Weerarrada kooxda Fano oo carqaladeeyey doorashada Itoobiya ee Isniinta
Addis Ababa (Caasimada Online) – Itoobiya ayaa Isniinta u dareereysa doorashooyin heer federaal iyo heer gobol ah, iyadoo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed la filayo inuu sii adkeysto awooddiisa, balse weerarrada sii xoogeysanaya ee maleeshiyaadka Fano ee gobolka Amxaarada ayaa carqaladeynaya codbixinta mid ka mid ah gobollada siyaasadeed ahaan ugu xasaasisan dalkaas. Guddiga Doorashooyinka Qaranka Itoo

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Addis Ababa (Caasimada Online) – Itoobiya ayaa Isniinta u dareereysa doorashooyin heer federaal iyo heer gobol ah, iyadoo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed la filayo inuu sii adkeysto awooddiisa, balse weerarrada sii xoogeysanaya ee maleeshiyaadka Fano ee gobolka Amxaarada ayaa carqaladeynaya codbixinta mid ka mid ah gobollada siyaasadeed ahaan ugu xasaasisan dalkaas.
Guddiga Doorashooyinka Qaranka Itoobiya ayaa shaaciyay in codbixin aysan ka dhici doonin 46 deegaan-doorasho, oo ay ku jiraan siddeed ku yaalla Amxaarada iyo dhammaan 38-ka deegaan-doorasho ee Tigray, sababo la xiriira amni-darro iyo xaalado uu guddigu ku tilmaamay kuwo aan ku habbooneyn qabashada doorasho.
Carqaladdan ayaa imtixaan weyn ku ah Abiy, oo xisbigiisa Prosperity Party la filayo inuu ku gacan sarreeyo doorashada 1-da June, inkastoo ay jiraan dagaallo hubeysan oo ka socda Amxaarada iyo Oromia, ka maqnaanshaha Tigray ee codbixinta, iyo cabashooyinka mucaaradka ee ah in fagaarihii siyaasadda si weyn loo ciriiriyay.
In ka badan 50 milyan oo qof ayaa isu diiwaangeliyay inay codeeyaan, sida uu sheegay guddiga doorashada, dal ay ku nool yihiin ku dhowaad 120 milyan oo qof. Natiijooyinka ayaa la filayaa in la shaaciyo 11-ka June.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan