Wasiir Fiqi oo soo jeediyay in maleeshiyaadka uu hubka siiyay Imaaraadka lagu diro liiska…
Waxa dhacay
Hal il · Caasimada Online
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradka, gaar ahaan kuwa xiriirka la leh dowladda Imaaraadka Carabta.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Soo-jeedinFiqi ayaa sheegay inay jiraan siyaasiyiin u shaqeeya Imaaraadka Carabta, isaga oo ku baaqay in lala xisaabtamo, lana horgeeyo maxkamad si looga qaado tallaabo sharci ah.
- Sidoo kale, wuxuu soo jeediyay in ruqsadaha lagala noqdo idaacado uu sheegay inay Imaaraadku ka furteen magaalada Muqdisho, inkastoo uusan si cad u magacaabin.
- “Dabadhilifyada hanka yar ee ay adeegsadaan imaaraadku waxay mudan yihiin in sharciga la horkeeno.
- Dhanka kale, Axmed Macallin Fiqi ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay tallaabo degdeg ah ka qaaddo maleeshiyaad uu ku eedeeyay in Imaaraadka Carabta uu hubeeyay, isaga oo soo jeediyay in lagu daro liiska kooxaha argagixisada.

Qodobbada warbixinta
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradka, gaar ahaan kuwa xiriirka la leh dowladda Imaaraadka Carabta. Waxa uu ku baaqay in siyaasiyiintaasi lala xisaabtamo, sidoo kalena maleeshiyaadka uu hubeeyay lagu daro liiska argagixisada.
Fiqi ayaa sheegay inay jiraan siyaasiyiin u shaqeeya Imaaraadka Carabta, isaga oo ku baaqay in lala xisaabtamo, lana horgeeyo maxkamad si looga qaado tallaabo sharci ah.
Sidoo kale, wuxuu soo jeediyay in ruqsadaha lagala noqdo idaacado uu sheegay inay Imaaraadku ka furteen magaalada Muqdisho, inkastoo uusan si cad u magacaabin.
“Dabadhilifyada hanka yar ee ay adeegsadaan imaaraadku waxay mudan yihiin in sharciga la horkeeno. Wariyaasha u shaqeeya iyo idaacadaha ay ka furteen dalka in albaabada loo laabo oo ruqsada lagala noqdo,” ayuu yiri Wasiirku.
Dhanka kale, Axmed Macallin Fiqi ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay tallaabo degdeg ah ka qaaddo maleeshiyaad uu ku eedeeyay in Imaaraadka Carabta uu hubeeyay, isaga oo soo jeediyay in lagu daro liiska kooxaha argagixisada.
“Maleeshiyaadka ay hubeeyeen kooxaha argagixisada ha-lagu daro. Waa cadow jiritaankeena diidan, waxaana ka sii cadowsan kuwa dibindaabyada dalka kala shaqaynaya ee siyaasiyiinta sheegta,” ayuu sii raaciyay.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo galabta khudbad uu jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya uu kaga hadlay taallaabooyinka gurracan ee ay dowladda Imaaraadka Carabta ku farogalinayso arrimaha gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ay gudaha Soomaaliya ka dhistay saldhigyo milatari oo sharci-darro ah, isla markaana ay sameysay ciidamo ka baxsan kuwa Qaranka Soomaaliya, isagoo sheegay in arrintan ay xadgudub ku tahay hay’adaha amniga dalka, maadaama ciidamadaas aysan ka amar qaadaneynin dowladda federaalka Soomaaliya.
“Imaaraadka wuxuu ku dhiiraaday inuu dhiso saldhigyo milatari iyo ciidamo ka baxsan nidaamka amniga Qaranka Soomaaliyeed, isagoo ogolaansho ka haysan DFS. Ciidan aan ka amar qaadan talisyada Qaranka waa ciidan wiiqaya awoodda iyo midnimada hay’adaha amniga dalka,” ayuu yiri Madaxweynuhu.
Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray dowladda Imaaraadka Carabta, isaga oo xusuusiyay in Soomaaliya ay tahay dal madax-bannaan oo sharci ah, isla markaana shacabka ay ka go’an tahay inay is-difaacaan, ayna ilaashadaan qarannimadooda iyo madax-bannaanidooda.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · fiqi · maleeshiyaadka · imaaraadka
Sii akhri
- Madaxweyne Xasan Sheekh oo Imaaraadka ku eedeeyay faragelin ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya
Shabelle Media
- Wasiirka Cadaaladda oo Puntland, Jubbaland iyo mucaaradka ku eedeeyay inay isku bahaysteen ka-hor-tagga dowladda Federaalka
Shabelle Media
- Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo casho sharaf u sameeyay wafdi ka socda Sacuudiga
Shabelle Media