Topic
Warkasta is tracking kala across 8 reports from 3 sources. Recent coverage touches askari, baarlamaanka, and baxdo, each linked to its original source with side-by-side comparison where outlets differ.

Mucaaradka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku kala qeybsamay doorashada madaxweynaha cusub ee Galmudug, Liibaan Axmed Xasan (Liibaan Shuluq) oo shalay la sheegay inuu ku guuleystay xilka hoggaaminta maamulkaas. Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo ka mid ah xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa hambalyo u diray Liibaan Shuluq, oo

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Hawlgalka Kaalmada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS). Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminayay Ku-simaha Madaxa Hawlgalka UNTMIS, Raisedon Zenenga, waxaana kulanka looga hadla
Waxaa maalmo kooban ka harsan yihiin dhaqan-gelinta qodobbada Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee kala saaraya xildhibaannimada iyo xilka wasiirnimo, iyadoo arrintan ay si toos ah…

Falcelin xooggan iyo hadal-heyn ayaa ka dhalatay go’aanka uu Arbacadii uu soo saaray Guddiga Madaxbannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka oo shaaciyay in la kala saarayo xukuumadda iyo baarlamaanka, si loo dhaqan-geliyo dastuurka cusub ee ay horay u meel-mariyeen labada gole ee Baarlamaanka dalka. Qodobka 97-aad ee dastuurkii KMG ahaa ee…

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb, ayaa caawa kulamo kala duwan la yeeshay qeybaha bulshada ee caasimadda Galmudug. Kulamada ayaa waxaa ka qeybgalay siyaasiyiin, odayaasha dhaqanka, ganacsatada, haweenka iyo dhallinyarada magaalada, iyadoo looga hadlay arrimo la xiriira xaaladda bulshada iyo dowla
Dowladda Itoobiya ayaa qorshaynaysa inay Soomaaliya kala baxdo in ka badan 3,000 askari, iyadoo warbixin ay baahisay Bloomberg sheegtay in Addis Ababa ay doonayso inay dib ugu celiso ciidamadeeda dalka, si ay uga qeyb qaataan dagaallada sii xoogeysanaya ee ka dhanka ah kooxaha fallaagada ah ee gudaha Itoobiya.

MUQDISHO, Soomaaliya — Itoobiya ayaa qorshaynaysa inay Soomaaliya kala baxdo in ka badan 3,000 askari, iyadoo dagaallada ka socda waqooyiga dalkaasi ay cadaadis ku saarayaan ciidamadeeda, sida ay sheegtay Bloomberg, inkastoo dowladda Soomaaliya ay sheegtay in aan loo soo gudbin wax ogeysiis rasmi ah. Sida laga soo xigtay ilo xog-ogaal ah oo Bloomberg ay…

Itoobiya ayaa qorsheyneysa inay Soomaaliya kala baxdo in ka badan 3,000 oo askari, iyadoo ciidamadaas la sheegay in loo wareejinayo deegaanno ka tirsan dalkaas oo ay ka socdaan dagaallo. Sida ay ku warantay warbaahinta Bloomberg, ciidamada laga saarayo Soomaaliya ayaa hadda ku sugan gobollada Baay iyo Bakool, waxaana qorshuhu yahay in…