Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Beijing Kaga Hadlay Horumarinta iyo Casriyeynta Warbaahinta
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa khudbad uu uga hadlayay horumarka Warbaahinta ka jeediyay Madasha 7-aad ee Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo Shiinaha oo ka socota magaalada Beijing. Wasiirka ayaa khudbaddiisa ku soo bandhigay horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso la qabsiga casriyeynta warbaahinta, caqabadaha a

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa khudbad uu uga hadlayay horumarka Warbaahinta ka jeediyay Madasha 7-aad ee Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo Shiinaha oo ka socota magaalada Beijing.
Wasiirka ayaa khudbaddiisa ku soo bandhigay horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso la qabsiga casriyeynta warbaahinta, caqabadaha ay la wadaagto wadamada gobolka gaar ahaan aaladaha casriga, sida isticmaalka warbaahinta garaad gacmeydka ( AI) xoojinta Warbaahinta cusub, iyo dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu dhisayo warbaahin casri ah oo la jaanqaadi karta isbedellada deg-degga ah ee dunida.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay in warbaahinta loo adeegsado horumarinta bulshada, gudbinta xog sugan iyo xoojinta xiriirka iyo midnimada bulshooyinka, isaga oo adkeeyey sida ay Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta warbaahin xirfad iyo masuuliyad ku dhisan.
Wasiir Cabdifataax ayaa si gaar ah u xusay muhiimadda iskaashiga warbaahineed ee Afrika iyo Shiinaha, gaar ahaan dhinacyada teknoolojiyadda, tababarrada, is-dhaafsiga khibradaha iyo horumarinta awoodda hay’adaha warbaahinta, isagoo sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay si firfircoon uga faa’iideysato fursadaha iskaashi ee madashani abuureyso.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Somali National TV
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.