Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo kulan la qaatay Wasiirro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Galmudug
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo hoggaaminaya kooxda ololaha doorashada Musharaxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka JSP Mudane Liibaan Axmed Xasan ayaa kulan la qaatay Wasiirro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Galmudug, saraakiil iyo hoggaanka dhalinyarada Galmudug. Kulankaan oo k
Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa kulan la qaatay Wasiirro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Galmudug si ay uga wada hadlaan doorashada Musharaxa Hoggaamiyaha Galmudug, Liibaan Axmed Xasan.
Maxaa la shaaciyey
- Wasiir Al-Cadaala wuxuu ka codsaday masuuliyiinta iyo dhalinyarada inay codkooda siiyaan Urur Siyaasadeedka JSP.
- Musharax Liibaan Axmed Xasan ayaa lagu tilmaamay inuu yahay qofka ugu haboon ee Galmudug hoggaan u noqon kara.
- Masuuliyiinta reer Galmudug iyo dhallinyarada ayaa balanqaaday inay si buuxda uga qayb qaadan doonaan doorashada.
Macnaha guud
Kulankaan ayaa ka dhacay magaalada Dhuusamareeb iyadoo la filayo in dhaqdhaqaaqyada doorashada ay dhamaadka bishaan ka qabsoomaan deegaanada Galmudug.
“Musharax Liibaan Axmed Xasan uu yahay xilligaan qofka ugu haboon ee Galmudug hoggaan u noqon kara.”
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay muhiim u tahay inay ogaadaan dhaqdhaqaaqyada doorashada iyo musharixiinta ku tartamaya hoggaanka Galmudug.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo hoggaaminaya kooxda ololaha doorashada Musharaxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka JSP Mudane Liibaan Axmed Xasan ayaa kulan la qaatay Wasiirro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Galmudug, saraakiil iyo hoggaanka dhalinyarada Galmudug.
Kulankaan oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ayaa Wasiir Al-Cadaala wuxuu masuuliyiinta iyo dhalinyarada la wadaagay sidii ay qayb uga noqon lahaayeen dardar-galinta doorashada Galmudug, isagoo ka codsaday inay codkooda siiyaan Urur Siyaasadeedka JSP.
Wasiirka ayaa sidoo kale kulanka ka sheegay in Musharax Liibaan Axmed Xasan uu yahay xilligaan qofka ugu haboon ee Galmudug hoggaan u noqon kara, maadaama uu si wanaagsan u garanayo baahiyaha ka jira deegaanka, isla markaana aqoonstiisa iyo kartidiisa uu Urur Siyaasadeedku ku soo xushay.
Dhankooda, Masuuliyiinta reer Galmudug iyo dhallinyarada ka soo qeyb gashay kulankaas ayaa si diiran u soo dhaweeyay codsiga Wasiir Al-Cadaala, iyagoo balanqaaday in ay si buuxda uga qayb qaadan doonaan doorashada, isla markaana ay codkooda sii doonaan Urur Siyaasadeedka JSP.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Somali National TV
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.