Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa xalay ka qayb galay munaasabad lagu daahfuray xusuus-qorka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed, kaas oo loo tarjumay luuqadda Carabiga. Wasiir Cabdulfataax Qaasim ayaa bogaadiyay dadaalka loo galay tarjumaadda iyo faafinta xusuus-qorkan, isagoo si gaar ah ugu mahadc
Wasiirka Warfaafinta XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa ka qayb galay munaasabad lagu daahfuray xusuus-qorka Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf oo loo tarjumay Carabiga.
Maxaa la shaaciyey
- Wasiir Cabdulfataax Qaasim ayaa bogaadiyay dadaalka tarjumaadda xusuus-qorkan.
- Ustaad Maxamuud Ciise Faarax ayaa buugga u tarjumay luuqadda Carabiga.
- Wasiirku wuxuu xusay muhiimadda qorista iyo faafinta taariikhda Soomaaliyeed.
“Wasiirka ayaa xusay muhiimadda ay leedahay ilaalinta, qorista iyo faafinta taariikhda Soomaaliyeed.”
Sababta ay muhiim u tahay: Taariikhda la qoro waxay door muhiim ah ka qaadataa fahamka waayihii kala duwanaa ee dalka soo maray.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa xalay ka qayb galay munaasabad lagu daahfuray xusuus-qorka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed, kaas oo loo tarjumay luuqadda Carabiga.
Wasiir Cabdulfataax Qaasim ayaa bogaadiyay dadaalka loo galay tarjumaadda iyo faafinta xusuus-qorkan, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay Ustaad Maxamuud Ciise Faarax oo buugga u tarjumay luuqadda Carabiga.
Wasiirka ayaa xusay muhiimadda ay leedahay ilaalinta, qorista iyo faafinta taariikhda Soomaaliyeed. Waxa uu tilmaamay in taariikhda la qoro ay door muhiim ah ka qaadato fahamka waayihii kala duwanaa ee dalka soo maray iyo dhisidda jiil garanaya taariikhda dalkiisa iyo halgankii loo soo maray dowladnimada Soomaaliya.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Somali National TV
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.