cadadka maalgelinta gaarka ah ee Mareykanku siin doono xafiiska taageerada Qaramada Midoobay?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay go'aanka ay Washington ku kordhisay maalgelinta xafiiska taageerada Qaramada Midoobay muddo hal sano ah.
- Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in sii wadidda shaqada xafiiska Qaramada Midoobay ay gacan ka geysan doonto xakameynta khataraha ka imaan kara Soomaaliya.
- Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa dhankeeda tilmaantay in go’aankani uu mar kale xaqiijinayo “iskaashiga joogtada ah” ee kala dhexeeya Mareykanka, oo ay ku tilmaantay “saaxiibka ugu weyn uguna adag ee Soomaaliya ay ku leedahay la-dagaallanka A
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Isniintii soo dhoweysay go’aanka ay Washington ku oggolaatay in muddo hal sano ah oo dheeraad ah la maalgeliyo xafiiska taageerada saadka ee Qaramada Midoobay, taas oo meesha ka saareysa qorshe hore oo lagu dhimi lahaa taageerada la siiyo ciidamada Midowga Afrika ee dalka jooga.
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in cusbooneysiintan ay khuseyso Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) iyo Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa Axaddii u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in Washington ay “taageeri doonto muddo-kordhin hal sano ah oo loo sameeyo waajibaadka shaqo” ee labada hawlgal.
Afhayeenku waxa uu xusay in sii wadidda shaqada xafiiska Qaramada Midoobay ay gacan ka geysan doonto xakameynta khataraha ka imaan kara Soomaaliya iyo ka hortagga xiisad goboleed oo ballaarata, taas oo waxyeello u geysan karta danaha Mareykanka.
Si kastaba ha ahaatee, sarkaalkan ayaa ka digay in la isku halleeyo “ballanqaad aan dhammaad lahayn”, wuxuuna ku boorriyay Soomaaliya iyo Midowga Afrika in ay dardargeliyaan qorsheynta lagu beddelayo maalgelinta iyo saadka Qaramada Midoobay, si loogu wareego “xalal amni oo goboleed oo waara.”
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa dhankeeda tilmaantay in go’aankani uu mar kale xaqiijinayo “iskaashiga joogtada ah” ee kala dhexeeya Mareykanka, oo ay ku tilmaantay “saaxiibka ugu weyn uguna adag ee Soomaaliya ay ku leedahay la-dagaallanka Al-Shabaab.”
Waxay intaas ku dartay in kaalmada Mareykanku ay door muhiim ah ka qaadatay xoojinta hay’adaha amniga Soomaaliya, sii wadidda hawlgallada caalamiga ah, iyo ilaalinta guulihii laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxdaas.
Wasaaraddu waxay ugu baaqday dhammaan saaxiibbada caalamiga ah in ay “qaybsadaan culayska, isla markaana joogteeyaan taageerada ku aaddan kala-guurka amniga Soomaaliya,” iyadoo caddeysay in laga adkaado kooxdan xiriirka la leh Al-Qaacida ay muhiim u tahay mustaqbalka Soomaaliya iyo xasilloonida Geeska Afrika iyo guud ahaan caalamka.
Farqiga maal-gelinta
Wasaaradda Gaashaandhigga ma shaacin cadadka lacageed ee cusub ee uu Mareykanku bixin doono, iyadoo waajibaadka shaqo ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu siiyay labada hawlgal uu ku eg yahay 31-ka bisha December.
Bishii Luulyo ee la soo dhaafay, Washington ayaa u sheegtay Midowga Afrika in ay qorsheyneyso joojinta maalgelinta UNSOS iyo in ay diidan tahay taageero dambe oo dhinaca saadka ah oo Qaramada Midoobay bixiso wixii ka dambeeya dhammaadka sanadkan.
Warqad ka soo baxday Mareykanka oo ay soo xigatay AFP, ayay Washington ku eedeysay Muqdisho in ay ku guuldareysatay in ay ilaashato guulihii laga gaaray Al-Shabaab, in ay la wareegto mas’uuliyadda amnigeeda, ama in ay sameyso isbeddello dhab ah.
