Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka oo kulammo doceedyo la yeelatay Madax kala duwan
Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa kulammo doceedyo la yeelatay Madax iyo Mas’uuliyiin sare oo ka kala socday hay’adaha iyo dowladaha xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), intii uu ka socday magaalada Islamabad Shirka Haweenka Islaamka. Kulammada ayaa Wasiiraddu la qaadatay Agaasimah
Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa kulammo doceedyo la yeelatay madax kala duwan intii uu socday Shirka Haweenka Islaamka ee Islamabad.
Maxaa la shaaciyey
- Kulammada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka xubnaha ka ah OIC.
- Wasiiraddu waxay la hadashay madax ka socday dalal kala duwan sida Turkiga, Bangladesh, Masar, iyo Sacuudi Carabiya.
- Kulammadu waxay ku soo dhammaadeen is-afgarad ku saabsan kor u qaadidda wada-shaqeyn miro dhal ah.
“Kulammadu waxay ku soo dhammaadeen is-afgarad ku saabsan sii ballaarinta iskaashiga.”
Sababta ay muhiim u tahay: Waa muhiim in Soomaalida ay ogaadaan dadaallada lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga caalamiga ah ee ku saabsan xuquuqda aadanaha iyo hormarinta bulshada.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa kulammo doceedyo la yeelatay Madax iyo Mas’uuliyiin sare oo ka kala socday hay’adaha iyo dowladaha xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), intii uu ka socday magaalada Islamabad Shirka Haweenka Islaamka.
Kulammada ayaa Wasiiraddu la qaadatay Agaasimaha Fulinta Guddiga Madaxbannaan ee Joogtada ah ee Xuquuqda Aadanaha ee OIC (IPHRC), Wasiirka Shaqada iyo Amniga Bulshada ee Jamhuuriyadda Turkiga Waqooyiga Qubrus (TRNC), Agaasimaha Guud ee Xarunta Cilmi-baarista iyo Tababarka Dhaqaalaha, Bulshada iyo Tirakoobka ee Dalalka Islaamka (SESRIC), Wasiirka Arrimaha Haweenka, Carruurta iyo Daryeelka Bulshada ee Bangladesh, Guddoomiyaha Golaha Qaranka Haweenka ee Masar, iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Arrimaha Qoyska ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Intii ay socdeen kulammadan, waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dalalka xubnaha ka ah OIC, gaar ahaan dhinacyada hormarinta qoyska, ilaalinta xuquuqul insaanka, awood-siinta haweenka, daryeelka carruurta, horumarinta bulshada iyo isdhaafsiga khibradaha iyo aqoonta.
Kulammadu waxay ku soo dhammaadeen is-afgarad ku saabsan sii ballaarinta iskaashiga iyo kor u qaadidda wada-shaqeyn miro dhal ah oo wax ka tari doonta horumarinta adeegyada bulshada iyo hirgelinta barnaamijyada mudnaanta u leh Soomaaliya. Wasiirka waxaa kulammadan ku weheliyey Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Pakistan, Danjire Shiikh Nuur Maxamed Xasan.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Somali National TV
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.