Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya oo kulan la yeeshay Guddoomiyaha nidaamka CIPS ee Shiinaha
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiShiinaha – Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyaha nidaamka CIPS ee dalka Shiinaha, Mudane Wang Hongbo, kaas oo looga hadlay sidii loo fududeyn lahaa isu-gudbinta lacagaha ganacsiga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Cidda ay saamaysayKulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii ganacsatada Soomaaliyeed loogu fududeyn lahaa bixinta iyo helitaanka lacagaha ka dhasha ganacsiga ay la leeyihiin shirkadaha iyo ganacsatada Shiinaha, iyo sidoo kale sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ku saabsan adeegsiga lacagta Yuan-ka.
- CIPS waa nidaam maaliyadeed oo Shiinuhu u adeegsado fududeynta lacag-bixinta iyo xisaab-xirka ganacsiga caalamiga ah, gaar ahaan macaamillada lagu sameeyo lacagta dalkaas ee Yuan-ka.
- Wasiirka ayaa kulanka ku wehelinayay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Shiinaha, Dr.
- Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee lagu horumarinayo xiriirka ganacsi ee Soomaaliya iyo Shiinaha, fududeynta isu-socodka lacagaha ganacsiga iyo ballaarinta fursadaha ay wax-soo-saarka Soomaaliyeed ku gaari karaan suuqa weyn ee Shiinaha.
Sida ay sheegtay Shabelle Media

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Shiinaha – Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyaha nidaamka CIPS ee dalka Shiinaha, Mudane Wang Hongbo, kaas oo looga hadlay sidii loo fududeyn lahaa isu-gudbinta lacagaha ganacsiga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.
CIPS waa nidaam maaliyadeed oo Shiinuhu u adeegsado fududeynta lacag-bixinta iyo xisaab-xirka ganacsiga caalamiga ah, gaar ahaan macaamillada lagu sameeyo lacagta dalkaas ee Yuan-ka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii ganacsatada Soomaaliyeed loogu fududeyn lahaa bixinta iyo helitaanka lacagaha ka dhasha ganacsiga ay la leeyihiin shirkadaha iyo ganacsatada Shiinaha, iyo sidoo kale sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ku saabsan adeegsiga lacagta Yuan-ka.
Wasiirka ayaa kulanka ku wehelinayay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Shiinaha, Dr. Hodan Osman Abdi, Ku-xigeenka Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Cabdirisaaq Cali Ibraahim, iyo howlwadeenno kale oo ka tirsan wafdiga Soomaaliya.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee lagu horumarinayo xiriirka ganacsi ee Soomaaliya iyo Shiinaha, fududeynta isu-socodka lacagaha ganacsiga iyo ballaarinta fursadaha ay wax-soo-saarka Soomaaliyeed ku gaari karaan suuqa weyn ee Shiinaha.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · shiinaha · soomaaliya · cips
Sii akhri
- Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka wada shaqeynaya heshiis ku saabsan marin badeedka
Caasimada Online
- Soomaaliya oo ka qaybqaadatay Carwada 9-aad ee Caalamiga ah ee Soo-dejinta Shiinaha (CIIE)
Shabelle Media
- Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo gaaray Tripoli si uu uga qaybgalo shirka CEN-SAD
Shabelle Media