Sidoo kale, qoraal diblomaasiyadeed oo ay aragtay wakaaladda Reuters ayaa lagu soo bandhigay soo-jeedintii Mareykanka ee bishii Sebtembar, taas oo ahayd in xafiiska Qaramada Midoobay la siiyo 12 bilood oo uu ku soo afjaro shaqadiisa ka hor inta aan la xirin.
Hase yeeshee, ilo-wareed diblomaasiyadeed oo ka shaqeeya arrimaha Soomaaliya oo magaciisa qariyay ayaa u sheegay AFP in isbeddelkan u dambeeyay uu yimid kaddib qiimeyn gudaha ah oo ay sameysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, taas oo dhalisay cabsi laga qabo in Soomaaliya ay noqoto dal fashilmay (failed state).
Sida ku cad tirokoob uu Mareykanku u gudbiyay Golaha Ammaanka bishii December 2025, Washington waxay ku dhowaad 2 bilyan oo dollar ku bixisay qaaraanka rasmiga ah ee UNSOS iyo xafiiskii ka horreeyay, halka ku dhowaad 1.6 bilyan oo dollar oo kalena ay siisay dalalka ciidamada ku biiriya hawlgalladii is xigxigay ee Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa miisaaniyadda xafiiska taageerada u asteeyay 481.4 milyan oo dollar sanad-maaliyadeedka ku eg bisha Juun 2027. Xafiisku wuxuu barnaamij gaar ah oo loo oggolaaday inuu daboolo ilaa 20,900 oo askari ku siiyaa shidaal, raashin iyo daad-gureyn caafimaad ciidamada Soomaaliya ee la shaqeeya hawlgalka Midowga Afrika.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa hore u sheegay in ciidamada Midowga Afrika ay inta badan bilaha qaar mushaar la’aan ku shaqeeyaan, wuxuuna ku baaqay in la kordhiyo qaaraanka la siiyo hawlgalka iyo sanduuqa taageera ciidamada Soomaaliya. Yaraanta ku timid sanduuqaas ayaa hakisay gaarsiinta shidaalka iyo raashinka, ilaa ay Britain bishii Agoosto ku deeqday 1 milyan oo gini.
Shir-madaxeedkii bishii Luulyo ka dhacay magaalada Kampala ayay Soomaaliya iyo dalalka ciidamada ku biiriya hawlgalku ku dalbadeen taageero saad oo aan kala go’ lahayn muddo 18 ilaa 24 bilood ah, si ciidamada Soomaaliya loogu siiyo waqti ay amniga kula wareegaan.
Wareejinta saldhigyada
Dhanka kale, hawlgalka AUSSOM ayaa fiidnimadii Axadda shaaciyay in ciidamada Uganda ee qaybta ka ah hawlgalka ay ciidamada Soomaaliya ku wareejiyeen shan saldhig oo hawlgal oo ku yaalla aagga degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose
Dalka Uganda, oo ciidamadii ugu horreeyay ee nabad-ilaalinta u soo diray Soomaaliya sanadkii 2007, ayaa leh ciidamada ugu badan ee ka tirsan AUSSOM. Horraantii bishan, Uganda waxay bilowday in ay la baxdo ciidamo ay ku geysay Soomaaliya heshiis gaar ah oo labo-geesood ah oo ay la gashay Muqdisho, iyadoo qorsheyneysa in ay dalkeeda ku celiso dhammaan ciidamadeeda—oo ay ku jiraan kuwa ka tirsan AUSSOM—dhammaadka sanadka 2027.
Warqad gudaha ah oo ay heshay wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa lagu sheegay in AUSSOM ay qorsheyneyso in ay ciidamo nabad-ilaalin ah ka soo rarto Baraawe inta lagu guda jiro isku-shaandheynta ciidamada ee bisha Nofeembar, si ay u beddelaan ciidamada Uganda ee ka baxaya afar saldhig oo ku dhow Muqdisho.
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada qaranku ay la wareegeen in ka badan 20 saldhig oo jiidda hore ah oo ay horay u joogeen ciidamada Midowga Afrika afartii sano ee la soo dhaafay, taas oo ka tarjumeysa awoodda sii kordheysa ee ciidamada Soomaaliya, isla markaana gacan ka geysatay in tirada ciidamada Midowga Afrika laga soo dhimo ku dhowaad 21,000 oo askari lagana dhigo ku dhowaad kala bar tiradaas.
