Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Wasiirka Gaashaandhigga oo Qaabilay Madaxa Ergada Soomaaliya ee Isbaheysiga Dalalka Islaamka
MUQDISHO – Wasiirka Gaashaandhigga, XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Ergada Soomaaliya ee Isbaheysiga Dalalka Islaamka ee La-dagaallanka Argagixisada (IMCTC), General Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare. General Tuuryare ayaa Wasiirka Gaashaandhigga siiyay warbixin la xiriirta howlaha iyo mashaariicda Isbaheysiga ee Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika,
Wasiirka Gaashaandhigga, XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay General Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare oo ah Madaxa Ergada Soomaaliya ee Isbaheysiga Dalalka Islaamka ee La-dagaallanka Argagixisada.
Maxaa la shaaciyey
- General Tuuryare ayaa Wasiirka Gaashaandhigga siiyay warbixin ku saabsan howlaha iyo mashaariicda Isbaheysiga ee Soomaaliya.
- Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qorshayaasha mashaariic cusub oo dalka laga fulin doono sanadkan.
- General Tuuryare ayaa sidoo kale la kulmay Guddiga Sare ee diyaarinta Istiraatiijiyadda dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
“Kulankaas ayaa diiradda lagu saaray xoojinta tayeynta qorshayaasha dhismaha ciidanka.”
Sababta ay muhiim u tahay: Waa muhiim in akhristayaasha Soomaaliyeed ay ogaadaan horumarka iyo qorshayaasha amniga dalka.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
MUQDISHO – Wasiirka Gaashaandhigga, XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Ergada Soomaaliya ee Isbaheysiga Dalalka Islaamka ee La-dagaallanka Argagixisada (IMCTC), General Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare.
General Tuuryare ayaa Wasiirka Gaashaandhigga siiyay warbixin la xiriirta howlaha iyo mashaariicda Isbaheysiga ee Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika, isagoo sidoo kale faahfaahin ka bixiyay qorshayaasha mashaariic cusub oo dalka laga fulin doono sanadkan, iyo wufuud ka socota Isbaheysiga oo la filayo inay dalka soo gaaraan dhawaan.
Dhanka kale, General Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare ayaa kulan la yeeshay Guddiga Sare ee diyaarinta Istiraatiijiyadda dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo uu hoggaaminayo Sarreeye Gaas Maxamed Cali Bariise, Taliyaha Xarunta Howlgallada Wadajirka ah.
Kulankaas ayaa diiradda lagu saaray xoojinta tayeynta qorshayaasha dhismaha ciidanka, iyo horumarinta istiraatiijiyadda guud ee amniga dalka.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.