Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Wasiirka Beeraha Oo Qaabilay Madaxa Cusub Ee Nidaamyada Cuntada Ee WFP Soomaaliya
MUQDISHO – Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa maanta Xarunta Dhexe ee Wasaaradda ku qaabilay Mudane Javed Yousifi, oo ah Madaxa cusub ee Nidaamyada Cuntada ee Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) ee Soomaaliya. Kulanka ayaa sidoo kale lagu sagootiyay Marwo Andreia Fausto, oo ahayd Madaxdii hore […]
Wasiirka Beeraha Maxamed Cabdi Xayir ayaa maanta Xarunta Dhexe ee Wasaaradda ku qaabilay Madaxa cusub ee Nidaamyada Cuntada WFP Soomaaliya, Javed Yousifi.
Maxaa la shaaciyey
- Kulanka waxaa lagu sagootiyay Marwo Andreia Fausto, oo ahayd Madaxdii hore ee Nidaamyada Cuntada ee WFP Soomaaliya.
- Madaxda Wasaaradda Beeraha ayaa uga mahadceliyay Marwo Andreia Fausto dadaalkii ay ku bixisay xoojinta iskaashiga.
- Mudane Javed Yousifi ayaa si diirran loo soo dhaweeyay, waxaana la rajeeyay guul iyo waxqabad wanaagsan xilka cusub.
“Mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa sidoo kale si diirran u soo dhaweeyay Mudane Javed Yousifi.”
Sababta ay muhiim u tahay: Waa muhiim in akhristayaasha Soomaaliyeed ay ogaadaan isbadallada ku saabsan nidaamyada cuntada iyo iskaashiga hay'adaha caalamiga ah.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
MUQDISHO – Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa maanta Xarunta Dhexe ee Wasaaradda ku qaabilay Mudane Javed Yousifi, oo ah Madaxa cusub ee Nidaamyada Cuntada ee Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu sagootiyay Marwo Andreia Fausto, oo ahayd Madaxdii hore ee Nidaamyada Cuntada ee WFP Soomaaliya, taas oo door muuqda ka qaadatay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Beeraha iyo Hay’adda WFP.
Munaasabadda soo dhoweynta iyo sagootinta ayaa waxaa ka qeyb galay madaxda sare iyo howlwadeennada Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, kuwaas oo uga mahadceliyay Marwo Andreia Fausto dadaalkii iyo waxqabadkii ay ku bixisay horumarinta wada-shaqeynta labada dhinac intii ay xilka haysay.
Mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa sidoo kale si diirran u soo dhaweeyay Mudane Javed Yousifi, iyagoo u rajeeyay guul iyo waxqabad wanaagsan xilka cusub ee loo igmaday, gaar ahaan dadaallada lagu horumarinayo nidaamyada cuntada, kor u qaadista wax-soo-saarka beeraha iyo xaqiijinta sugnaanta cuntada ee Soomaaliya.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.