Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Wasiirka Waxbarashada oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ah (TICA)
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Farah Sheekh Cabdulqaadir, oo booqasho ku jooga dalka Thailand, ayaa kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ah ee Thailand (Thailand International Cooperation Agency – TICA), Mudane Chulvat Narinthrangura, iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday hay’adaha u qaabilsan horumarinta iyo is

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Farah Sheekh Cabdulqaadir, oo booqasho ku jooga dalka Thailand, ayaa kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ah ee Thailand (Thailand International Cooperation Agency – TICA), Mudane Chulvat Narinthrangura, iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday hay’adaha u qaabilsan horumarinta iyo iskaashiga dalka Thailand.
Ugu horreyn, Wasiirka ayaa dowladda Thailand uga mahadceliyay kaalmada waxbarasho ee ay siiso ardayda Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Thailand, iyo muhiimadda ay leedahay sare u qaadista iskaashiga horumarineed ee labada dal, gaar ahaan dhinacyada horumarinta karaanka aadanaha, waxbarashada, horumarinta xirfadaha farsamada, iyo kalluumeysiga.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Somali National TV
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.