Waxay sidoo kale ammaantay taageerada Mareykanka oo ay sheegtay in ay wax ka beddeshay amniga inta badan magaalooyinka waaweyn iyo qaybo badan oo dalka ka mid ah, iyadoo xustay in Al-Shabaab laga saaray deegaannada ay dadku ku badan yihiin, isla markaana ay hadda “ku kooban yihiin dhul fog-fog, halkaas oo ay weli isku dayaan in ay rabshado ku carqaladeeyaan horumarka Soomaaliya.”
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Guterres, ayaa warbixintiisa ku sheegay in amniga Muqdisho uu soo hagaagay ilaa bartamihii bishii Oktoobar, balse wuxuu ka digay in Al-Shabaab ay weli tahay khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya, iyadoo weerarro joogto ah ku qaadda ciidamada amniga ee koonfurta iyo bartamaha dalka.
Ugu dambeyn, Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa caddeysay in Soomaaliya ay hiigsaneyso in mas’uuliyadda ugu weyn ee amniga dalka lagu wareejiyo ciidamadeeda “mustaqbalka dhow.”
“Cusbooneysiinta taageerada Mareykanka waxay gacan ka geysan doontaa ilaalinta sii socoshada hawlgallada, difaacidda guulihii dhowaan la gaaray, waxayna u sahlaysaa ciidamada Soomaaliya in ay amniga ku ballaariyaan deegaannada la xoreeyay,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay go'aanka ay Washington ku kordhisay maalgelinta xafiiska taageerada Qaramada Midoobay muddo hal sano ah, taas oo meesha ka saareysa qorshe hore oo lagu dhimi lahaa taageerada la siiyo ciidamada Midowga Afrika ee dalka jooga.
Qodobada muhiimka ah
- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay go'aanka ay Washington ku kordhisay maalgelinta xafiiska taageerada Qaramada Midoobay muddo hal sano ah.
- Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in sii wadidda shaqada xafiiska Qaramada Midoobay ay gacan ka geysan doonto xakameynta khataraha ka imaan kara Soomaaliya.
- Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa dhankeeda tilmaantay in go’aankani uu mar kale xaqiijinayo “iskaashiga joogtada ah” ee kala dhexeeya Mareykanka, oo ay ku tilmaantay “saaxiibka ugu weyn uguna adag ee Soomaaliya ay ku leedahay la-dagaallanka A
- Maqaalku wuxuu sheegayaa in Mareykanku horey u sheegay qorsheyaal lagu dhimayo maalgelinta xafiiska taageerada Qaramada Midoobay.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo faahfaahin cad oo ku saabsan cadadka maalgelinta cusub ee Mareykanku bixin doono.
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dhinacyada la eedeeyay ama la dhaleeceeyay.
- Eedeymaha ku saabsan qorshayaasha Mareykanka ee dhimista maalgelinta waxay ku saleysan yihiin bayaanno hore oo aan si madax-bannaan loo xaqiijin.
Gunaanadka akhristaha
Go'aanka lagu kordhinayo maalgelinta wuxuu muujinayaa taageerada joogtada ah ee Mareykanka ee dadaallada amniga Soomaaliya ka dhanka ah Al-Shabaab.
Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay cadadka maalgelinta gaarka ah ee Mareykanku siin doono xafiiska taageerada Qaramada Midoobay?
- Sidee maalgelintani u saameyn doontaa hawlgallada ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya?
- Waa maxay tallaabooyinka la qaadi doono si loo hubiyo waxtarka iskaashiga la dagaallanka Al-Shabaab?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · soo · mareykanka · celiyay
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Mareykanka oo Soomaaliya Dib ugu Soo Celinaya Taageeradii Millateri ee uu Joojiyay
Hiiraanweyn
- Soomaaliya oo Nairobi ka furtay shirka dib-u-eegista hirgelinta Axdiga Qaramada Midoobay ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa
Shabelle Media
- Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray xarunta Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda
Shabelle Media