Wasiirka Awqaafta Soomaaliya oo ka qeyb galay shir caalami ah oo ku saabsan mideynta goleyaasha fatwada Islaamka
Waxa dhacay
Hal il · Shabelle Media
Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa ka qeyb galay kulan caalami ah oo ku saabsan mideynta goleyaasha fatwada Islaamka ee Istanbul.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Kulankan oo loogu magac daray International Fatwa Council Consultation Meeting ayaa waxaa isugu yimid wasiirrada arrimaha diinta, madaxda hay’adaha diinta, muftiyo waaweyn iyo culimo caan ka ah dunida Islaamka.
- Shirka oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Diinta Turkiga ee Diyanet ayaa waxaa ka qeyb galaya in ka badan 100 marti-sharaf oo ka kala socda in ka badan 50 dal.
- Hal-ku-dhigga kulanka ayaa ah “Midnimada Umadda Islaamka iyo Goleyaasha Fatwada ee ka Jawaabaya Caqabadaha Caalamiga ah”, waxaana diiradda lagu saaray sidii loo dhisi lahaa hannaan wada-tashi oo joogto ah, kaas oo mideeya goleyaasha fatwada ee dalalka Islaamka.
- Ajendayaasha shirka waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa mideynta aragtida culimada iyo xoojinta walaaltinimada umadda Islaamka, ka jawaabista su’aalaha cusub ee ka dhasha horumarka tiknoolajiyadda iyo sirdoonka macmalka ah (AI), iyo la dagaallanka xogaha diineed ee khaldan iyo fatwooyinka aan ku dhisneyn cilmi iyo aqoon sugan.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin natiijooyinka gaarka ah ee laga gaaray kulanka?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Kulanka waxaa ka qeyb galaya in ka badan 100 marti-sharaf oo ka kala socda in ka badan 50 dal.
- Hal-ku-dhigga kulanka ayaa ah “Midnimada Umadda Islaamka iyo Goleyaasha Fatwada ee ka Jawaabaya Caqabadaha Caalamiga ah”.
- Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Hay’adda Diyanet, Prof. Dr. Safi Arpaguş, kaas oo ay kaga wada hadleen xoojinta iskaashiga dhinaca arrimaha diinta ee Soomaaliya iyo Turkiga.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Istanbul – Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kaga qeyb galay kulan caalami ah oo looga hadlayo talo-wadaagga goleyaasha fatwada Islaamka iyo sidii loo mideyn lahaa aragtida culimada Muslimiinta ee ku aaddan caqabadaha dunida maanta ka jira.
Kulankan oo loogu magac daray International Fatwa Council Consultation Meeting ayaa waxaa isugu yimid wasiirrada arrimaha diinta, madaxda hay’adaha diinta, muftiyo waaweyn iyo culimo caan ka ah dunida Islaamka.
Shirka oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Diinta Turkiga ee Diyanet ayaa waxaa ka qeyb galaya in ka badan 100 marti-sharaf oo ka kala socda in ka badan 50 dal. Furitaanka shirka waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Hay’adda Diyanet, Prof. Dr. Safi Arpaguş.
Hal-ku-dhigga kulanka ayaa ah “Midnimada Umadda Islaamka iyo Goleyaasha Fatwada ee ka Jawaabaya Caqabadaha Caalamiga ah”, waxaana diiradda lagu saaray sidii loo dhisi lahaa hannaan wada-tashi oo joogto ah, kaas oo mideeya goleyaasha fatwada ee dalalka Islaamka.
Ajendayaasha shirka waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa mideynta aragtida culimada iyo xoojinta walaaltinimada umadda Islaamka, ka jawaabista su’aalaha cusub ee ka dhasha horumarka tiknoolajiyadda iyo sirdoonka macmalka ah (AI), iyo la dagaallanka xogaha diineed ee khaldan iyo fatwooyinka aan ku dhisneyn cilmi iyo aqoon sugan.
Madaxweynaha Hay’adda Diyanet, Prof. Dr. Safi Arpaguş, oo khudbad ka jeediyay furitaanka shirka, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in culimada Muslimiintu yeeshaan mowqif mideysan, isla markaana ay abuuraan habab wada-tashi oo wax ku ool ah, kuwaas oo awood u leh inay ka jawaabaan caqabadaha cusub ee haysta dunida Islaamka.
Intii uu wasiirku ku sugnaa magaalada Istanbul, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Hay’adda Diyanet, Prof. Dr. Safi Arpaguş, kaas oo ay kaga wada hadleen xoojinta iskaashiga dhinaca arrimaha diinta ee Soomaaliya iyo Turkiga.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray dhismaha iyo tayeynta Sanduuqa Zakada iyo nidaamka Waqafka Soomaaliya, iyo sidii Hay’adda Diyanet ay uga qeyb qaadan lahayd horumarinta iyo xoojinta hay’adahaas.
Ka-qeybgalka Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Soomaaliya ee kulankan caalamiga ah ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo xiriirka ay Soomaaliya la leedahay hay’adaha diinta ee caalamka, iyo ka qeybgalka doodaha caalamiga ah ee la xiriira fatwada, waxbarashada diinta iyo horumarinta hay’adaha Islaamiga ah.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa ka qeyb galay kulan caalami ah oo ku saabsan mideynta goleyaasha fatwada Islaamka ee Istanbul. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray caqabadaha ay la kulmaan bulshada Muslimiinta maanta.
Qodobada muhiimka ah
- Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa ka qeyb galay kulan caalami ah oo ku saabsan mideynta goleyaasha fatwada Islaamka ee Istanbul.
- Kulanka waxaa ka qeyb galaya in ka badan 100 marti-sharaf oo ka kala socda in ka badan 50 dal.
- Hal-ku-dhigga kulanka ayaa ah “Midnimada Umadda Islaamka iyo Goleyaasha Fatwada ee ka Jawaabaya Caqabadaha Caalamiga ah”.
- Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Hay’adda Diyanet, Prof. Dr. Safi Arpaguş, kaas oo ay kaga wada hadleen xoojinta iskaashiga dhinaca arrimaha diinta ee Soomaaliya iyo Turkiga.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dhinacyada kale ee ku saabsan doodaha la qabtay.
- Ma jiraan xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan tirada ka qeybgalayaasha.
- Maqaalku ma caddeynayo natiijooyinka doodaha.
Gunaanadka akhristaha
Ka-qeybgalka Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ee kulankan wuxuu muujinayaa dadaallada socda ee lagu mideynayo aragtida Islaamka ee ku saabsan arrimaha casriga ah.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin natiijooyinka gaarka ah ee laga gaaray kulanka?
- Sidee loo hirgelin doonaa iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga ee arrimaha diinta?
- Maxay yihiin tallaabooyinka la qaadi doono si loo xalliyo caqabadaha la falanqeeyay?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · galay · awqaafta · goleyaasha
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada