Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Somali National TVgeneral

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xarunta safaaradda Dowladda Shacbiga ee Shiinaha kula kulmay Danjiraha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang Yu. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada warfaafinta, warbaahinta, dhaqanka i

SO
Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya
Sawir / xog muuqaal ah · Somali National TV
Loading enhanced story summary...

Warbixin Soomaali asal ah

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Somali National TV

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xarunta safaaradda Dowladda Shacbiga ee Shiinaha kula kulmay Danjiraha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang Yu.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada warfaafinta, warbaahinta, dhaqanka iyo dalxiiska, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay muhiimadda iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa Dowladda Shacbiga ee Shiinaha uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga labada dal guud ahaan, gaar ahaan dhinacyada Warfaafinta, Warbaahinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska. Wasiirku waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda wadajirka labada dal ee ka hortagga xadgudubyada lagula kacayo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee labada waddan.

Danjire Wang Yu ayaa dhankiisa si diirran u soo dhoweeyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta, isaga oo bogaadiyay xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal. Danjiruhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in Dowladda Shiinaha ay ka go’an tahay sii wadidda taageerada Soomaaliya iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada mudnaanta u leh labada dal, oo ay ku jiraan Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Isha: Somali National TV. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Somali National TV
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralwarfaafintashiinahasoomaaliya
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.